Wanaag Baahiye

Wanaag Baahiye Wanaag Baahiye, waa page u taagan faafinta dacwada islaamka,waxaana dadka la wadaagnaa kheyrka

14/10/2023

FALASTIIN oo guuldarada dusha u saartay israaiil & cida aasaastay ururka xamaas | sh mustafe

09/10/2023
29/09/2023

🍀اللَّهُــمَّ🌼🍀صَلِّﷺ🌼🍀وَسَـــلِّمﷺ🌼🍀وَبَارِك🌼🍀علىﷺ🌼🍀مُحمَّد🌼🍀ﷺاللَّهُــمَّﷺ🌼🍀صَلِّﷺ🌼🍀وَسَـــلِّمﷺ🌼🍀وَبَارِك🌼🍀على🌼🍀ﷺ🌼🍀مُحمَّد🌼🍀 ✰✰ اللَّهُــمَّﷺ صَلِّ ﷺوَسَـــلِّمْﷺ وَبَارِكﷺْ علــى ﷺمحمدﷺ💛اللهــــــم❤صــــل💚علــــی❤محمـــــد💚
💚ﷺ💚 💚ﷺ💚
💚ﷺ ﷺ ﷺ ﷺ💚
💚ﷺ 💚 ﷺ💛
💛ﷺ محمـــــــــــــــد ﷺ💛
💛ﷺ رســــــــول الله ﷺ💛
💛ﷺ صلـی الله علیه ﷺ💛
💛ﷺ وسلـــــــم ﷺ❤
❤ﷺ ﷺ❤
❤ﷺ ﷺ❤
❤ﷺ ﷺ❤
❤ ﷺ ❤
💛اللهــــــم💚صــــل❤علــــی💛محمـــــد❤
💛اللهــــــم❤صــــل💚علــــى💚❤💛محمـــــد💚❤💛🌹🍀🌹اللهمَّﷺ❤صَلِّﷺ🌺وَسَـــلِّمْﷺ❤وَبَارِكﷺْ❤علىﷺنَبِيِّنَـــا❤ﷺمُحمَّدﷺ-🌹🌺🌹

29/09/2023

Sheekh Cabdi Xayi oo soo Afjaray Dooda laga keenay Bisha Mowliidka 《12 Rabiicul Awal》

20/07/2023

Subxanallah Xasan Magafe Oo Gabar Uur Leh Nolosha Ku Gubay Kadib Markii Ay Lacagta Bixin Waysay 😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭

MA OGTAHAY?   الكعبة Berri 19 July 2023, waxaa kacbada laga bedelayaa Marada Madoow( Kiswah) ee ku wareegsan, taasi oo s...
18/07/2023

MA OGTAHAY? الكعبة

Berri 19 July 2023, waxaa kacbada laga bedelayaa Marada Madoow( Kiswah) ee ku wareegsan, taasi oo sanadkiiba mar la bedelo.

Berri waa 1 Muxarram 1445.
Marada waxay ka sameysan tahay

🕋 670 kiilo oo Xariir Saxafi ah
🕋 120 kiilo oo Dahab ah
🕋 50 kiilo oo Qalin ah

Mudo sanad ah ayaa la diyaariyaa Marada (Kiswah), waxaana jira warshad u Gaar ah oo ka shaqeysa.

Share dheh oo asxaabtaada la wadaagi.👇
Wanaag Baahiye

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐈𝐃𝐀𝐇𝐀Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, wax...
17/05/2023

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐈𝐃𝐀𝐇𝐀

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:

1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.

Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐒𝐮𝐛𝐚𝐠𝐚 𝐈𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬 𝐤𝐨𝐫 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐮𝐬𝐚𝐲?

Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,

waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,

Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.

Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:

1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.

2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".

Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.

Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.

Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.

Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.

Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.

Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.

Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.

Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.

Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.

Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.

𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc

مهم..!تعلم كيفية الصلاة.Wanaag Baahiye
26/04/2023

مهم..!
تعلم كيفية الصلاة.
Wanaag Baahiye

05/04/2023

Mukulaashu kuma jirto saddexda noole ee nabiga ﷺ sheegay in ay salaadda jabiyaan.👇
Wanaag Baahiye

Waxaa inoo soo dhamaatay 10-kii h**e ee bisha Ramadan, waana 10-kii lagu sifeeyey Naxariista Alle, waxaan Alle ka rajeyn...
04/04/2023

Waxaa inoo soo dhamaatay 10-kii h**e ee bisha Ramadan, waana 10-kii lagu sifeeyey Naxariista Alle, waxaan Alle ka rajeyneynaa inuu inoo naxariisto.

Waxaana hadda ku dhex jirnaa 10-ka dhexe oo lagu sifeeyey in ay tahay 10-ka dambi dhaafka, waxaan Alle ka rajeyneynaa dambiyadeena oo idil in uu inoo dhaafo.

10-ka ugu dambeeya haddii uu Alle idmo waa 10-kii Naarta leyska xoreynaayey, waxaana Alle ka rajeyneynaa in uu Alle inagu daro kuwa Naartaas laga xoreynaayo.

Marka walaal bishaan kheyrkaas tirada badan ayuu rabbi dhex dhigay sidaas darteeda waxaa loo baahan yahay in aan ku dadaalno cibaado badan in aan la imaano, sannad kiiba waa halmar qofku Alle waafajiyo ee soo gaara waa qof aad u nasiib badan.

Waxaan rajeynayaa Ramadaan kaan midka xiga inuu Alle nabad, cimri iyo caafimaad nagu gaarsiiyo haddii Eebbe idmo.
👇
Wanaag Baahiye

 ’idooyinka Muuska Laga HeloMuuska waxa uu leeyahay faa’idooyin aad u tiro badan, lamana  tiring karo faa’idooyinka uu M...
25/03/2023

’idooyinka Muuska Laga Helo

Muuska waxa uu leeyahay faa’idooyin aad u tiro badan, lamana tiring karo faa’idooyinka uu Muuska leeyahy halkaana laguma soo koobi karo, waxaa lagu tiriyaa Muuska inuu yahy fawaakih hodan ku ah fatimiinada kuwaas oo dadka ay ka helaan A, B iyo D.

Sidoo kale Muuska ayaa hodan ku ah qaar ka mida macdanka muhiimka u ah caafimaadka jirka bani’aadanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida Potassium , carbohydrate sidoo kale waxaa ku jira qaar ka mida aash*tooyin jirka faa’idada u leh.

Hadaba warbixintaan waxaa idin kugu soo gudbinaynaa faa’idoonka uu Muuska leeyahay kuwaas oo ah kuwo wax ku ool ah waxaana ka mida.

1. Yareynta Miisaanka: Muuska waxa uu gacan weyn ka geystaa inuu yaraado miisanka qofka, waxaana ku jirat maado lagu magacaabo Karboohaydarood oo la dagaalanta baruurata iyo dufanka, sidoo kale waxay ka qeyb qaadataa inuu miisanka qofka uu hoos u dhaco .

2. Awood Siin: Muuska waxa uu leeyahy awood siin dheeri ah oo uu jirka siiyo, waxaana inta badan lagu booriyaa dadka sameeya Aalamiitada inay cunaan Mooska ka hor inta aysan sameyn Aalamiitada, kaasi oo jira u siyaadinaayo awood dheeri ah oo u surto galinaysa inuu Aalamiiteeyo 90 daqiiqo oo xiriir ah.

3. Waxa uu daawo U yahy Habdhsika Dheefshiidka iyo calool fadhiga: waxaa ku jira Muuska nuuc ka mida Buriitiinka geedaha, waxayna qeyb ka qaataan inuu si wanaagsan u shaqeeyo habdhiska dheef shiidka iyo inuu jilciyo caloosha isagoo wax daawo ah aan loo kaalmeysanaynin wax dawooyin ah, waxa uu la dagaalamaa mooska inay xaloosha fariisato.

4. Waxa uu daawo u yahay Aash*tada: waxa uu ka shaqeeyaa Muuska inuu daaweeyo oo uu yareeyo Aash*tada caloosha si deg deg ah.

5. Waxa uu daawo u yahy dadka caba Sigaarka: waxa uu dawo caafimaad u yahy dadka cabo sigaarka, kaasi oo kasaara wasaqda sigaarka ka saaro waxa uuna yareeyaa saameynta uu sigaarka uu ku leeyahy jirka, waxaanka ku jira koox fatamiino ah oo ka shaqeysa inay yareeyaan saameynta xun uu ku yeelanaayo sigaarka jirka.

6. Waxa uu caafimaad u yahy wadnaha: Potassium waa cunsur asaasi ah waxa uuna ka shaqeeyaa inuu ilaaliyaa inuu wadnaha si nabadgalyo ah uu u shaqeeyo waxa uuna habeeyaa dhiig karka, cusurkaan cuntooyinka laga helo waxaa ka mida Mooska,cunista mooska waxay yareysaa cudurada ku dhaco wadnaha wadno istaagga.

7. Waxaa ilaaliyaa caafimaadka Kaliyaha: Mooska oo la cuno todobaadkii marar dhowr ah waxa uu yareeyaa cudurada ku dhaco kaliyaha 50% tan, maxaa yeelay waxaa ku jira cusurka Potassium, kaaso oo ka shaqeeya inay kiliyaha si caafimaad leh ku shaqeeyaan.

8. Waxa uu la dagaalamaa Gabowga: Mooska waxaa ku jira Fatamiino aad u sareeyo kuwaas oo ay ka mid yihiin Fatamiin A, iyo C sidoo kale waxaa ku jira Aash*tooyin diidaya inay timaado Gabow deg deg ah.
Wanaag Baahiye

Faa’idada caafimaad-ka  .Cambaha waa miro aad u macaan, waxaana laga helaa Nafaqoyin kala duwan sida: fataminada iyomacd...
24/03/2023

Faa’idada caafimaad-ka .

Cambaha waa miro aad u macaan, waxaana laga helaa Nafaqoyin kala duwan sida: fataminada iyo
macdanta.

Faa'idooyinka Cambaha laga helo waxaa ka mid ah:

1- Cambaha waxaa ka buuxa maadoyin badan oo dhiiga nadiifiyo sida: oo ah maado dhiiga ka nadiifiso wasaqada ku jirta.

3- waxuu kalo sara u qaadaa difaaca jirka oo waxaa ka buuxo kaasoo sare u qaado difaaca jirka.

Hadii uu uu jirka ku yaraado waxaa siyaado caabuqyda jirka ku dhaco.

4- sidoo kale canbaha waxaa laga helaa , waxa uu jirka ka taageeraa soo saarida cad cad Ee dhiiga kuwas oo sare u qaado difaaca lana dagaalamo cudur-sidayaasha.

5- Cambaha waxa oo sare u qaadaa caafimaadka dheefshiidka, oo waxa uu leeyahay maadooyin badan oo tayo leh kuwaas oo ka dhigo mid safiican u shaqeeyo canbaha waxaa laga helaa dheecaanka loo yaqaan , kaas oo door muhiim ah ka ciyaaro dheefshiidka, sido kale Qububka canbaha waxa oo ka sameesan yahay madada loo yaqaan taas oo ka qeeb qaadato jilcinta saxarada.

6- Cambaha waxa oo isku dheeli tir ku sameeyaa heerka dhiiga.

waxaa laga helaaa , iyo maadada kale loo yaqaan kuwaas oo ka qeeb qaato isku dheeli tirka baruurta dhiiga dhax qulquleso.

7- Cambaha waxa oo naga caawiya xakameenta cudurka sokorta.
Cunista caleenta geedka canbaha waxa ay door muhiim ah ka ciyaarta xakameenta sokorta marka dadka qabo sokorta waxa wanaagsan inay cawitan ka dhigtaan biyaha caleenta canbaha.

8- Cambaha wuxuu u wanaagsan yahay Tinta iyo Maqaarka, cambaha waxaa laga helaaa vitiminska loo yaqaan A iyo C kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaro koriinka Timaha iyo Maqaarka.

Wanaag Baahiye

Address

30 Street
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wanaag Baahiye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wanaag Baahiye:

Share

Category