Kaynaan Media

Kaynaan Media "Xog iyo wacyi dhab ah." Kaynaan Media

“Cirradu waa nuurka muuminka. Kuma cirreysto diinta islaamka NINA, ilaa haddii uu ku cirreystana tin kastaa oo cirro ihi...
16/10/2025

“Cirradu waa nuurka muuminka. Kuma cirreysto diinta islaamka NINA, ilaa haddii uu ku cirreystana tin kastaa oo cirro ihi waxa ay u noqon doontaa xasano, waxa ayna cirradaasi kor ugu qaadi doontaa darajo.”——Al-xadiis,

Sh. Mustafa Xaji ismaciil ❤️

15/10/2025

Saan miyaa dowlad iyo dadd laraba in lagu hogaamiyo soomaaliya mucaarad iyo muxaafid caqli goodu wakaas.

14/10/2025

Xanuun weynaa Cali Al-Sayes 20 sano ayuu xirnaa gabadhiisa ilmo yar ahayd, waana lasoo daayay, jawigan ayuuna la kulmay.

14/10/2025

Walaal carabkaaga illaali

Fadlan u share garee aabe waa qaaliye.0616324721 aabo arboow oon iyo xanuun iyo gaajo ayuu la suuxay yanan laga jeedsan ...
13/10/2025

Fadlan u share garee aabe waa qaaliye.
0616324721 aabo arboow oon iyo xanuun iyo gaajo ayuu la suuxay yanan laga jeedsan soomaliyeey

Ninkii---Tooreyda Caloosha Kaga dhuftay ---Sayidinaa-- Cumar bin khadhaab Allaah Ka ralli noqdee  '  Oo La Ogaaday NINKi...
12/10/2025

Ninkii---Tooreyda Caloosha Kaga dhuftay
---Sayidinaa-- Cumar bin khadhaab Allaah Ka ralli noqdee ' Oo La Ogaaday NINKii Uu ahaa:"

Waxaa La Wariyay In Sayid Cumar bin khadhaab r.c Oo Salaad Subax Dadka Ka bixinayay Isagoo aqrinaya Suurada Al-Racdi Ayaa mid dhagar qabo reer " Majuusi ah

Inta Safuuftii Soo dhax qaaday, Waagaa Mixraab Masjid Ma jirin Safka h**e inta ugu yimid middidii Laba mar Dalaq saiiyay Caloosha.😭😭😭😭😭😭😭😭😭

Wuxuu dhahay isagoo Aad Xanuunsaday sayid Cumar " Ma waraaba i cunay mise Waa ley dilay. Waxaa loo keenay Koob Caano ah Wuu Cabay Meeshii toorayda laga geliayay ayeey caanihii Oo Sidooda ah ka yimaadeen.

Ninka Waxaa Ku Sameeyay Sayid Cumar Waxaa la Oran jiray Abu-Lu`Lu` al majuusi Lacnada ilaahey iyo tan malaa`igta iyo tan dadka allah dushiisa ka yeelee.

Dhaqtarkii ayaa Ku yiri Siyid Cumaroow Xaalada Aad Ku sugan tahay Markan arkay sii noolaan meyside Dadka U dardaaran

Waxaa Uu Islamarkiiba U yeeray Wiilkiisi Cabdullahi bin Cumar Waxaa Uu ku yiri 'Oradoo U tag " Xudeyfata binul yamaan Waxaad tiraahdaa Cumar maka mid yahay liiska Minaafiqiinta Uu Nabiga Kuu Sheegay.?

Xudeyfa Waa Uu iska Ooyay Wuxuu yiri Arrinkaa ma jecleen inaan Qof kala hadlo Waa sir Nabigu igu qarsaday , Lkn Cumar k**a mid aha munaafiqiinta magacyadooda leey sheegay..

Cumar Arrinkii Waa loo sheegay Wuxuu ku yiri Wiilkiisi C/lahi
Aduunyada maanta hal arrin ayaa iigu hartay
Wiilkii ayaa ku yiri Waa maxay Aabo taas.?

Cumar ayaa yiri Waxeey tahay Kaliyaa Waxaan rabaa in Nabi muxamed csw iyo Abu bakar dhinacooda leygu duugo ayaan rabaa

Ee Wiilkeygow bax Hooyo caa`isha u tag
Markaad salaanto haku dhihin amiirul mu`miniin Lkn Waxaad dhahdaa miskiinkii Cumar ahaa
Waxaa uu kaa idin dalbanaa in Qolkaaga Uu rasuulka ku duugan gahay in leygula Aaso ayaan rabaa dhiniciisa.?

Waxeey tiri Haye Waa ogolahay Markii h**e qabriga dhinaca nabiga aniga ayaa diyaarsaday lkn Maanta cumar ayaan u dhaafay.

Wuu Soo laabtay isagoo faraxsan Wiilkii Cabdullhi ahaa Aabow Weey Kuu Ogolaatay in booskaas lagugu Duugo Hooyo Caa`isho.

Sayid cumar Wuxuu yiri isagoo iska Ooynaya Wiilkeygow Dhabankeyga ciida haka ilaalin aan ciida ku galgashee
Cumar halaag ayaa u sugnaaday Haddaan berri rabbigiis u dambi dhaafin
Waxaan la kulmi doonaa Saaxiibadii aan jeclaa Waa nabiga iyo abu bakar.

Cumar markii uu la dardaarmay Wiilkiisa Waa Uu geeriyooday Waxa yaabihii Uu kala dardaarmay Waxaa ka mid ahaa
Markaan dhinto Oo masjidka nabiga salaada janaazada leygula dukado Waxaad jamaacada ka dhax eegtaa Xudeyfa binu yamaan inuu ka soo qeyb galay janaazadeyda.

Ka dib Soo qaada meydkeeyga Albaabka guriga Nabiga markaad keentaan Waxaad tiraahdaan hooyo Waa kanaa meydkii cumar Waan sidnaa Ma Soo gelinaa.?

Waxaa laga yaabaa markan noolahay ineey iga Xishootay sidaane ku ogolaatay
lkn markaan anoo meyd ah haddii ay idiinka diido Halkaa leygu duugo qabuuraha kale Ee muslimiinta igu Aaso.

Sidii ayaa dhacday Xudeyfa Waa lagu arkay jamaacadii salaada janaazada Hooyo Caa`isha Weey soo dhaweysay in lagu Aaso halkii ayadoo Ku qanacsan
Sidaa Sayid cumar logu dhinac duugay labadiisii Saaxiib.

Waa Kuma Sayid Cumar bin khadhaab.?
````````````````````````````````````````````````````````

Allah U naxariisto Sayidinaa cumar r.c
Aduunka Waxaa ka buuxiyay Cadaalad
Allah ayuu ka baqay si Aad u daran ayadoo Uu Nabigu ugu bishaareeyey Jannada

Xaalkeena maanta kawaran Rabbigeen raalli managa yahay mise Waa noo careysan yahay
Bishaaro janno Warkeeda Xaga iska dhig

Macadaalika Waan iska ciyaareynaa Iska qosleynaa K**a baqeeyna Waxa nagu dhici doona geerida ka dib.

Markad dhameyso Waxaad Soo qortaa
[ .Allow Kuu towbad keenaye naga aqbal towbada..].
1K Oo qufood haddi Nagala helo Waxaan Rajeeynaynaa dambi dhaaf iyo janno inshllh.

12/10/2025

Xaqiiq waaye

12/10/2025

Weligaa ma istiri beero xashiish ayaa ku yaalla Soomaaliya?
Yaab aduun❗

Ninkaan waa aqoonyahan u dhashay Dalka Talyaaniga dhawaan ayuu qaatay diinta islaamka, asigoona midaas ka hadlayo ayuu y...
11/10/2025

Ninkaan waa aqoonyahan u dhashay Dalka Talyaaniga dhawaan ayuu qaatay diinta islaamka, asigoona midaas ka hadlayo ayuu yiri; Shan sabab darteed ayaan usoo galay diinta islaamka una rumeeyay iney tahay diinta xaqqa ku taagan, waxayna kala yihiin;

1-Nabi Muxamed SCW;

Waxaan daraaseeyay noloshiisa waxaana lagu magacaabi jiray Saadiq Al-Amiin, Wuxuu ahaa mid naxariis badan, tawaaduc badan, waligiis kuma dhicin xukun jaceyl ama isla weyni, mana arkeysid wax iska hor imaanayo oo noloshiisa quseeyo

2-Qur'aanka;

Lama taxriifiinin, wax lamid ah ma jiraan, mar walba ood akhriso waad dareemeysaa inuusan hadal banii aadam aheyn, malahan waxkabadal ama daabacaad labaad, ama iska hor imaad, waa kitaab dhan walba laga ilaaliyay. Waxaa xifdisan malaayiin qof, mucjisooyinka ku jirana culimada oo dhan ayuu ka yaabiyay.

3-Hal ilaah oo wax abuuray;

Ma jiro shaki, ma jiraan ilaahyo kale kaliya waa hal ilaah oo asali ah, lama arki karo wuxuuna leeyahay awood uu wax walba ku sameeyo

4-Wax walba waa macquul mana jiro iimaan indho la'aan ah;

Islaamka kaama dalbanaayo inaad caqligaaga isticmaalin, balse taas badalkeeda asiga ayaaba kugu boorinaayo inaad caqligaaga adeegsato, fakarkaaga balaariso, cilmigaagana waasiciso, wax walba oo ku jirana waa kuwa ugu haboon uguna macquulsan.

5-Sayniska;

Quraanka wuxuu sifeeyay is waasicinta kownkaan, hab abuurka uur ku jirka, biyaha iney wax walba aasaas u yihiin iyo mucjisooyin kale oo badan, waana qarniyaal badan kahor inta aanan la helin tiknoolijiyada maanta lahaayo, balse quraanka uma baahneen wax tiknooliji, taliskoob iwm, waayo wuxuu ahaa jawharada xaqiiqda dhabta ah.

Sababtaas owgeed uma islaamin caadifad iyo beer jileec darteed, balse cadeymaha aan helay ayaa igu qasbay inaan islaamka qaato.
Abdirisaq atosh

11/10/2025

Kalmadaha u h**eeya hadalka wiilkan in aad si fiican u garateen ayaan rajaynayaa.

"Waxay ku faaneen cudud ciidan, waxayna noqotay barkumataal iyo dhalanteed, waxay ku faaneen ciidan aan dhinacooda dhulka la dhigin, waxayse noqotay barkumataal iyo dhalanteed, waxay ku faaneen tiknoloojiyad, waxayse noqotay barkumataal iyo dhalanteed, halkani....."

Hadalkiisa waxaa u danbeeya, waxaas oo dhan Gaza waa ay ihaanaysatay, wayna hoojisay.

Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi ...
09/10/2025

Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?

Hadaba Waa Kuwee Su`aalaha Todobada ah Ee La Sheegayo.?

Q: 1 " Su`aasha Kowaad : Waa Maxay Acraaf.?

Ans: 1: Acraaf Waa Goob U dhaxeeyso Naarta iyo Janada Waxaa Lagu magacaabaa " Al-Acraaf"
Waa darbi Aad U Weeyn joog dheer leh

Asxaabta dushiisa Saaran ay Ka daawanayaan Ehlu-janaha iyo Nimcooyiinka ay dhax dabaalanayaan iyo Kuwa Ehlu-Naarka iyo Cuquubada Haysata

Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada Ku galaan Naxariistiisa

Culumada islaamka Waa ay isku khilaafeen Qoloda Meesha saaran yeey yihiin Lkn Sida Raajaxa ah Waa Qoom isla ekaadeen Xumaantoodii iyo Samantoodii .

Q: 2 " Su`aasha Labaad: Halkee Kaa jirtaa jannada.?

Ans: 2" Jannadu Waxeey Ku taallaa Todoba Samo Ka kore Marka Uu Allah Duubayo Samooyiinka iyo dhulalka todobada ah Sida Warqado camal Jannada ayada Waa Hareysaa

Ma Ku jirto Waxa La laabayo Mana dhamaaneyso mana Zuuleyso Saqafkeeda Korane Waa Carshiga Raxmaanka jalla wacala

Q: 3" Su`aasha Sadaxaad: Halkee Naarta Kaa Jirtaa.?

Ans: 3" Naartu Waxeey Ku taalla goob Ka hooseyso todobada Dhul Waxaa Lagu Magacaabaa goobtaas ، سجين"Sijiin
Allah Waxaa Uu Nooga Waramay in Uu abuuray todobo samo iyo todobo dhulal Oo la mid ah
{ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ }:
Sijiin " : Waa Meesha dhulalka Ugu hooseyso ayeey Ka sii hooseysaa.

Xadiithkan ayaa Daliil U ah Oo Laga Wariyay Ibnu Mascuud Allah Ka ralli Noqdo
عن ابن مسعود قال : " الْجَنَّةُ فِي السَّمَاء
السَّابِعَةِ الْعُلْيَا، وَالنَّارُ فِي الْأَرْضِ السَّابِعَةِ السُّفْلَى"

"Ka dib Waxaa Uu aqriyay Aayadaan
" إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ) المطففين" ، إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ" المطففين"

Q: 4 " Su'aasha Afaraad: Qiyaasta Halka Maalin Ee Qiyaame immisa ayeey La Egtahay.?

Ans: 4" Qiyaasta Halkii Maalin Ee Qiyaamaha Waxeey la egtahay 50.000 Sanadod Allah Mar Uu Ka Waramayay Waxaa Uu yiri" قال تعالى : { تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ } .

Abdullahi ,Ibnu Cabaas: Allah Ka ralli Noqdee Waxaa laga Wariyay in Uu yiri " Maalinta Qiyaame Waxaa La istagayaa Konton Gobood Halkii Goobne Waxaa la taagnanaa Konton Kun Oo sanadod " .Cajiib !!

Q: 5" Su'aasha Shanaad: Maxaa Laga Wadaa Sidratul-muntahaa .?

Ans: 5 " Sidratul-Muntahaa Waa Geed Aad u Weyn Oo Caleemankiisa iyo Xididisa Ku yaalllaan Samada todobaad Caleemankeeda Waa Sida dhagaha Xayawanka Marodiga

Goob dhinaceeda ah ayuu Rasuulka csw Waxa Uu Ku arkay Sayid jabriil Suuradisa Xaqiiqda aheeyd Markii labaad Markii Kowaad Waxeey aheyd Magaalada Mar Uu Ku Arkay makka-Almukarama Buurta" ajyaad, dhinaceeda

Q: 6" Su'aasha Lixaad : Maxeey yihiin gabdhaha Ku dhex Nool janada Ee lagu magacaabo" Xuurul-Ciin".?

Ans: 6" Waa Xaasaska Ragga Mu'mininta ah Marka ay janada galaan Jinni iyo insi toona Korkooda ma taaban , Malaa'igne ma ahan

Allaah ayaa Jannada Ku dhex Abuuray Mid gabdhahaas ka mid ah Haddii ay Aduunka soo Eegto Qorraxda iftiinkeda ayada ayaa qarin laheed.

Q: 7" Su'aasha Todobaad: Waa Kuma Wiilasha jannada lagu waariyay.?

Ans: 7 " Waa Wiilal dhalanyar Oo adeegayaal U ah Ehlu-janaha insi iyo jinni Midna Ma ahan Xitaa malaa'ig ma ahan Alla ayaa Abuuray siduu abuuray Oo kale Xuurul-ciinta gabdhaha.

Wiilashaa Allah marka Uu Kawaramayay Quruxdooda Waxaa Uu Ku Miithaalay Lu'Lu' Waxaa Uuna yiri" :
(ويطوف عليهم ولدان مخلدون إذا رأيتهم حسبتهم لؤلؤا منثورا} :

Haddaad Ka Mid Noqotay dadka in ay aqristaan Nasibka U yeeshay Qoraalkan Waxaad soo qortaa Magac Ka mid ah magacyada 99ka Ee Uu rabigeen Weyne leeyahy الرحمن " الرحيم ا

Ama Nabiga Ku Salli scw Ducadana Raaci.scw scw scw scw scw scw💗👇.

Ustaad Saciid Cusman Xaaji Xassan......✍

Walaalkeyga iyo Walaasheyda Muslimada ah Ma la socotaa in 30kan qodob Nabi Muxamed csw  Kuu diiday inaadan Mar dambe Sam...
07/10/2025

Walaalkeyga iyo Walaasheyda Muslimada ah Ma la socotaa in 30kan qodob Nabi Muxamed csw Kuu diiday inaadan Mar dambe Sameeynin Marka Laguu Sheego Wixii Ka dambeeyo Waajib tahay in Aad Ka fogaato:

1: Nabi Muxamed Waxaa Uu Kaaga digayaa inaad Raashiin Cunto Adigoo janaabo qabo janaabadas Hakaaga timaado galmo Xalaal ah Oo adiga iyo Zowjadada idiin dhax martay ama Hakaaga timaado gacan Ama Riyo Dhamaan Adigoon Ka qubeysan Ha isku taaban Raashiin
Sababtu Waxeey tahay Waxeey Ku dhaxal siineysaa faqiirtinimo iyo Saboolnimo

2: Waxaa Kale Oo Lagaaga digayaa inaad Ku dul Kaadiso Geed Miro Leh Amaba Aad Wadada Dad Weeynaha Adeegsado Ku dhax kaadiso Waa Akhlaaq Xumo Meeshii Ugu dambeeysay

3: Lama Ogolo inaad bidixdaada Ku Cunto Sido Kale Waxaa ayadane Mamnuuc ah inaad Jiif Ama Sateecsi Wax Ku Cunto iska jir Caafimad ahaan Ma Wanaagsano

4: Dumarka Looma Ogola in ay Janaazada Meydka Raacaan
5: Nabiga Waxaa Uu Kaaga digayaa Sawirada Maxaa yeelay berri Qiyaamaha Waxaa Lagu Oranayaa Ruux Ku afuuf inteed Ruux Ka keeni

6: Waxaa La Ogoleen in Ruux Dab lagu gubo ilaa Uu Ka dhinto Ha ahaado Beni Aadam Ama Xayawaan Labadaba Lama Ogolo

7: Waxaa Uu Kalo Ka digay Nabiga in Diinta La Caayo Allah Wax Laga sheego Ama Nabiga Ama guud ahaan Diinta islamka

8: Waxaa Laguu diiday inaad Ku Cawo Barido Meelaha Qashinka lagu daadiyo Maxaa yeelay Waa Goob ay Shayaadiintu Ku Caweeyaan

9: Waxaan La Ogoleen Gabadha Muslimada Xaaska ah ineeysan Ka bixin gurigeed ayadoon Ka idin qaadan Zowjkeeda Haddii ay baxdo Fasax la' aan Waxaa lacnad Ku riday makhluuq samada Saaran iyo Waxa Makhluuq dhulka saaran Xitaa geedaha iyo jinka ayaa lacnaday ilaa ay guriga Ku laabato

10: Gabadha Xaaska ah Lama Ogolo in ay isku qurxiso Waxaan Ninkeeda aheeyn Kaliya Asiga ayeey isku Qurxin Kartaa

11: Waxaa Kale Uu Nabiga Kaa reebayaa inaad Dadka Kale Xamato Ama Qof La Xamanaya dhageysato

12: Waxaa Kale Oo laguu Ogoleen inaad Dadka isku dirto Ama dhageysato " لا يدخل الحنة النمام"

13: Weelasha Ka Sameysan Dahabka iyo Qalinka Nabiga Waa diiday in Wax lagu Cuno ama lagu Cabo

14: Waxaa Kale Oo Rasuulka diiday khamrada in la cabo la iibiyo la beero laga ganacsado qofka khamrada ballan iyo marqaati ma galo

15: Waxaa Sido kale lacnad dusha looga tuuray Kuwa Ribada cuna Marqaati beenaa lah

16: Waxaa Kale Uu Rasuulka csw diiday in Xayawaanada Wajiga laga garaaco

17: Waxaa Kale Uu Nabiga diiday Qofka muslimka ah in Uu fiiriyo walaalkiisa kale Cowradiis

18: Gabadha muslimada ah ma banaano in ay daawato cowrada Walaasheed kale Ee muslimada ah

19: Lama Ogolo inaad afuuftid Raashiinka Ku hor yaallo Ama biyo Wax Kaaga dhaceen Kaliya Sug inta raashiinka Kaaga qaboobo Ama Biyaha iska saar Waxa Kaaga dhacay
Mar Ha Afuufin goobta Aad Sujuuda dhigeysid Markaad Salaada Ku jirtid.

20: Waxaa la diiday in Qofka Ku dukado Xerada geela Kacbad Korkeed jidadka Waayen iyo Waadiyaasha biyo mareenka ah

21: Nabiga ma Ogoleen in shinnada la dilo
22: Waxaa Mamnuuc ah in Allah Wax aan aheeyn lagu dhaarto Ma banaano inaad Ku dhaarato Hooyada ama Aabahaa
وقال: " من حلف بغير الله فليس من الله في شيء."

23: Waxaa aydane Xaaram ah in La Hadlo Maalinta Jimcada ayado Khudbada Imaamka Socoto Qofka Ku dhax hadlo Maalintaa jimco Uma jirto.

24: Lama Ogolo in Salaad La dukado Marka Qorraxda Soo baxeyso ilaa ay ka soo Kor noqoto Waran Cabirkiisa in la eg.

25: Waxaa Kale uu Nabiga Diiday in Lix maalmood La soomo Waxaa Ka mid ah Maalinta Ciida fidriga , Maalinta Shaki Ka jiro dhalashada bisha , Maalinta Ciida Al-Adhxa iyo Sadaxda Maalin Ee Loo yaqaano
' ayaamu tashriiq "

26 Lama Ogolo in Xusulada Wax Lagu Cabo Waxaa Ka Fiican Inaad Labadaada gacmood Wax Ku Cunto Haddaad Awood U leedahay.

27: Waxa Kale Oo banaaneyn inaad Ruux Shaqaaleysiiso Adigoon U sheegin Waxa Uu Ku shaqeeynay Qarash ahaan

28: Waxaa Kale Oo Nabiga diiday Ragga in ay Saraawiishood Dhaafiyaan Canqawga hoostiisa Waxaa Ku soo aroortay Waciid Shadiid ah

29: Nabiga Waxaa Kale Uu lacnaday Ragga Dumarka isku Shabaha iyo Dumarka Ragga isku Shabaha Sido kale lama Ogolo inaad iataag biyo Ku Cabto Ama Ku dhex Neefsato Koobka biyaha Ku Cabeysid.

30: Ugu dambeeyn Nabiga Waxaa Uu Diiday in Ma'muumiinta Imaamka Gadaashiisa istaagan aygoo taagan imaamkiina fadhiyo.
وصدق الرسول الكريم حينا قال: { بلغو عنى ولو اية } :
Waan Ku Soo gaarsii Adigane gaarsii Walaalahaa Kale Ajar Aan Ka dhamaan doonin ilaa Markaad Dhimato ka dib Kuu Soconaya.
Markad dhameyso aqriska Allah Ka bari in Uu Calaamo Kulul Oo dag dag ah Ka Soo Muujiyo Kuwa Nabiga Aflagaadeeyo Ee gaalada ah.

Address

Km4 Waberi
Mogadishu
252

Telephone

+256704195434

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaynaan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kaynaan Media:

Share