Abdulkadir Mohamed Yussuf

Abdulkadir Mohamed Yussuf Kusoo Dhawaada Bogayga Rasmiga Ah, Nagu asoo Biir...

📱💻Tiknoolajiyadii ayaa si xawli ah u bedelaysa adduunkii, Maalin kasta, agab cusub ayaa la soo saaraa kaas oo saameeya sida aan u shaqeyno, wax u baranno, iyo sidaan u noolaano. 👉 Raac boggayaga si aad u hesho wararka teknoolojiyadda maalinlaha ah,

🇸🇴 Somaliya ma waxay u baahantahay Kiswahili mase English Waqtigaan Ai-da (artificial intelligence)🤖Madaxweynaha Soomaal...
21/10/2025

🇸🇴 Somaliya ma waxay u baahantahay Kiswahili mase English Waqtigaan Ai-da (artificial intelligence)🤖

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhiirrigeliyay shacabka in ay bartaan Kiswahili, si ay ula jaanqaadaan Bariga Afrika. Waa fikir wanaagsan oo kor u qaadaya midnimada, is dhexgalka iyo iskaashiga gobolka.

Laakiin aan xasuusnaano in English-ka uu weli yahay furaha aqoonta, tignoolajiyada, iyo Caqliga macmal ka(Ai) ee maanta dunida hoggaaminaya. 🌍💡

🤖 Sababta Ingiriisigu u yahay muhiim maanta:

• AI & Tignoolajiyada Casriga ah: ChatGPT, Luuqadaha Programming-ka kombiyuutarka, iyo cilmi-baarista sayniska, iyo waxbarashada caalamiga ah intaasba waxay dhisanyihiin Luuqadda English.

• Isgaarsiinta Caalamiga ah: English-ku weli waa luuqadda ugu wayne ee ganacsiga, waxbarashada, iyo diblomaasiyadda caalamka.

• Fursadaha Dhalinyarada: Shaqooyinka online-ka, waxbarashada sare, iyo deeqaha waxbarasho badankood waxay u baahan yihiin English.

• Helitaanka Xogta Dijitaalka ee Internet-ka: In ka badan 60% macluumaadka internet-ka ku jiray waa English.

Kiswahili waa isdhexgal, English waa horumar. 🚀📚

Barashada Kiswahili waa muhiim si aan ula jaanqaadno deriskeena gobolka, laakiin yaan la illoobin muhiimadda English-ka – waa luuqadda fure u ah aqoon, hal-abuurnimo iyo horumar.

Ma aaminsantahay in AI-da iyo tignoolajiyada ay ku khasbeyso dhalinyarada Soomaaliyeed in ay bartaan luuqada English-ka?

🚨 Applications badan ayaa maanta Fariistay oo aan shaqayneen! Snapchat, Canva, Duolingo, Zoom, Amazon, BT Group, MyFitne...
20/10/2025

🚨 Applications badan ayaa maanta Fariistay oo aan shaqayneen!

Snapchat, Canva, Duolingo, Zoom, Amazon, BT Group, MyFitnessPal, Fortnite, Signal, Roblox, iyo kuwo kale ayaa waqti xaadirkan aanan shaqayneen!

Ciladda waxaa sabab u ah Amazon Web Services (AWS), taasoo saameysay malaayiin qof oo dunida geesaheeda kala jooga. Qaar ka mid ah Applications ka ayaa muujinaya soo kabasho, laakiin kuwo badan ayaan wali shaqayneen.

Iska Samir — Team-ka farsamada ayaa ka shaqeynaya siday u xalin lahayeen cidladaan.

📲 Ma ku saameeysay ciladdan? Comment-ga qaybta hoose ku dhiib oo na la wadaag cilad hadaad aragtay!

Saddex sano ka hor, waxaa jirtay maqaaxi yar oo kafeega lagu iibiyo oo ku taallay Nairobi, taas oo ku dhawaatay in gabi ...
19/10/2025

Saddex sano ka hor, waxaa jirtay maqaaxi yar oo kafeega lagu iibiyo oo ku taallay Nairobi, taas oo ku dhawaatay in gabi ahaanba la xiro.
Iibkeedii ayaa hoos u dhacay, Maqaayado badana waa laga aag furay tartankuna meel walba ayuu ka socday.

Kadib milkiilihii ayaa go’aansaday inuu tijaabiyo fikrad geesinimo leh — wuxuu sameestay system yar oo ku shaqeeya AI (caqli macmal ah).
Ma ahayn robot casri ah, ee wuxuu ahaa chatbot yar oo ku xiran WhatsApp, kaas oo macaamiisha u oggolaanaya inay waxay rabaan sii dalbadaan ka hor inta aysan iman.

Lix bilood gudahood, ganacsigii maqaayada saddex jobaar ayuu kor u kacay.
AI-gu ma beddelin shaqaalihii ee wuu caawiyay.
Shaqaalaha kafeega sameeya hadda waqti yar ayaa kaga baxa qaadashada dalabka, waxayna haystaan waqti badan oo ay kusii diyaariyaan kafeega.

Sidoo Macaamiishii way joojiyeen safafka dheer. Maqaaxiduna waxay caan ku noqotay magaca “The Café That Never Closed”

Maanta, milkiilahaas wuxuu ka caawiyaa ganacsiyo kale oo yaryar inay adeegsadaan isla fikraddaas — taas oo muujinaysa in tignoolajiyadu aysan u gaar ahayn shirkadaha waaweyn oo keliya… balse ay u furan tahay qof kasta oo hal-abuurnimo leh.



💡 Casharka laga bartay:
Ma aha inaad haysatid malaayiin si aad u isticmaasho tignoolajiyada. Waxaad u baahan tahay fikrad fiican — iyo geesinimada aad ku bilowdo.

Ma aaminsan tahay in AI uu caawin karo ganacsiyada yaryar ee dalkeena?

Shirkadda Microsoft ayaa militariga Israa'iil ka joojisay (ka xirtay) adeegyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin cloud-keeda i...
18/10/2025

Shirkadda Microsoft ayaa militariga Israa'iil ka joojisay (ka xirtay) adeegyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin cloud-keeda iyo AI-geeda (Caqliga macmalka ah) oo ay h**e u isticmaali jireen Ciidanka Israaiil.

Go’aankan ayaa yimid kadib walaaca sii kordhaya oo ku saabsan isticmaalka caqliga macmalka ah ee loo adeegsado dagaallada iyo dabagalka.

In kasta oo faahfaahintu ay xaddidan tahay, dad xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in go'aankan uu salka ku hayo walaaca laga qabo xuquuqda aadanaha, iyo siyaasadda cusub ee shirkadda (Responsible AI), taasoo xaqiijinaysa in teknolojiyadeeda aan loo isticmaali karin iskahorimaadyada ama in lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah.

Shirkadaha waaweyn ayaa bilaabay inay xad u yeelaan sida loo adeegsado waxsoosaarkooda. Xiligii isla xisaabtanka AI-da waa uu bilowday.

Ma taageersan tahay go’aanka Microsoft ay kaga joojisa adeegyadeeda ciidanka Israaiil?

Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay tijaabadii ugu horreysay ee Internet-ka 6G, kaas oo xawaarihiisu ga...
18/10/2025

Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay tijaabadii ugu horreysay ee Internet-ka 6G, kaas oo xawaarihiisu gaaray rikoor ah 145Gb per second.
Xawaarahaas waa mid awood u leh in sagaal filim oo buuxa (Full HD) lagu so dajiyo hal ilbiriqsi gudaheed.

Tijaabadani waxay calaamad u tahay horumar weyn oo dhinaca hal-abuurka isgaarsiinta caalamka ah, iyadoo Imaaraadkuna uu ka mid noqday dalalka hormuudka ka u ah.

Khubaradu waxay sheegeen in 6G ay awood buuxda siin doonto tignoolajiyado horumarsan sida isgaarsiinta holographic, Caqliga macmal ka ah (AI).

Guushaan waxay qayb ka tahay hammiga imaaraatka ee isbeddelka dhijitaalka ah ee Imaaraadka, taas oo muujineysa sida uu dalkaas uga go’an tahay hal-abuurka iyo isku xirnaanta caalamiga ah.

Dalkee kale ayaad filaysaa inuu si degdeg ah ula tartami doono Imaaraadka?

Talefoonada ugu iibka badan abid🐐Nokia waxay weli hogaaminaysaa moobaillada ugu iibka badan abid — inkastoo maanta aysan...
17/10/2025

Talefoonada ugu iibka badan abid🐐

Nokia waxay weli hogaaminaysaa moobaillada ugu iibka badan abid — inkastoo maanta aysan suuqa tabar badan ku lahayn — Lkn sababtu waa guushii weynayd ee ay gaartay horaantii 2000-meeyadii

Intaad mid kamid ah wali ma iibsatay?🤔

👮‍♂️Tignoolajiyada iyo daryeelka bulshada.Kuuriyada Koonfureed ayaa soo bandhigtay saraakiil booliis ah oo sawir 3D laga...
16/10/2025

👮‍♂️Tignoolajiyada iyo daryeelka bulshada.

Kuuriyada Koonfureed ayaa soo bandhigtay saraakiil booliis ah oo sawir 3D laga sameeyay kuwaaso la geeyay dhammaan jardiimoyinka Magaalada.

Farsamadaan ayaa waxaa loogu talagalay inay dadku moodaan saraakiil caadi ah, oo dhex wareegaya garoomada iyo wadooyinka.

In kasta oo aysan ahayn kuwo jir ahaan dadka u dhex gali kara sida robots-ka, Lkn markaad aragto waxaad moodaysaa askari ku hor taagan oo ku fiirinaya, taasoo ka dhigaysa dembiilayaasha inay laba jeer ka fikiraan ka hor intaanay dambiyada geysan.

Natiijada la yaab ayay noqotay, Wararku waxay sheegayaan in fal-dambiyeedyadii ka dhici jiray goobaha hadda la geeyay saraakiishan ay hoos u dhaceen 22%.

Saraakiishaan gacan ku sameeska ah waxay sidoo kale loo isticmaalaa doorka waxbarasho. Waxay baahin karaan fariimaha badbaadada, waxay dadka xasuusin karaan sharciyooyada jardiinooyinka,

Shaqadan laba-geesoodka ah dhinacna amniga ah dhinac u adeegida bulshada ah ayaa ka dhigaysa tusaale cusub oo ku saabsan sida magaalooyinka qaar ay isugu daraan tignoolajiyada iyo daryeelka bulshada.

Tijaabada Kuuriyada Koonfureed ayaa laga yaabaa inay dejiso amani xumada ka jirta magaalooyin badan oo aduunka ka mida oo ay qaataan xalal la mid ah midkaan.

Ma umalaynaysaa in magalooyinkeena qaar saraakisha noceen ah u baahanyihiin?

🪦 Macsalaama Windows 10 (2015 – 2025) 👋Kadib 10 sano oo ay isticmaalayeen malaayiin qof dunida ku nool, Microsoft waxay ...
15/10/2025

🪦 Macsalaama Windows 10 (2015 – 2025) 👋

Kadib 10 sano oo ay isticmaalayeen malaayiin qof dunida ku nool, Microsoft waxay si rasmi ah u joojisay taageerada Windows 10 bishan Oktoobar 2025. 💻

✅ Waxaa la soo saaray July 2015, waxuuna ahaa mid ka mid ah system-yadii loogu jeclaa — degdeg iyo fudaydka.

🧰 Cilad bixiyaasha iyo dadka isticmaalaba labadaba waxay isku raaceen inuu aha mid si fudud loo hagaajin karo marka loo eego noocyadii asaga ka h**eyay.

😢 Laakiin waqtigisii waa dhammaaday.
Microsoft mar dambe ma siin doonto updates ama security support, taasoo ka dhigan haddii aad isticmaasho in aad khatar gelin karto kombiyuutarkaaga.

🚀 Horaa loo soconaaa — U guur Windows 11 Pro si aad u hesho Xawaare iyo security, system casri ah .

❤️ Macsalaamo Windows 10 — System weyn ayaad ahayd.

14/10/2025

Haddii Mobile-ka biyo kaga dhaco, Sidaan samee isla markiiba.👇

⚠️ Ka Digtoonow! 😬 Sawirradaada Snapchat Ma Badbaadi Doonaan?Snapchat waxay ku dhawaaqday isbaddel weyn oo ka yaabiyay d...
13/10/2025

⚠️ Ka Digtoonow! 😬 Sawirradaada Snapchat Ma Badbaadi Doonaan?

Snapchat waxay ku dhawaaqday isbaddel weyn oo ka yaabiyay dadka isticmaala App-kooda— dhammaan Muuqaalada iyo Sawirada Memories-ka lagu keydiyo Snapchat-ka dhexdiisa hadda waxaa laga dhigay 5GB oo storage ah.

Dadka xogta(Sawirada iyo muqalada) Memories-kooda ku jirta ay ka badan tahay 5GB waxay haystaan 12 bilood si ay:
• 💾 Ogala baxaan ama oga soo dagsadaan Memories-kooda
• 💳 Ama waa inay lacag bixiyaan oo iibsadaan storage dheeraad ah

Haddii aadan labadaas talaabo midna qaadin, Maxaa dhacaya? Snapchat si otomaatig ah ayay u tirtiraysaa Memories-kaaga h**e.😬

Isbeddelkan ujeedkiisa waxay ku sheegeen in maaraynta xogaha Snapchat ay noqoto mid hormarsan, balse Dadka isticmaala app-ka waxay muujinayaan walaac ku saabsan in ay lumi karaan sawirro iyo fiidiyowyo badan oo sanado badan ugu kaydsansanaa app-ka.

Maxaa kuu qorsheysan adiga🤔 ma inaad soo dejiso xogtaada mise iibsato storage dheeraad ah?

Kadib markii aabbihii dhintay isagoo 14 jir ah, Wuxuu murugadii noloshiisa u beddelay hal-abuur. Wuxuu bilaabay kanaal Y...
12/10/2025

Kadib markii aabbihii dhintay isagoo 14 jir ah, Wuxuu murugadii noloshiisa u beddelay hal-abuur. Wuxuu bilaabay kanaal YouTube ah oo lagu magacaabo “Dad, How Do I?”(oo micnaheedu yahay “Aabbe, sidee u sameeyaa?”) kaas oo siinaya talooyin carruurta aan lahayn aabbe ku haga nolosha.

Kanaalku wuxuu barayaa xirfado nololeed oo waxtar leh sida karinta cuntada, cilad bixino fudud, maareynta dhaqaalaha, iyo horumarinta shakhsiyadda.

Malaayiin daawadayaal ah ayaa ka faa’iidaysta muuqaalladiisa, Wuxuu adeegsaday tignoolajiyada si uu u baro caruurta waxyaabo aan badanaa lagu baran iskuulada, gaar ahaan carruurta koreysa iyagoo Aabe la’aan ah, amaba aan haysan qof waalid ah oo bara nolosha maalinlaha.

Sheekadiisu waxay muujineysaa sida uu geeridii aabihiis ugu badalay isbeddel wanaagsan ah oo xitaa samayn wayn ku yeeshay Bulshada — wuxuu murugtii u rogay madal waxbarasho, hal-abuur iyo caawin bulsho.

Ma aaminsan tahay in murugtu ay noqon karto dhiirrigelin?

📱 Sababaha ay Muhiimka u tahay inaad subax walbe Restart u dirtid(Damisid oo daartid)Mobile kaaga! 🔄Ka aqri sababahaComm...
11/10/2025

📱 Sababaha ay Muhiimka u tahay inaad subax walbe Restart u dirtid(Damisid oo daartid)Mobile kaaga! 🔄

Ka aqri sababaha
Comments Qaybta 1aad: Android Users👇

Comments 2aad: iPhone Users👇

Address

Mogadishu

Telephone

+252615363018

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulkadir Mohamed Yussuf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdulkadir Mohamed Yussuf:

Share