Mahuran Press

Mahuran Press Mahuran Press waa Mareeg ka qayb qaadata uruurinta wararka iyo Xogaha dhabta ah ee khuseeya Geeska A

Maamulka Page Mahuran wuxuu beeninayaa warka la xiriiray Qof ka mid ahaa shaqaalaha Premier Bank faraciisa Bosaso kaasoo...
03/09/2025

Maamulka Page Mahuran wuxuu beeninayaa warka la xiriiray Qof ka mid ahaa shaqaalaha Premier Bank faraciisa Bosaso kaasoo war aan la tafaftirin oo la xaqiijin sugnaantiisa lagu baahiyey Page ka.

Waxaan raali gelin buuxda ka siinaynaa Maamulka iyo Shaqaalaha Premier Bank gafkaas lagula kacay.

Waxaan cadaynaynaa inaysan kamid ahayn yoolasha loo sameyey page kan in la baahiyo warar aan sugnayn ama lagu masabito muwaadiniinta Soomaaliyeed… mar kale ayaan sidoo kale akhristayaasha iyaguna raaligelin ka siinaynaa.

Mahadsanidiin.

Maamulka Page ka Mahuran Press

Ma ogtahay in dadka ka ganacsatada Tahriibka ay u wareegeen isticmaalka xeebta CeelaayoTan iyo markii uu bilowday dagaal...
27/04/2025

Ma ogtahay in dadka ka ganacsatada Tahriibka ay u wareegeen isticmaalka xeebta Ceelaayo

Tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Calmiskaad ee ka dhanka ahaa kooxda Daacish, waxaa yaraaday Itoobiyaankii socodka ku soo galayey deegaanada Puntland, sidoo kale waxaa xirmay qaar ka mid ah xarumihii lagu heyn jiray dadka tahriibayaasha ah ee magaalada Bosaso.

Kooxda tahriibka ka ganacsata ama dadka tahriibiya ayaa hadda u wareegay in ay isticmaalaan xeebta Ceelaayo ee gobo Bsoaso u jirat 10 ilaa 15kM.

Itoobiyaanka Tahriib doonka ah ayaa laascaanood xarumo ku yaala lagu hayaa, kadibn waxa ay lug ku yimaadaan magaalada Ceelaamo

Qiyaas ahaan laascaano iyo Ceelaayo waxa ay isku jiraan 594KM, marka qofka uu isticmaalayo gaadiid, waxa u kala socdaa Laascaano iyo Ceelaayo 9HR iyo 51M.

Laakin marka ay lug tahay waqtiga iyo KM waa ay ka sii badan tahay

24/04/2025

Waa Kuma Jalaato Arts.

Ma ogtahay in dagaalkii ka socday Suudan ay qeyb weyn ka ahayd magaalada BosasoGaroonka diyaaradaha magaalada Bosaso wax...
22/04/2025

Ma ogtahay in dagaalkii ka socday Suudan ay qeyb weyn ka ahayd magaalada Bosaso

Garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso waxaa laga daabuli jiray gurmadka ciidanka ku sugnaa Sudan ee RSF ee Imaaraatka taageero, maalin walba waxaa garoonka Bosaso ka duuli jirtay ilaa 6 diyaaradood oo kuwa waaweyn ee xamuulka qaada, kuwaasi oo guuxooda dhibaato weyn ay ku qabeen bulshada qeybaheeda kale duwan.

Diyaaradahaasi waxa ay qaadi jireen saanad ciidan, maadaama Imaaraatka uu Sadhig weyn ku leeyahay magaalada Bosaso, isla markaana macdan uu ka qoto buuraha gobbolka Bari

Ugu dameyb dagaalkii Suuudan waxaa ku guuleystay ciidankii dowladda oo meesha waa laga saaray ciidankii RSF

Shacabkii Bosaso waa ay ka nasteen guuxii diyaaradaha

Magaalada Bosaso waxa ay helis ugu jirta in la duqeeyo oo ay duqeeyaan kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen gacanta ku haya, madaama magaalada Bosaso ay noqotay saldhig si wey uu u isticmaalo Imaaraatka

Abaaro xoogan ayaa laga soo sheegayaa deegaanada hoos taga Iskushuban iyo Timirshe ee gobolka Bari- Puntland- Soomaaliya
10/03/2025

Abaaro xoogan ayaa laga soo sheegayaa deegaanada hoos taga Iskushuban iyo Timirshe ee gobolka Bari- Puntland- Soomaaliya

Hay'adda Wadaniga ah ee TADAMUN ayaa deeq raashin ah ka qeybisay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka BariDeeqdan ayaa wa...
01/03/2025

Hay'adda Wadaniga ah ee TADAMUN ayaa deeq raashin ah ka qeybisay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari

Deeqdan ayaa waxaa ka faa’ideystay 2000 oo qoys oo isugu jiray barakacayaal, danyar, iyo qaxooti, waana raashiin loogu tala galay in ay ku afuraan shacabka magaalada

Waxaa ku deeqay deeqda raashinka ah DPWORLD FOUNDATION, iyadoo ay fulinaysay Jimciyadda TADAMUN

Waxaa sidoo kalae deeqda ka faa’ideystay qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Goobta lagu qeybinayey raashinka ayaa waxaa ku sugnaa maamulka gobolka, kan degmada Bosaso iyo madax ka soctay DPWORLD FOUNDATION iyo TADAMUN

27/02/2025

Fadlan na Afuriya walaalayaal

Address

Hodan
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahuran Press posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mahuran Press:

Share