Madalsan Media

Madalsan Media Welcome to Madalsan Media. We are dedicated to sharing real stories and authentic videos.

Dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka soo qeyb galay caleemo saarka Ugaas guud ee Beesha Murusade.
25/04/2026

Dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka soo qeyb galay caleemo saarka Ugaas guud ee Beesha Murusade.

Diyaargarowgii ugu dambeyey ee xafladda caleemasaarka Ugaaska Murusade, Ugaas Cabdirisaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi ...
25/04/2026

Diyaargarowgii ugu dambeyey ee xafladda caleemasaarka Ugaaska Murusade, Ugaas Cabdirisaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa hadda socota.

24/04/2026

Sanbaloolshe oo ka garnaqsanaya Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa tilmaamaya in kulan dhowaan ka dhacay Djibouti oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Jabuuti ...
17/04/2026

Wararka la isla dhexmarayo ayaa tilmaamaya in kulan dhowaan ka dhacay Djibouti oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Guelleh, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, ay ka wada hadleen soo jeedin ku saabsan bixitaan weyn iyo dib-u-habayn xuduudeed oo ka dhaca Geeska Afrika, kaas oo ku lug yeeshaan saddexda dal.

Sida qorshaha la soo jeediyay dhigayo, Jabuuti waxay isu beddeli doontaa dowlad si buuxda u Soomaali u ah, iyadoo lagu darayo dhulalka Diridhaba, Sitti, Harawo, magaalada Jabuuti iyo gobolka Awdal ee Soomaaliya, taasoo si wax ku ool ah u mideynaysa dhammaan deegaanada ay degaan beelaha Ciise iyo Gadabuursi, laguna hoos keeno dowlad cusub oo Jabuuti ah.

Itoobiya, dhankeeda, waxay heli doontaa gacan ku haynta dhulka Canfarta ee hadda ka tirsan Jabuuti, oo ah qiyaastii 80% dhulka guud ee Jabuuti, taasoo siinaysa marin toos ah oo ay ku gaarto Badda Cas, isla markaana bulshada Canfarta ee Jabuuti ay la midoobayaan walaalahooda Itoobiya.

Intaa waxaa dheer, guud ahaan dhulka Soomaalida ee ku jira Itoobiya ayaa lagu wareejin doonaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasoo si weyn u beddeli karta xaaladaha siyaasadeed, qowmiyadeed iyo dhaqaale ee gobolka, isla markaana noqon karta xal waqti dheer saameyn ku yeesha Geeska Afrika.

W/Q: Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamid

10/04/2026

Hadaljeedinta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee Munaasabadda soo dhoweynta markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha sahminta iyo qodista shidaalka Soomaaliya

10/04/2026

Wasiirka Tamarta dalka Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabil...
10/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee dalkaas Mudane Alparslan Bayraktar.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa kulankooda iskula soo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba-geesoodka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga arrimaha tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo dhaqaalaha buluugga.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal ee dhanka tamarta uu soo gaaray marxalad taariikhi ah oo shacabka labada dal ay ku faani karaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in soo xirashada markabka Cagri Bay uu baal cusub oo dahabi ah u furay dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirtay sidii sare loogu qaadi lahaa koboca dhaqaalaha dalka, shaqo-abuurka iyo kaa faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ee ceegaaga baddaheenna iyo barrigeenna.

Dhankiisa, Wasiir Alparslan Bayraktar ayaa ugu mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhawaynta iyo martisoorka qaayaha leh ee ay u fidiyeen, isaga oo muujiyay in Markabka Cagri Bay iyo billaabashada hawlahiisa qodista ay tusaale u yihiin ka mirodhalinta yoolasha iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.

10/04/2026

Waxaa Dekadda Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey.

01/04/2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaalada magaalada Baydhabo

01/04/2026

Waa Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Garowe oo wiilkeeda lagu dilay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Farah Juxa w...
31/03/2026

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Farah Juxa waxaana lagu bedelay Cabdi Xirsi Qarjab.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa ka soo xigatay ciidanka Suuriya in weerar ballaaran oo loo adeegsaday diyaarado ...
30/03/2026

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa ka soo xigatay ciidanka Suuriya in weerar ballaaran oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) lagu qaaday dhowr saldhig oo ciidan oo ku dhow xadka Ciraaq aroornimadii maanta.

Ciidanka Suuriya ayaa sheegay in cutubyadoodu ay ku guuleysteen inay ka hortagaan inta badan diyaaradahaas isla markaana ay soo ridaan.

Waxay sidoo kale intaas ku dareen in ay qaadi doonaan jawaab ku habboon si loo baabi’iyo khatar kasta loogana hortago weerar kasta oo lagu soo qaado dhulka Suuriya.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madalsan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share