
21/05/2025
Maxaa hortaagan Horumarka Degmada Badhan?
Waxaa hortaagan hormarka degmada badhan hogaan xumo.
Badhan, Puntland – 21 May 2025
Degmada Badhan oo ku taalla gobolka Sanaag, waxay caan ku tahay dadkeeda kartida badan, khayraad dabiici ah, iyo dhallinyaro u heelan horumar iyo midnimo bulsho. Inkastoo ay leedahay gole degaan oo cusub oo ka kooban dhallinyaro aqoonyahanno ah, haddana degmada wali waxay wajahaysaa caqabado horumarineed oo baahsan. Waxaa si cad loo arkaa in dhibaatada ugu weyn ee hor taagan horumarka degmada ay tahay hoggaan-xumo.
1. Maamul Aan Hufnayn
Hoggaan la’aan iyo maamul aan daacad ahayn ayaa horseeday kala dambeyn la’aan, is-qabqabsi siyaasadeed iyo niyad-jab bulsho. Marka maamulka laga dhigo mid u adeega dano gaar ah, waxaa meesha ka baxa qorshe guud oo horumarineed.
2. Qorshe la’aan
Ma jiro qorshe midaysan oo joogto ah oo lagu horumarinayo degmada.
3. Dhallinyaradii oo Rajo Beeshay
Shaqo la’aanta, xirfad la’aanta, iyo tahriibka ayaa si gaar ah u saameeyay dhallinyarada. Hoggaan la’aanta waxay sababtay in la waayo barnaamijyo horumarinaya mustaqbalkooda.
4. Musuqmaasuq hareeyey degmada waxana ka mida sida:
1.Cashuurta laga qaado dadka oo aan si aan hufnayn loo maamulo, taas oo sababtay kalsoonidii bulshada in aysan ku dhiiran kicinta madaxyada cashuurta ee aan wali la kicin maadama madaxyadii h**e aysan waxba kasoo noqon.
Ma jirto miisaaniyad caadiya oo lagu xisaabtami karo oo degmadu leedahay,
Iyadoo inta badan ay fulintu ku doodo cashuur lama qaado hadana ilaa shan madax cashuureed ay shaqeyso oo ay active tahay qaadisteeda manalaha miisaaniyad iyo xisaab celin labadaba.
2. Mashaariicda: waxa degmada soo gala mashaariic hayadeed oo aan sidii loogu talagalay loo maareyn ay ka mid tahay reliefka dadka masaakiinta ah loogu talogalay taas oo wiiqday kalsoonidii bulshada.
Gunaanad:
Degmada Badhan waxay si degdeg ah ugu baahantahay hoggaan daacad ah, isbadal nidaam dowladeed, leh aragti fog iyo karti uu ku hoggaamiyo qorshayaal horumarineed oo cadaalad iyo maamul wanaag ku saleysan. Haddii aan la helin hoggaan hufan, degmada waxay sii ahaan doontaa mid ka dambaysa gobollada kale ee Puntland.
Talooyin:
1. In la dhiso maamul lala xisaabtami karo si waafaqsan nidaamka dimuqraadiyadda.
2. In la sameeyo qorshe horumarineed oo 5–10 sano ah.
3. In la dhiirrigeliyo ka qaybgalka bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.
4. In la tirtiro nidaamyada shaqooyinka ku saleysan qabiilka, si fursad loo siiyo kartida iyo aqoonta.
Hon Abdifatah Ganilaqe