24/01/2026
Sheekh Mustafa Xaaji Ismacil Haaruun oo si adag ugu hadlay arinta Isr|L ee aqoonsiga Somaliland iyo dulmiga ay ku heyso Shacabka reer Falastiin.
“Ballan ay galleen oo ayna burina waligood ma jiro. Balalntii ay Nabiga la galleen ayay buriyeen."
"1,100 Masaajid ayay dumiyeen. 315 qof ducaa ah ayay dileen. 200,000 qod oo Muslimin ah ayay dil iyo dhawac u gaysteen. 2 Milyan ayay gaajaysiiyeen. Gaaladii ayaa ka qaylinaysa. "
"Hadaad u gargaari kari wayday. Dhulkii Musliminta ay ka qaaten ayay furahooda wataan, kii furaha Guriga sitay hadaad dhahdo ka ku jiraan rumaysanahay, maxaad ilaahay la hortagi. Ilaahay halloo tawbad keeno."
"Ilaa lixdankii Soomalidu way is dulminaysay. Ilaa maantana way is dulminayaan. Kuwa aan isku nimaadno leh kaalaya aan is dulmino ayay leeyihin, kuwa kala yaacayana way isasii dulminayaan. Kuwa midnimada ku qaylinaya ayaa ugu dulmi badan."
"Cidna kuma laha waxa kaa maqan ha raadsan. Dulmi ku haysta in aad ka baxdo, marna ma aha in ay keento in aad taagerto daalimka ugu wayn(ISRL) oo ilaa maanta dad Muslim ah laynaya. Dulmiga aakhiro iyo adduun ku liibani maysid."
Xaquuqda qoraalka Idiris Alteeso