Ahmed Abdi Ali

Ahmed Abdi Ali Boggaan waxaan idiin kugu soo gudbinaya wararka ku saabsan Siyaasadda, Arrimaha bulshada iyo dhacdoo

Dhacdada igu saameynta badan sanadkaan sii dhamaanaya ee 2025 waa in ALLE igu waafajiyay inaan cagaha saaro Baydka ALLE ...
21/09/2025

Dhacdada igu saameynta badan sanadkaan sii dhamaanaya ee 2025 waa in ALLE igu waafajiyay inaan cagaha saaro Baydka ALLE (Xaramka) oo aan soo cumraysto, waa nimco qaali ah oo aan ilaawi doonin waligeey, muddo 14 maalmood oo aan ku suganahay dhulka barakeysan ee Madiina iyo Makka waxaan dareemay daganaan iyo naxariis aan erayo lagu sifeyn karin.

Dhallinyaro ahaan in fursadaan la helo ma ahan wax iska yimaada ee waa waafajin Rabbaani ah iyo wicitaan ALLE, Alxamdulillaah Alloow adaa mahad iska leh🕋🌙🤲✨❤️.

Ilaahow Muslimiinta oo dhan ku waafaji Baytkaaga barakeysan, qalbiyadoodana ku beer daganaan iyo naxariis, Aamiin yaa rabi.

Cumro Maqbuul ah Insha ALLAH🤲🤲.

Maanta waxaa booqday Buurta Carafo iyo goobo kale oo taariikhi ah, cilmi iyo taariikh aya ii kordhay🤲❤️.
16/09/2025

Maanta waxaa booqday Buurta Carafo iyo goobo kale oo taariikhi ah, cilmi iyo taariikh aya ii kordhay🤲❤️.

Alxamdulillaah, Alle ayaa ku mahadsan inaan maanta ka mid noqdo dadka Salaadda Jimcaha ku dukaday Masjidka Barakeysan ee...
12/09/2025

Alxamdulillaah, Alle ayaa ku mahadsan inaan maanta ka mid noqdo dadka Salaadda Jimcaha ku dukaday Masjidka Barakeysan ee Xaramka, waa nimco Eebbe igu galadaystay oo aan waligeed ilaawi doonin, waxaan dareemaya farxad❤️.

Ilaahayoow Baydkaaga xurmada leh waa imaanay ee naga aqbal Acmaasha, una fududeeyo muslimiinta kale ee ku haminaya iney mar uun tagaan, Aamiin yaa rabi🤲.

‎اللهم صلّ وسلّم على نبيّنا محمّد

07/09/2025

Salaadda Khusuufka

Khusuufka Dayaxa: Waa marka dhulka hooskiisu uu ka dhex galo qorraxda iyo dayaxa, sidaas darteedna iftiinkiisa gebi ahaanba ama qayb ahaanba uu ba’o.

Alle wuxuu yiri:
{وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلَّيۡلُ وَٱلنَّهَارُ وَٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُۚ لَا تَسۡجُدُواْ لِلشَّمۡسِ وَلَا لِلۡقَمَرِ وَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِ ٱلَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ} [Fussilat: 37].
Macnaha {واسجدوا لله} waa in la tukado Alle dartii.

Caa’isha (Alle ha ka raalli noqdee) waxay tiri: Rasuulku (NNKH) wuxuu yiri:
“Qorraxda iyo dayaxu waa labo calaamadood oo ka mid ah calaamadaha Alle, mana dhacaan khusuuf dartiis geerida qof iyo noloshiisa midna. Markaad aragtaan arrintaas, Alle baryada, takbiir dhaha, tukada, sadaqana bixiya.” [Bukhaari].

---

Xukunka Salaadda Khusuufka

Salaadda Khusuufku waa sunno mu’akkadah oo uu Rasuulku (NNKH) sameeyey.

Haddii ay kaa dhaafto laguma qasbi karo in la qabsado, waayo sababtii loogu talagalay waa dhammaatay.

Haddii dayaxu ka soo baxo intii salaaddu socoto, salaaddu ma burayso ee waa la dhammeeyaa.

---

Sida loo Tukado

Waxaa ugu wanaagsan in lagu tukado jamaaco masaajidka jaamaca, laakiin qof kali ah waa uu ku tukan karaa gurigiisa haddii uusan jamaaco tegi karin. Salaaddu waa jahri (cod dheer).

Waxay ka kooban tahay labo rakcadood, rakcad kasta waxaa ku jira labo rukuuc.

Habka rakcada:

1. Niyada: “Waxaan u tukadayaa labo rakcadood salaadda khusuufka dartii.”

2. Furtida, kadibna akhriska Faatixada iyo suurad dheer.

3. Rukuuc.

4. Soo istaag (Samicallaahu liman xamidah rabbanaa lakal-xamd).

5. Markale akhri Faatixada iyo suurad kale oo ka gaaban middii h**e.

6. Rukuuc labaad.

7. Soo istaag markale.

8. Sujuud laba jeer – taasi waa hal rakco.

9. Rakcadda labaad waxaa la sameeyaa sidaas oo kale.

Waxaa sunno ah in akhrinta la kordhiyo midda koowaad, tan labaadna laga dhigo ka gaaban, sidii uu Nabigu sameeyey.

---

Kadib Salaadda

Waxaa lagu talinayaa in imaamku u jeediyo jamaacada khudbo ama waano, isagoo ku boorinaya toobad, sadaqo iyo camal wanaagsan, sidoo kalena ku badiyo duco iyo istighfaar.

Waxaa la sunnaystay qubayska (ghusl) salaadda khusuufka, sida lagu sameeyo ciidaha.

---

Xeerar Kale

Qofkii imaamka ka haleela rukuucii koowaad ee rakcadda, wuu helay rakcaddaas.

Haddii uu ka haleelo rukuucii labaad ama istaaggii labaad, rakcaddaas lama helin, balse wuxuu qabsanayaa labo rukuuc oo uu isagu keligii tukado.

Waxaa la sunnaystay qof kastaba inuu baryo, duceeyo, oo tukado xilliyada musiibooyinka dabiiciga ah (dhulgariir, dabaylo xoog leh, daadsan iyo kuwo la mid ah), si uusan ugu jirin kuwa gaflan.

Xg: وزارة الأوقاف المصرية
Fadlan siigudbi kunasoobiir bartan

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmiya oo dhaqangal ah ugu ma...
07/09/2025

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmiya oo dhaqangal ah ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotodadheer ee aqooneed iyo middiisa maamul, ayaa u rajeeyay Dr. Maxamed Maxamuud inuu waajibaadkiisa u guto si xilkisnimo leh, isla markaana u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

06/09/2025

In agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka uu booqdo goobaha ay bulshada isugu timaado waa fariin cad oo loo dirayo kooxda Argagixisada taas oo ah in Caasimadda looga adkaaday, sidoo kale waa fariin muujineyso in hay'adda Sirdoonka aysan ka go'in Shacabka oo ay saaxiib la tahay.

Waxaa la dhihi karaa waa dhaqan cusub oo NISA ay ku muujinayso in aysan ku koobnayn xafiisyada iyo hawlgallada qarsoon, balse ay leedahay "bulsho ku dhex milan” (community embedded intelligence).

“NISA waa meel kasta oo aad joogtid.”

Mahadsanid agaasime Mahad Salad

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan...
06/09/2025

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee Gobolka Galguduud.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

06/09/2025

In muddo laba bil iyo bar ah lagu hirgeliyo xarun sidaan u qurux badan, u qalabaysan, laguna dhiso nidaam casri ah wax sahlan ma ahan, balse waa mid la filan karo marka maamulka lagu aamino qof shaqo yaqaan, hawlkarnimo iyo hogaamin wanaagsan leh, sidoo kale waa tusaale cad in qofka saxda ah marka booska saxda ah loo dhiibo uu horseedo guul muuqata (Right person, right position).

Hambalyo Agaasime Hussein Abdulle Mohamed shaqadaadu tusaale fiican bay u tahay hoggaan wanaagsan oo ka mira dhaliya hadafkiisa, guulo badan ayaa kuu rajeynaya sxb ee horay u soco.

GUDDOOMIYE Dr. MUUNGAAB OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WAAXDA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA MAAMULKA GOBOLK...
06/09/2025

GUDDOOMIYE Dr. MUUNGAAB OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WAAXDA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR.

Muqdisho, 6 September2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha. Xafiisyadan ayaa ah kuwo casri ah oo isku xiraya maamulka iyo bulshada, islamarkaana kobcin doona kalsooni, wacyi iyo is-faham dhex mara shacabka iyo hoggaankooda.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka socday Dowladda Hoose ee Muqdisho, madax ka socday hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah, shaqaalaha Waaxda Warfaafinta, iyo marti sharaf kale oo ka socday bulshada rayidka ah.

Guddoomiya Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay shaqada Waaxda Warfaafinta isagoo yiri:

“Warfaafintu waa laf-dhabarta hay’ad kasta, gaar ahaan dunida dhijitaalka ah ee maanta. Haddii booskan uu banaanaado, waxa uu fursad siinayaa kuwa burcadda qalin ah in ay farriintooda meel dheer gaarto.”

Agaasimaha Waaxda, mudane Xuseen Cabdulle Maxamed, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa codsaday in mushahar iyo xuquuq la siiyo shaqaalaha muddo dheer si mitawacnimo ah u shaqaynayay, si ay xaqooda u helaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa codsigan si degdeg ah u aqbalay, isagoo carabka ku adkeeyay:

“Ma jiri doonto cid shaqaysa oo xuquuq la’aan ah, isla markaana dhinaca kale aysan mushahar been aad qaadan doonin dad aan shaqayn.”

Dr. Muungaab ayaa sidoo kale xusay muhiimadda Warbaahinta madaxabannaan u leedahay dowladda hoose ee Muqdisho oo uu hoosta ka xarriiqay in uu yahay mid wax-ku-ool ah.

DHAMMAAD.

Jimco wanaagsan🙏
05/09/2025

Jimco wanaagsan🙏

2023 ayey jaamacad ka qalin jebisay gabadhan balse 2025 markii ay shaqo weyday waxey go’aansatay inay ku shaqeysato gaar...
05/09/2025

2023 ayey jaamacad ka qalin jebisay gabadhan balse 2025 markii ay shaqo weyday waxey go’aansatay inay ku shaqeysato gaari dameer, si walbo nolosha ha is dhiibib maalin un waad gaari doontaa riyadaada 🙏.

Shaqo baa sharaf leh walashey 😍.

Xigasho Ahmer Baahasan

‎Hawada Soomaaliya ( Airspace ) ‎‎Sida ay ugu gudubtay class A, maalin walba hawada Soomaaliya waxaa dul mara oo isticma...
05/09/2025

‎Hawada Soomaaliya ( Airspace )

‎Sida ay ugu gudubtay class A, maalin walba hawada Soomaaliya waxaa dul mara oo isticmaala qiyaastii 400–600 diyaaradood oo caalami ah.

‎Sida caadiga ah, diyaaradaha waxaa laga qaadaa khidmad isticmaalka hawada (Air Navigation Charges) oo lagu saleeyo masaafo la cabbiro Nautical Miles (NM). Qiimaha caadiga ah waa $61, boqol-kii nautical miles

‎Maadaama hawada Soomaaliya lagu qiyaaso inay tahay 500 NM, diyaaraddiiba waxaa laga qaadaa: ‎$61×5 = $305

‎Haddaba, haddii maalin walba hawada Soomaaliya isticmaalaan ugu yaraan 500 diyaaradood:

‎$305×500 = $152,500

‎Taasi waxay la macno tahay:

‎Maalin walba in laga helo ugu yaraan: $152,500

‎Bishii (30 maalmood): $4.58 Milyan

‎Sanadkii (12 bilood): $54.9 Milyan


Lacagtaas, ciidanka milatariga dowlada federal-ka ee active-ka ah misna diiwaan gashan inta mushaarkooda bil walba laga bixiyo ayaa inta soo hartana lagu maareyn karaa howlaha civil aviation-ka, ma loo baahno in mushaar looga soo tuugsado international community !

‎📚: simpleflying.com & eutmsomalia.eu

W/Q:- Abdifitah Dahiye

Address

Mogadishu

Telephone

+252618119215

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Abdi Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ahmed Abdi Ali:

Share

Category