15/12/2025
Ciidanka Booliska caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb oo uu hoggaaminayo Laba-Xiddigle Seydcali Cabdi Xashi ayaa maanta ka sameeyay howlgal ballaaran xaafadaha iyo suuqyada magaalada.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada caasimadda, laguna baarayo goobaha looga shakisan yahay falalka amni-darrada.
Ujeedada howlgalka waxaa ka mid ah Sugidda amniga guud ee magaalada Ka hortagga falalka rabshadaha iyo dambiyada abaabulan In bulshada lagu abuuro dareen amni iyo kalsooni.
Taliska booliska Dhusamareeb ayaa shacabka ugu baaqay in ay si buuxda u garab istaagaan ciidamada, ayna ka fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara amniga magaalada.