04/06/2026
Qoraal uu qoray wariye sare iyo diblomaasi Yusuf Garaad bishii 12-aad ee sanadkii 2015, oo uu ciwaan uga dhigay “Xafladda ama Xabaasha”, ayuu kaga hadlayey dhalinyarada ku dhimata dagaallada siyaasadeed ee masuuliyiin kala aragti duwan ay dabka galiyaan. Isaga oo markaas ka hadlayey heshiiskii ay wada gaareen ahmed madoobe iyo Barre hiiraale oo Jubaland ku dagaalamayey, aakhirkiina heshiiyey.
Waxa uu ku sheegay qoraalka in marka ay dhalinyaradaasi ku dhammaadaan dagaalka, ay siyaasiyiintii aayar heshiiyaan oo ay dhigtaan xaflad lagu soo bandhigayo heshiiska. Dhalinyaradii dabka lagu shubayna ma joogaan xafladdaas, balse xabaasha ayay ku jiraan iyagoo aan garanayn waxa ay u dhinteen.
Qoraalka ayuu ku soo gabagabeeyey in uu dhalinyarada kula dardaarmay, isaga oo yiri: “Inta aad qadiyad been ah ku dhiman lahayd, waxaa la qaatey adiga oo xafladda ka qayb gala.”
Dhawaan waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya la wareegtay magaalada Baydhabo, oo uu ka baxay madaxweynihii maamulkaas, Cabdicasiis Lafta-gareen. Waxaa tani ahayd tallaabo markii ugu horreysay uu qof Soomaali ah oo haysta ciidan u dagaallama ka baaqdo dagaal. Way dhici karaan siyaabo badan oo taas keena, balse meesha muhiimka ahi waa in dagaal laga baaqsaday, dhalinyaro Soomaaliyeedna aysan isku dhiman. Waa tallaabo bogaadin mudan oo loo diiwaan-gelinayo Lafta-gareen, markii ugu horreysay inta aan ogahay.
Dhalinyaradii wadatay hubka ee la safnayd Lafta-gareen waxaa loo qabtay xaflado lagu soo dhaweynayo, halkii la qaban lahaa xaflado ay siyaasiyiin ku heshiinayaan balse dhalinyaradiina ku dhammaato.
Sidaas si la mid ah, saacadihii u dambeeyey waxaa magaalada Muqdisho ka socday dagaal u dhexeeyey qayb ka mid ah mucaaradka iyo dowladda.
Waxaa la hubaa in dhalinyaro ku dhinteen dagaalka, balse dagaalka oo socday saacado badan waxa uu ku soo dhammaaday in siyaasiyiintii dagaalka hoggaaminayey ay aayar uga soo baxaan meeshii lagu dagaallamayey. Waxaase ilaa hadda la isweydiinayaa: dhalinyaradii u dagaallamaysey halkee ku dambeeyeen? Ma joogeen fadhigii heshiiska lagu gelayey? Kuwii dhintayse maxay ku dhinteen? Yaa qaadaya masuuliyadda dhimashadooda?
Waxaan ku celinayaa hadalkii Yuusuf Garaad ee ahaa: “Inta aad qadiyad been ah ku dhiman lahayd, waxaa la qaatey adiga oo xafladda ka qayb gala.”