RAAS MEDIA

RAAS MEDIA Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from RAAS MEDIA, Broadcasting & media production company, Mogadishu.

Raas Media, waxad ka heleysaan Duubista iyo Diyarinta Xayeesiimaha,
Codeynta Fariimaha sida Ogeysiis iyo wixii lamid ah, Qaadista Sawiro bilic qurxoon, Dubista Xafladaha ,
iyo adeegyada arimaha Bulshada siminarada IWM
faahfahin Dheri ah +252617591999

05/10/2025

Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh Loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee hada xarunta u ah Jubaland.

04/10/2025

Xaalka Muqdisho iyo Weerarka Godka jilacow.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Jubaland.Kul...
04/10/2025

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Jubaland.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyadoo la iska xog-wareystay arrimaha taagan iyo doorka odayaasha dhaqanku ku leeyihiin xasiloonida iyo horumarinta bulshada.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay qorshaha dib loogu fur...
04/10/2025

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay qorshaha dib loogu furayo 52 waddo oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb-galay madasha sida rasmiga ah loogu daahfurayey qorshahaa oo ku yimi isbadalka iyo horumarka muuqda ee laamaha Amaanka oo Boliisku qeyb ka yahayee ay ka sameeyeen Caasimadda Dalka .

Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran NPU ayaa weli ku guda jira qaabilaadda iyo ku soo biirinta bulshada qaybaha kala duwan...
04/10/2025

Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran NPU ayaa weli ku guda jira qaabilaadda iyo ku soo biirinta bulshada qaybaha kala duwan ee dalka. Xisbigu wuxuu xoogga saaraya dhisidda midnimo qaran iyo horumar ku dhisan wada-tashi, si loo helo bulsho isku duuban oo u taagan horumar iyo cadaalad.

Hormar iyo Midnimo Qaran waa.
Mustaqbal aan wada leenahay.
Luul Issack Adam Halgan

03/10/2025

Kudhawaad laba boqol oo haween soomaaliyeed ah ayaa Muqdisho Loogu sameeyay qaliin iskumid ah oo lacag la'aan ah.

27/09/2025

Baro oo fahan guurka lagu d**o ee xasiloonida leh.

26/09/2025

Madaxweynaha oo tilmaamay inta bilood ee u dhiman iyo xiliga waqtigiisu ku egyahay.

26/09/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadeeyay Mooqifkiisa Xiliga Doorashada Dalka Soomaaliya.

25/09/2025

Wasiir fartaag oo laamaha amniga ku amray in ay cid kasta oo amniga lidi ku ah gacan bir ah ku qabtaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaal...
25/09/2025

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa wadajir u shir gudoomiyey kullan looga hadlayey xoojinta ammaanka caasimadda iyo ka hortagga falalka amni-darrada ee lidka ku ah nabadgelyada.

Shirka ayaa markii uu soo dhammaaday laga soo saaray go’aano ay kamid yihiin ku dhaqanka xeerka xakamaynta hubka ee 2023, iyadoo si gaar ah loo mamnuucay isticmaalka hubka culus.

Ganacsatada ayaa loo jeediyey inaan hantidooda loo adeegsan falal amniga wax u dhimaya, waxaana shacabka looga digay inaysan ku kadsoomin ka qeyb-galka banaanbaxyada waxyeelaynaya Amaanka Caasimadda.

π‰πšπšπ¦πšπœπšπππš 𝐀π₯ 𝐇𝐒π₯𝐚π₯ ee Muqdisho iyo π‡πšπ²'𝐚𝐝𝐚 SONEA Organization - Ω…Ω†ΨΈΩ…Ψ© Ψ³ΩˆΩ†ΩŠΨ§ ayaa maanta si wadajir ah u hirgaliyay taba...
25/09/2025

π‰πšπšπ¦πšπœπšπππš 𝐀π₯ 𝐇𝐒π₯𝐚π₯ ee Muqdisho iyo π‡πšπ²'𝐚𝐝𝐚 SONEA Organization - Ω…Ω†ΨΈΩ…Ψ© Ψ³ΩˆΩ†ΩŠΨ§ ayaa maanta si wadajir ah u hirgaliyay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay π›πšπ‘ππš 𝐌𝐚𝐜𝐚π₯π₯𝐒𝐦𝐒𝐒𝐧𝐭𝐚 Gobolka Benadir.

Tababarka ayaa ahaa mid Macallimiinta lagu barayay habka ugu fudud ee sahlaysa hanaanka waxbarista ardayda, madama Macallimiinta ay muhiim u tahay habka waxbarista ardayga.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615667710

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RAAS MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to RAAS MEDIA:

Share

Ku Soo Hiro Raas Media

Waxaan ku dadaalayaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaag warar, barnaamijyo iyo muqaallo xiiso leh.