Ahmed Abdi Ali

Ahmed Abdi Ali Boggaan waxaan idiin kugu soo gudbinaya wararka ku saabsan Siyaasadda, Arrimaha bulshada iyo dhacdoo

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud iyo wafdi uu hogaamin...
18/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha halkaasi oo Wasiirka uu kaga qeyb galayo Madasha 7aad ee iskaashiga Warbaahinta dalalka Afrika iyo Shiinaha.

Wasiir Abdulfatah Kasim Mohamud waxaa garoonka diyaaradaha Beijing kusoo dhaweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhida dalka Shiinaha Amb Hodan Cismaan Cabdi iyo Diplomaasiyiinta safaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud ayaa kulamo kala duwan la qaadan doono wasiirada warfaafinta Afrika ee madasha ka qeyb galaya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa galabta u amba baxay magaalada...
17/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa galabta u amba baxay magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Shiinaha iyo Afrika.

Madashan ayaa muhiim u ah xoojinta iskaashiga warbaahinta Shiinaha iyo dalalka Afrika, is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta, tiknoolajiyadda, hal-abuurka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Wasiirka ayaa madasha ku matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka qeybqaadanaya doodaha iyo kulamada looga hadlayo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga warbaahineed ee u dhexeeya Shiinaha iyo Afrika.

Wasiirka waxaa safarka ku wehelinaya Agaasimaha Radio Muqdisho mudane Cabdifitaax Daahir Jayte.

17/08/2026

Maareeye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka abwaan Maki Xaaji Banaadir ayaa hadiyad dhaqameed guddoonsiiyay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud.

17/08/2026

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee safarka aqoon-kororsiga ka soo laabatay si diirran ayaan idiin soo dhaweynayaa, waxaan idinkaga mahadcelinayaa matalaadda wanaagsan ee aad Qaranka u sameyseen.

Wasiir Abdulfatah Kasim Mohamud

17/08/2026

Off to Gaalkacyo✈️

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda kula kulma...
16/08/2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee caanka ka ah baraha bulshada, kuwaas oo dhowaan safar aqoon kororsi iyo khibrad wadaag ah ku tagay dalka Shiinaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waayo-aragnimadii ay dhallinyaradu ka soo kororsadeen safarka, aragtiyihii ay la soo laabteen iyo sida looga faa’iideysan karo fursadaha ay warbaahinta casriga ahi u abuurtay jiilka cusub.

Wasiir Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa ku boorriyey dhallinyarada inay hal-abuurkooda iyo saamayntooda bulshada u jiheeyaan wax dhisaya, isla markaana ay door muuqda ka qaataan wacyigelinta, dhiirrigelinta horumarka iyo soo bandhigista sheekooyinka wanaagsan ee dalkeena

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta soo xiray tab...
16/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsanaa qorista qorshayaasha shaqo ee sannadlaha ah iyo warbixinnada waxqabadka Wasaaradda, iyadoo diiradda lagu saaray Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo nidaamka GIPMS.

Tababarka oo ay si wadajir ah u soo diyaariyeen Waaxda Qorsheynta iyo Waaxda Shaqada iyo Tababarrada ee Wasaaradda ayaa lagu xoojiyay fahamka qorsheynta iyo sidii hawlaha Wasaaradda loogu waafajin lahaa mudnaanta iyo qorshayaasha qaranka.

Intii uu tababarku socday shaqaalihii ka qeyb galay waxaa lagu baray diyaarinta qorshe shaqo sannadeed oo si cad u qeexaya hawlaha la qabanayo, cidda mas’uulka ka ah, waqtiga fulinta, miisaaniyadda, natiijooyinka la filayo iyo tilmaamayaasha lagu cabbirayo waxqabadka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay dadaalka lagu xoojinayo awoodda shaqaalaha Wasaaradda, isagoo shaqaalaha kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay ka faa’iideen tababarka si hufan loogu dabaqo shaqada, isla markaana si dhab ah loo fuliyo qodobadii iyo talooyinkii kasoo baxay tababarka.

16/08/2026

Geesiyaasha Qaranka oo ku jira gudashada Waajibaadkooda Qaran

16/08/2026
16/08/2026

Geesi ka tirsan XDS.

Address

Mogadishu

Telephone

+252618119215

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Abdi Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ahmed Abdi Ali:

Shortcuts

Share

Category