Bustaale channel1

Bustaale channel1 Pege Kala Soco Warar Iyo Sheekooyin Xiiso Gaara Xambaarsan Guud Ahaan Dhulka Somalida Uga Bogo Madashaan Oo Nagu Soo Biir

30/11/2025

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyooday 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho waxyar ka hor ka dhacday magaalada Stockton, gobolka California ee dalka Mareykanka.

29/11/2025

Diyaarad ka duushay Imaaraadka Carabta ayaa hub iyo agab kale oo milatari oo Mareykanka uu soo saaray geysay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaal magaalada Telaabiib , iyadoo diyaaradda An-124 ay markii dambe dib ugu laabatay Abu Dhabi ,kaddib saacado yar oo ay ku hakatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Georgia, sida laga soo xigtay telefishinka Israa’iil ee Kan news.

29/11/2025

Mid ka mid ah dagaalyahannada kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan , ayaa go’aansaday inuu guursado gabar uu horey kufsi ugu geystay, inta lagu jiray munaasabadda arooskiisa mid ka mid ah saaxiibbadiisa oo isagana ka tirsan RSF ayaa ninkaa arooska u tagay si uu ugu hambalyeeyo, wuxuu iskudayay inuu xabbado dabaal-deg ah kor u rido, balse xabbadii waxay ku dhacday ninka arooska oo meesha ku geeriyooday, xaaladan waxay dhalisay dagaal toos ah oo ka dhex qarxay ninka xabbada kama’da ah ku dilay arooska iyo qoyska ninka arooska ahaa ee geeriday, waxaana isku dhacaa ka dhashay dhimashada 57 qof.

29/11/2025

Labo markab oo Ruushka uu leeyahay oo shidaal qaada ayaa lagu qarxiyay meel aan ka fogeyn xeebaha Turkiga ee badda madow, mid ka mid ah maraakiibta ayaa ku dhow inuu quuso, iyadoo kabtanka markabka uu soo diray baaq deg deg ah uu ku sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn markabka lagu qarxiyay , waxaana la badbaadiyay shaqaalaha labada markab.

Mareykanka iyo reer Yurub ayaa cunaqabateyn horey u saaray labadan markab Kairos iyo Virat , iyo dhammaan maraakiibta shadow fleet ee shidaalka Ruushka qaada , wuxuuna weerarkan u muuqda inuu albaab u furi doono dagaalka qaboob ee Ruushka iyo reer galbeedka , balse ma jirto warbixin baaritaan oo Ruushka uu soo saaray weli.

28/11/2025

Kenya ayaa la saxiixatay heshiis ku kacaya 1.5 bilyan oo dollar labo shirkadood oo ay leedahay dawladda Shiinaha , si ay u billaabaan mashaariic lagu ballaarinayo waddooyin isku xiraya Mombasa iyo dalalka dariska ah oo ay ku jiraan Uganda, Koonfurta Suudaan iyo Tansaaniya, iyadoo la sheegay heshiiskan inay ku dhaqaaqday dawladda Kenya markii maamulka Trump ee Mareykanka ay joojiyeen mashaariic uu Mareykanka ku taageerrayay horumarinta waddooyinka Kenya.

28/11/2025

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth, ayaa sheegay inay Israa’iil ku guul darreysteen howlgalkaa oo ay gaari waayeen ciidanka Israa’iil, halkii ay doonayeen inay ka soo af duubaan saddex nin oo deegaanka ku sugnaa , waxayna ciidanka Israa’iil oo lagu haraareeyay magaaladaa ay ku badbaadeen duqeymaha diyaaradaha , iyagoo markii dambe isaga soo baxay , sida uu wargeysku sheegay.

28/11/2025

Uganda ayaa si rasmi ah toddobaadkan ugu dhawaaqday inay joojisay diiwaangelinta qaxootiga ka soo jeeda dalalka Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea, sabab la xiriirta inay taageerrada joojiyeen dalalkii qaxootiga kaalmada siin jiray, sida uu sheegay wasiirka qaxootiga Uganda, Hilary Onek.

Tallaabadan waxay ka dhigantahay inaysan jirin doonin qaxooti cusub oo ay Uganda qaadanayso gaar ahaan dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay , tana waxay soo gabagabeynaysa kaararka qaxootiga ee ay qaadan jireen Soomaalida doonaysa inay xareystaan nidaamka Group 5 ee Canada iyo fursadaha kale ee ay heli jireen dadka heysta kaararka qaxootiga.

27/11/2025

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ,Marco Rubio ayaa warqad sir oo uu helay wargeyska New York Times , wuxuu ku amray safiirrada Mareykanka u fadhiya dalalka ay xulafada dhow yihiin ee Yurub, Canada , Australia iyo New Zealand inay cadaadis ku saaraan dalalkaa inay yareeyaan soogalootiga ay qaabbilayaan. Warqadan ayaa sidoo kale lagu arkay inuu Rubio u sheegay safiirrada inay si dhow ula socdaan dambiyada ay geysteen dadka soogalootiga ah ee dalalkaa ku sugan, si kor loogu sheego dhacdooyinka ay ku lug leeyihiin, taa oo suragal ka dhigaysa inuu Mareykanka u adeegsado dambiyada ay geysanayaan qaxootiga in waddamada laga qaabbilay ay dib u celiyaan, isla markaana u sawiraan in soogalootiga ay hadda khatar u yihiin amniga qaranka ee dalalka reer galbeedka iyo xulafadooda.

Warbixintu ma bixin faahfaahinta sababta uu Mareykanka u doonayo in dunidda laga mamnuuco soogalootiga sharci darrada ku safraya ama isku dhiibaya.

27/11/2025

Ruushka ayaa isku diyaarinaya weerar uu ku qaado dalalka Yurub ee ka tirsan NATO, marka la gaaro sannadka 2029 , sida uu maanta daah qaaday wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganaya dukumenti sir ah.

Dukumentigan, ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay inuu Jarmalka isku diyaariyay suragalnimada weerarka uga imaan kara Ruushka , iyadoo 12 sarkaal oo Jarmal ah ay diyaariyeen qorshe dagaal oo 800,000 askari lagu geynayo dhulalka xadduudda la leh Ruushka , si loogu muujiyo Putin inay Yurub ka warheyso duullaankiisa, waxayna jeneraalada Jarmalka filanayaan diyaar garowgaa inuu dib u dhigi karo iskuday kasta oo Ruushka uu ku weerarri karo dalalka NATO.

27/11/2025

Dalka Nigeria ayaa la geliyay xaalad deg deg ah oo amni ,kaddib markii ay sare mareen dadka lagu qafaalanayo ku dhawaad dhammaan magaalo kasta oo ka tirsan Nigeria , sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha Nigeria ,Bola Tinubu.

26/11/2025

Turkiga ayaa taariikh ku sameeyay inuu soo saaray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo awood u leh inay hawada kula dagaallanto diyaaradaha dagaalka, iyadoo tijaabadii u horreyay ee diyaaradda Kızılelma ay hawada kula dagaallantay diyaaradda F-16 ee Mareykanka uu soo saaro, waxayna diyaaradda uu Turkiga soo saaray awood u yeelatay inay xirto oo ka hortagto wax weerar inay fuliso F-16 , halka ay gantaallo si toos ah ugu beegsatay diyaaradan, taa oo Turkiga ka dhigaysa dalkii u horreyay ee soo saara diyaarad aan duuliye lahayn oo awood u leh inay la dagaallanta diyaarad dagaal oo duuliye leh.

25/11/2025

Loollanka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa sare maray, kaddib markii maanta warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta guud ee Istanbul lagu sheegay inay hay’adaha ammaanka Turkiga gacanta ku dhigeen saddex qof oo u shaqeynayay sirdoonka Imaaraadka Carabta oo xog aruurin iyo dabagal ku waday shaqsiyaad Turki ah oo hay’adaha amniga ka tirsan iyo xarumo muhiim ah.

Turkiga iyo Imaaraadka Carabta , oo dano iska soo horjeeda leh ayaa joogitaan ku leh Soomaaliya , Liibiya illaa Suudaan, taa oo sare u qaadaysa dabagalkooda sirdoon oo dhinac kasta uu doonayo dhinaca kale inuu kaga gacan sareeyo.

Address

مقدشو
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bustaale channel1 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bustaale channel1:

Share