
19/09/2025
Elon Musk iyo Agaasimaha guud ee Nvidia ayaa ardayda u sheegay inay joojiyaan barashada code-ka 🚨
Labada hoggaamiye ee tiknoolajiyada waxay sheegeen in diiradda la saaro Physics iyo Xisaab halkii laga baran lahaa coding-ka maadaama lagu jiro waqtii AI.
Pavel Durov (aasaasaha Telegram) isna wuu ku raacay.
Sababta ayay ku sheegayaan? In AI qaban doono coding-ka Ama Code ka.
Laakiin waxa ay si dhab ah u sheegayaan in:
• Fahamka sida waxyaabaha u shaqeeyaan (Physics) iyo xalinta dhibaatooyinka si caqli leh oo ay ula jeedaan xisaabta (Math) aan otomaatig laga dhigi karin, oo uusan AI qaban karin labadaas maado.
• Coding wuxuu isu beddelay xirfad caadi ah.
Lakiin Waxa yaabka leh? Dadka sameeyay AI ayaa ardayda u sheegaya inaysan baran waxii lagu dhisay AI, oo ah Code-ka
Waa wax lala layaabo — ma talo daacad ah bay bixinayaan mise waxay ilaalinayaan faa’iidadooda?
Adigu maxaad u malaynaysaa — coding ma u dhamaatay mise way qaldanyihiin?👇