Calmadow Media

Calmadow Media Bogani waa Calmadow Media, halka runta iyo wararka caalamku ku kulmaan baahin iyo tabin casri ah. Rukumo oo nagu soo biir đź‘‹

Gaalkacyo: Alle ha u naxariistee waxa lagu diley Ganacasade Axmed Yuusuf Haamey, xilli uu u socday salaadda maqrib.Waxa ...
08/09/2026

Gaalkacyo: Alle ha u naxariistee waxa lagu diley Ganacasade Axmed Yuusuf Haamey, xilli uu u socday salaadda maqrib.

Waxa la xaqiijiyey in loo diley aano-qabiil oo Gobolka Mudug la ildaran yahay, iyada oo ganacsadaha lagu tilmaamay; ahlu diin, nabadoon caawin jirey danyarta.

Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysey shimbir ku geeryootey deegaanka Dhuudo ee Gobolka Karkaar.Shimbirta oo lagu magaca...
07/09/2026

Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysey shimbir ku geeryootey deegaanka Dhuudo ee Gobolka Karkaar.

Shimbirta oo lagu magacaabo Xuur-cad ayaa dhawaan ka timi dalka Hungary, waxaana Wasaaradda Deegaanku ku baaqday in shimbiraha gargaarka u baahan lala soo wadaago.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayso tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo ba...
07/09/2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayso tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo ballaaran oo lagu beegsanayo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo qaar ka mid ah xulafadiisa siyaasadeed ee ugu dhow.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in tallaabooyinka la qorsheynayo ay ka mid yihiin in la xannibo hantida gaarka ah iyo akoonnada bangiyada ee Lafta-gareen iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo akoonnada ay leeyihiin shaqsiyaad ama hay’ado lala xiriirinayo maamulkiisii h**e.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta federaalka ayaa la sheegay inay diyaarinayaan magacyada siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo sare oo ka tirsan garabka Lafta-gareen, si loogu gudbiyo hay’adaha socdaalka.

Haddii tallaabooyinkan la dhaqan-geliyo waxaa suurta-gal ah in shaqsiyaadkaasi laga xaddido safarrada, lagana joojiyo ama laga laalo baasaboorrada iyo dokumentiyada kale ee safarka ee ay haystaan.

Sida aan xogta ku helnay, mas’uuliyiin sare oo Dowladda Federaalka ah ayaa arrintan kala hadlay hay’ado ay ka mid yihiin Wasaaradaha Maaliyadda iyo Amniga Gudaha, Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Guddiga Qaranka ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda.

Tallaabooyinkan, haddii la hirgeliyo waxay noqonayaan sare-u-kac weyn oo ku yimaada khilaafka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, kaas oo bilihii lasoo dhaafay isu beddelay loollan hubeysan oo ku saabsan cidda maamuleysa dowlad-goboleedka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa si rasmi ah u daahqaaday markabka dagaal ee weyn ee "Kang Kon", kaas oo...
07/09/2026

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa si rasmi ah u daahqaaday markabka dagaal ee weyn ee "Kang Kon", kaas oo ah nooca wax burburiya (destroyer) oo culeyskiisu yahay 5,000 oo tan, kaas oo xambaaraya gantaallada madaxyada Nukliyeerka, sida ay tebisey wakaaladda dowladda ee KCNA.

Kim, waxa uu sheegay in waqtigii ay madaxbannaanidooda ku muujin lahaayeen badda dusheeda ay timid, iyada oo markab kani qayb ka noqon doono nidaamka difaaca iyo weerarka nukliyeerka ee dalkaas, si uu u fuliyo wax uu Kim ku tilmaamay;weeraro aargudasho ah oo burburiya cadowga.

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka ...
07/09/2026

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb gelaya hay’adaha dowladda, warbaahinta, bulshada rayidka ah, bah-wadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, waxaa daah-furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee dalka Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, waxaana khudbado muhiim ah ka jeedinaya Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Qaasim, Wasiirrada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada Dalka, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo qaar kamid danjirayaasha caalamka ee Soomaaliya.

Madashan oo hal ku dhigeeda yahay “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta ee Xilligan Casriga ah” ayaa looga hadlayaa xoojinta isku-duwidda isgaarsiinta, lagu horumariyo isgaarsiinta dadweynaha, laguna dhiso kalsoonida bulshada.

Madashaan waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta warfaafinta dalka, jihada mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka dowladda iyo dadweynaha, fursadaha ay bixiyaan tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada, iyo caqabadaha la xiriira wararka been-abuurka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaan looga hadlayaa anshaxa saxaafadda, isbeddellada ku socda warbaahinta casriga ah iyo adeegsiga garaad gacameedka (AI) ee dhinaca warbaahinta iyo isgaarsiinta.

Madasha ayaa ah fursad ay daneeyayaasha kala duwan ku wadaagayaan maanta iyo berri fikrado, waayo-aragnimo iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa warbaahin Soomaaliyeed oo la jaanqaadda isbeddellada dhijitaalka ah, isla markaana door muuqda ka qaadata horumarinta bulshada.








06/09/2026

Mid kamida iskurogooyinka wadada Ceeldaahir Ceergaabo ayaa jiirtay 110 Neef iyo Laba dameero ah sidoo kale gaarigii ayaa dhacay.

📢 Ogeysiis Muhiim ahWasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya ayaa dhaqan-gelisay Xeer Wasiir Lr. 000...
05/09/2026

📢 Ogeysiis Muhiim ah

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya ayaa dhaqan-gelisay Xeer Wasiir Lr. 0001/26, oo la ansixiyay 27 Luulyo 2026, kaas oo dejinaya habraaca ku-meelgaarka ah ee maamulka iyo diiwaangelinta hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka.

Xeerku wuxuu diiradda saaraya:

* 📝 Diiwaangelinta iyo rukhsadaynta hay’adaha.
* ⚖️ Sharciyeynta iyo korjoogteynta shaqada dhaqanka iyo farshaxanka.
* 🇸🇴 Ilaalinta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed.
* 🤝 Xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso.

Wasaaraddu waxay dhammaan hay’adaha, ururrada, machadyada iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya Dhaqanka iyo Farshaxanka ugu baaqday inay u hoggaansamaan xeerkan oo ay Wasaaradda kala xiriiraan diiwaangelinta, rukhsadaha iyo heshiisyada.

Xeerku wuxuu dhaqan galay markii uu Wasiirku saxiixay.

Ruushka ayaa xoojiyay weerarrada uu ka fulinayo gudaha Ukraine, ka dib markii madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CI...
05/09/2026

Ruushka ayaa xoojiyay weerarrada uu ka fulinayo gudaha Ukraine, ka dib markii madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, John Ratcliffe oo toddobaadkii h**e booqday Moscow uu Ruushka uga digay in sii wadista dagaalku ay xaaladdiisa uga sii dari karto, isla markaana ku boorriyay inuu dib ugu laabto miiska wadaxaajoodka.

Hase yeeshee, ilo dhinaca Ruushka ah oo wargeyska Washington Post uu soo xigtay ayaa sheegay in Vladimir Putin uu farriinta Mareykanka u fasirtay calaamad muujinaysa tabar-darro ay wajahayso Ukraine, halkii uu u arki lahaa cadaadis ku qasbaya inuu tanaasulo, taasoo keentay inuu sare u qaado weerarrada Ruushku ka gaysanayo Ukraine.

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegey in weerarka ka dhacay Doolow uu keenayo in la beegsado siyaasiyiinta mucaaridka ah, iyag...
05/09/2026

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegey in weerarka ka dhacay Doolow uu keenayo in la beegsado siyaasiyiinta mucaaridka ah, iyaga oo sheegey in ay tuhmayaan in awoodo shisheeye ay ka danbeeyeen waxa dhacay, balse dalna kuma aysan eedeyn waxa dhacay, tan oo ka duwan eedeynta Jubbaland & siyaasiyiinta qaar ay u jeediyeen Turkiga.

GMS waxa ay dalbadeen baadhitaan madax-banaan, si bay dheheen ay u cadaato sidda dhabta ah ee amartay, fulisey dhacdada Doolow.

Taliyihii h**e ee Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin: "Gaarigii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusu...
04/09/2026

Taliyihii h**e ee Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin: "Gaarigii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaa ka dhashay isbadallo saamayn weyn ku yeeshay dalka 20kii sano ee la soo dhaafay....Diyaaradda Iswadda ee lagu weeraray gurga Taliye Mahad Cabdiraxmaan ee Dooloow, waxaa ka dhalan doonto saamayn halis ah oo dalka iyo wadamada dariska ah ku sii faafi karta. Wadeeca Alla."

Address

Mogadishu

Telephone

0659435049

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Calmadow Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share