11/11/2025
DEGDEG: Ruushka oo ka hortagey Afduub ay Ukrayn ku heli lahayd gantaalka Kinzhal.
Hay'adda Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen qorshe halis ah oo ay sirdoonka Ukraine ku doonayeen inay ku afduubtaan diyaarad dagaal oo nooceedu yahay MiG-31, taas oo sidda gantaalka casriga ah ee Kinzhal (Dagger).
Sida ay FSB-du sheegtay, sirdoonka Ukraine ayaa isku dayay inay si qarsoodi ah u qortaan duuliyeyaal Ruush ah, iyagoo u ballanqaaday lacag dhan 3 Milyan oo Doollar si ay u geeyaan diyaaradda saldhig ku yaalla waddan ka tirsan Gaashaanbuurta NATO.
Hawlgalkan oo si xeeladaysan loo diyaariyay ayaa la sheegay in si buuxda loo xakameeyay lana fashiliyay intii uusan qabsoomin.
Ujeeddada ugu weyn ee afduubku ma ahayn gacan ku dhigga diyaaradda MiG-31 lafteeda, balse waxay ahayd helitaanka gantaalka Kinzhal, oo ah mid ka mid ah ganyaalada guuxooda ka dheereeya (hypersonic) ee Ruushka hubkiisa ugu casrisan.
Haddii ay Ukraine gacanta ku dhigi lahayd gantaalkan, waxay siin lahayd khubarada Reer Galbeedka fursad ay si buuxda ugu falanqeeyaan farsamada adag ee gantaalka.
Sidaa darteed, Ujeeddadu waxay ahayd in la fahmo sirta Kinzhal, gaar ahaan sababta ay u adagtahay in lasoo rido.
Ugu dambayn, aqoonta laga helo afduubida gantaalka waxay si weyn u caawin lahayd Ukraine iyo xulafadeeda Reer Galbeedka inay horumariyaan nidaamyada difaaca hawada ee lagula dagaallamo gantaallada hypersonic ah. Sidaa darteed, qorshahan dhicisoobey, wuxuu Ruushka ka badbaadiyay in sirta ugu weyn ee hubkiisa ugu casrisan ay u gacan gasho Ukraine iyo Xulafadeeda.