05/09/2025
MADAXWEYNE Mohamed Abdullahi Farmaajo..... ๐๐ธ๐ด๐
....
Madaxweynaha Shacabka
5 sano ayaan mucaarad ku ahaa, 2 sano oow xukunka joogay ee danbe iyo 3 sano oow xukunka ka sii maqan yahay.
Waxaan ku jiray shaqsiyaadka sida weyn looga dhaadhiciyey in xukunkii Farmaajo ahaa mid liita, qabyaaladaysan oo naceyb iyo aarsi ku dhisan.
8 sano kadib,
Soomaalidu waxay tiraahdaa: โAawr heeryo ku gubtay geel wuxuu ugu sheekeeyo wuu yaqaanaa.โ
Waxaan qirayaa ugu horrayn inaan qaldanaa.
Tan labaad, inoow Farmaajo ahaa Madaxweynaha Shacabka, Madaxweyne naxariis badan oo aan tuug ahayn.
Madaxweyne qaranka aanan ka ganacsan balse u shaqeeya.
Madaxweyne qabka dalkeenna dal iyo dibadba ilaaliyey oo aan ajanabi sheeddiisa soo kulaalin.
Madaxweyne leh saaxiibbo ka kooban Soomaali oo dhan balse aan ahayn Madaxweyne qoys iyo jufo.
Madaxweyne aanan baahneyn oo aan hal daqiiqo hooyo Soomaaliyeed aanan ka oohin oo aanan barakicin inoow wax tara mooyee.
Madaxweyne aanan cuqdad iyo naceyb toona qabin oo Soomaali oo dhan u siman tahay.
Madaxweyne dhisay ciidan qaran oo sharaf leh oo aan hubkooda maalin walba si bilaash ah aanan furinta loogu qaadan.
Madaxweyne qoysยญkiisa iyo carruurtiisa aanan dowladdu dhex keenin oo hantida qaranka aanan u boobin.
Madaxweyne soo celiyey qabkii dalkeenna.
Nin tagay, tebiddiisa waa nin jooga ceebtiisa.
Madaxweyne soo noqo, adigoo sidii h**e si ka daran laguu jecel yahayโlaguuna tebay.
Mohamed Abdullahi Farmaajo