Radio BuundoBaraawe

Radio BuundoBaraawe Radio BuundoBaraawe waa idaacad cusub oo ku soo biirtey gobolka Sh/dhexe. Idaacadan ayaa ah mid ka tarjumaysa magaalada Jowhar ama BuundoBaraawe.

29/12/2020

Murugada Alle hanaga wada qaadee ku sali xabiibkena Salallahu Caleyhi Wasalama❤

22/11/2019

Caqliga sare iyo difaaca diinta Islaam-ka (Sheekada wadaad muslim ah oo si xikmadeysan ku islaamiyay BAADARI)

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada kadhex qaylinaya, wuuna ugalay, kadibna wuu dhex fariistay, isagoo u malaynaya inayna garan doonin
Badarigii Kaniisaduna markuu hadal is yirina sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri “Ma hadlayo ilaa aad inaga dhex saartaan ninkaas muslimka ah.” Waxayna weydiiyeen: Sideed ku ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri (Muslimiinta wajigooda waxaa kutaala calaamada/ raadkii sujuuda) wuxuuna kacodsaday inuu boxo sheekhu, sheekiina wuxuu yiri “Mabaxayo ilaa uu Ilaahay ina kala saaro”.

Badarigiina wuxuu yiri “Hadaba waxaan ku weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si sax ah uga Jawaabtana waxaan raacaynaa diintaada, hadii kalana Seef baa inaga dhaxaysa! Sheekhiina wuxuu yiri soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu kalsoon inuu Ilaahay qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo. Badarigiina wuxuu yiri iisheeg:
Waaxid aan laba noqonin? Labo aan Sadex noqonin? Sadex aan Afar noqonin?

Shan aan Lix Noqonin? Lix aan Todoba noqonin? Todoba aan Sideed noqonin?
Sideed aan Sagaal noqon Karin? Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?
Mase taqanaa tobanka badan kartaa? Maxayse yihiin 11 ku?
Mase taqaanaa Qabrigii lasocday qofkiisii?
Muxuuse yahay shayga aan noolayn, ee neefsadaa?

Muxuuse yahay shayga uu Rabbi abuuray, isla markaana uu nacay?
Yaa waaye kuwa runta sheegay ee naarta galay? Iyo kuwa beenta sheegay ee Janada galay?
Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray aabe iyo hooya la´aan?
Mase taqaanaa geed leh 12 laamood, laan kastana leedahay 30 waraaqood, warqad kastana leedahay 5 sabuul, sadex hooska kubaxda iyo labo qoraxda ku baxda?

Kajwaab Su’aalahaas!!!
Sheekhiina wuu istaagay, Ilaahay buuna weydiistayna inuu carabkiisa Xaqa kutoosiyo, wuxuuna yiri:
Waaxidka aan Laba noqnini waa – Ilaahay (swt)
Labada aan Sadex noqnina waa – Habeenka iyo maalinta
Sadexda aan Afar noqonina waa – Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse calayhi asalam

Afarta aan 5 noqonina waa – Tawraad, INjiil, Sabuur iyo Quráanka
Shanta aan Lix noqonina waa – Shanta Saladood ee Ilaahay faral yeelay
Lixda aan Todoba noqonina waa – Maalmihii uu Ilahay aduunka ku abuuray
Todobada aan Sideed noqonina waa – Todobada Samo ee Rabbi abuuray

Sideeda aan Sagaal noqonina waa – Malaa’igta haysa Carshiga Rabbi (swt)
More in Diinta

Sagaalka Mucjisana waa – Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse
Tobanka badan kartaana waa – Ajarka Camalka wanaagsan ee Rabbi usii badin karo qofkuu rabo.
Koobya Tobanku waa – Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii
Sadex iyo Tobankuna waa – Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid

Shayga aan noolayn ee neefsadana – Waa Subaxda (wassubxi idaa tanaffasa)
Qabriga lasocday qofkii kujirayna waa – Xuutkii liqay Nabi Yunus calayhi asalam
Kuwa runta sheegay ee naarta galay waa Yahuuda, oo yiri; Kirishtanku xaq kuma taagna, iyo Kirishtanku oo yiri; yahuudu xaq kuma taagna, labada qolaba run bay sheegeen, naar bayna gali doonaan, gaalimadooda darteet.

Kuwa beenta sheegay ee Janada gali doonana waa Yusuf walaalihii, oo yiri; Yusuf dhurwaa baa cunay, kadibna aabahood baa Ilaahay danbi dhaaf u weydiiyay, Rabbina wuu u danbi dhaafay.
Uunka uu Rabbi (swt) aabe iyo hooya la´aana abuurayna waa; malaa´igta, oo kasamaysan Nuur, una baahnayn, hooyo aabe, cunto, cabitaan iwm midna.
Sidoo kale aabeheen Adam, malahayn aabe iyo hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa hooyo, balse aabe malahayn.

Geedka 12 laamood lihina waa Sanadka, oo kakooban 12 Laamood/ bilood, bilkastana waxay leedahay 30 warqadood/ maalmood, maalin kastana waxay leedahay 5 Sabuul/ Salaadood, sadex hooskay kubaxaan; Maghrib, Cishe iyo subax, labana qoraxday ku baxaan waana Duhur iyo Casar.
Kadibna sheekhii wuxuu kuyiri Badarigii; anu hal su´aal ah maku weydiin karaa?
Isna wuxuu yiri; Haa, soodaa, wuxuuna weydiiyay muxuu yahay Janada furaheedu? Badarigiina wuu wareeray, wuuna aamusay, waxaana ku qaylyay dadkiisii, oo yiri; waxaad weydiisay Sheekha su´aalo faro badan, dhamaana wuu kaaga jawaabay. Isna hal su´aal ah ayuu kuweydiiyay, mana kajawaabi kartid!!!

Badarigiina wuxuu yiri; jawaabta waan aqanaa, balse idinkaan idiin cabsanyaa….
Iyagiina waxay dheheen; waxba ha cabsanine kajawaab su´aasha!!
Wuxuuna ku jawabay Janada furaheedu waa; (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah).
Iyagiina haljeer bay kaceen dhamaan-toodna dheheena (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah)

Badarigiina way raacdeyeen, kaniisadiina waxay u badaleen Masaajid ilaahay lagu cabudo.
Dr. Axmad Cabdulahi .

07/10/2019
Asalka Cabista Sigaarka oo la ogaaday meesha uu Salka ku Hayso.Hadii aad Sigaarka Cabto marka h**e ugow Meesha laga keen...
11/07/2019

Asalka Cabista Sigaarka oo la ogaaday meesha uu Salka ku Hayso.

Hadii aad Sigaarka Cabto marka h**e ugow Meesha laga keenay Cabista Sigaarka, kadibna Go’aan gaar.
Cabista Sigaarka waxay nooga Timid dhaqamo shisheeye, mana ka mid aha dhaqamadii wanaagsanaa ee soomalidu lahayd.

Dhaqan kasta oo aynu aragno waxa uu hoos tagaa Diin ama Caado umad leedahay.
Sigaarku waa Shay Dab ah oo afka laga Cabo, kadibna Sanka laga soo Daayo Qiiq Madow oo soo dhex maray sambabka Qofka Binu aadamka ah.
Hadaba Rumayso ama ha Rumaysan Cabista Sigaarka waxa laga keenay mid ka mid Diimaha aduunka ugu Waaweyn, Dhiintaas oo ah Diinta Kiristaanka.

Qofkii Cabana waxa uu Fulinaya mid ka mid ah Dhaqamada Xunxun ee ku qoran Bible-ka Gaalada.
Kitaabka Gaalada ee loo yaqaan Bible-ka ayaa si Xun oo anshaxa ka Baxsan u Caayey ilaahay isagoo ku sifeeyey in uu afka Shay Dab ah Gashto kadibna uu Sankiisa kazoo Daayo Qiiq oo waliba Qiiqaas uu kazoo Baxo Labada Dalool ee Sankiisa !!!!.

Sidaas Daraadeed ayaa Culimadi Kiristaanku ay u soo saareen Sigaarka si ay U sameeyaan waxay aaminsan yihiin oo ah in ilaahay sidaas sameeyey !!!.
Hadaba Akhriso Meesha ay kaga Qorantahay Bible-ka Arintaas, iyadoo Saddex Luqadood ah, Luqadda Carabiga, Luqadda English-ka iyo Luqadda Soomaliga.
Buuqa SAMUEL 2, Chapter 22, Farqadiisa 9:

صَموئيلَ 2 : الأصحَاحُ الثَّانِي وَالْعِشْرُونَ
9صَعِدَ دُخَانٌ مِنْ أَنْفِهِ، وَنَارٌ مِنْ فَمِهِ أَكَلَتْ
2 SAMUEL 22:9
“Smoke went up from his nostrils and devouring fire from his mouth”
Hadii la Somali Gareeyo waxay noqon:

“Qiiq ayaa kasoo baxay sankiisa, afkiisana waxa uu galiyey dab la cunayo”.
Hadaba Sigaarka oo ah Wax dhib mooyee aan wax Anfac ah lahayn ayaa hadana waxa intaas u sii dheer in uu salka ku hayo Cayda ilaahay ay gaaladu Caayeen (Casa Wajalla).

Fadlan Hadii aad Sigaar Cabto marka h**e ogow Asalka Sigaarka meesha uu ka yimid Kadibna Go’aan ka gaar in aad Rumayso oo aad Raacdo Waxa ku qoran Bible-ka iyo in aad Beeniso Waxa ku qoran Bible-ka oo aad joojiso Cabista Sigaarka.

Hadii aad Joojiso Cabista Sigaarka, Asxaabtaadana u sheeg si ay uga Joogsadaan aafadaas nalooga dhigay dhaqan suuban laakin ah dhaqan iyo diin shisheeye.

W/Q; Salah Siad.

Yaa caruurta u wanaagsan in ay barbaariso hooyo kulul iyo hooyo miskiin ah?Mean Moms Rule’ waa buug ay qortay Denise Sch...
02/07/2019

Yaa caruurta u wanaagsan in ay barbaariso hooyo kulul iyo hooyo miskiin ah?

Mean Moms Rule’ waa buug ay qortay Denise Schipani oo ay uga hadleyso aragtideeda hooyannimo iyo sida ugu fiican ee carruur adag lagu barbaari karo. Denise waxay ka doodeysaa “Yaa carruurta u wanaagsan hooyo kulkulul iyo hooyo miskiin ah?” waxayna aragtideeda ku xoojineysaa in ay ilmaha u fiicantahay hooyo kulkulul oo ay sheegtay in ay soo saareyso carruur leh shakhsiyad adag oo madax-bannaan, una diyaarsan in ay wajahaan caqabadaha nolosha.

Denise Schipani oo buugaan hooyooyinka ku siineysaa talooyin dhowr ah, waxay leedahay:

Hooyo, cunuggaada xor ka dhig, balse bar dhaqammada ka reebban. Noqo hooyo hal adag, kulkulul, oo nidaam-raac ah. Gurigaada ka deji sharci iyo kala-dambeyn, adiguna noqo awood sharciyaddaas meel-mariso, lmahaadana isla ogaada sharci kaste iyo ciqaabta ka dhalan karta haddii uu jebiyo. Cunuggii uu sharcigaasi qabtana ku qaad ciqaabta ka degsan, una ciqaab habka ugu fiican oo ah in aad u diiddo waxyaabaha uu jecelyahay.

Ha dayicin naftaada, oo sida aad uga fikireyso carruurtaada uga fikir quruxdaada. Cunuggaada ha u noqan booyaas isaga kaliya u shaqeysa. Carruurtaada ka dhowr suuraha tirada badan, waayo waxay cunuggaada ka dhigeysaa doqon baac ah, oo aan dad kale la dhaqmi karin, waxna aan la qeybsan karin.

Cunuggaada ha u sameynin wax kaste oo uu rabo. Ilmahaada bar erayga MAYA, kuna adadkoow go’aankaada oo haka aqbalin in uu ooyin kaaga qaato wixii uu rabo. Kana fogoow in aad gar iyo gardarraba garab ugu noqoto cunuggaada, oo aad dartiis isugu dhacdaan deriska, qaraabada iyo macallimiintiisa.

Haku qeylin carruurtaada. Haddii aad rabto in aad wax u sheegto ama canaanato, adiga oo u dhoolla-caddeynayana si kalsooni leh ugu sheeg wixii aad rabto, si uu hadalkaada ugu arko in uu isaga dan u yahay oo uusan ciqaab aheyn, kuna tababbar in ay hadalkaada sidiisa u qaataan, una dhaqan-geliyaan.

Ilmahaadaada bar xuquuqda ay leeyihiin iyo waajibka saaran. Ku barbaari masuuliyad, oo mid kaste u dhiib shaqo uu qoyska ugu qeybsanyahay, una sameey jadwal, si uu u ogaado waqti kaste iyo waxa laga rabo, kuna barbaari in ay u kala dambeeyaan sida ay u kala weynyihiin, ayna isugu naxariistaan sida ay u kala yaryihiin.

Hooyo, haddii aad sidaas noqoto ma tihid qof qalafsan ee waxaad tahay hooyo adag oo carruurteeda u horseedeysa mustaqbal fiican ayay Denise Schipani kusoo gebagabeyneysaa talooyinkeeda, waxayna ragga kula talineysaa in ay carruurtooda u xulaan hooyo nuucan ah, si ay aabbe ugu noqdaan carruur edebsan, nidaamsan oo in ay taliyaan iyo in loo taliyaba u sameysan, madax-bannaan, una diyaarsan in ay wajahaan caqabadaha adadag ee nolosha.

Waxaa qoray: Salah Siad Kanyare

1da Luulyo maku faraxsan thy.Hadad ku faraxsan thy Share iyo Like ku qabo.
30/06/2019

1da Luulyo maku faraxsan thy.
Hadad ku faraxsan thy
Share iyo Like ku qabo.

Hooyadii Dayacday Caruurtan inoogu Waca 😭😭😭😭
23/06/2019

Hooyadii Dayacday Caruurtan inoogu Waca 😭😭😭😭

Wiilkan Hooyadii dhashay inoogu yeera😂😂😂😂
22/06/2019

Wiilkan Hooyadii dhashay inoogu yeera😂😂😂😂

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio BuundoBaraawe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio BuundoBaraawe:

Share