18/06/2018
IIDDU WAA LABA IIDOOD. ( WARBIXIN ARIMO MUHIIM AH IFTIIMINAYSA )
==========================================================
Xilligan gaarka ahi waa xilli ku tilmaaman dib-u-dhac, burbur iyo lunsanaan. Waxaana yimaada maalmo inoo sida xoogaa farxad ah (sida iidka). Se kuweenna indheer-garadka ahi ma awoodi karayaan marnaba in ay farxaan. Sidee bay u farxi karayaan iyada oo ay Qudus innaga luntay, Aqsana uu af-duuban yahay, umadduna ay weli dhoohanaan ku sugan tahay, wadaaddaduna ay ka hadli ogyihiin kaliya fiqiga farjiga (cawrada), oo hadalkoodu ba uu intaasi dhaafi la' yahay, haddii uu in yar dhaafana, uu hadalkoodu inta badan noqonayo mid ku wareega "Qadaha iyo Qadarka", waaba sidii in jaantuska fikirkooda horay loogu sii diyaariyay (oo ay yihiin kuwo halkaasi kasoo dheehanaya waxay ku mashquuli lahaayeen).
Sidee ayuu indheer-garadku u farxin, iyadoo ay badi dhallinyaradu warkoodu dhaafi la'yahay baabuurta iyo dharka moodeelkooda ugu danbeeyay. Raggii baraarugga na (saxwada) ay badankood ka wareegeen fagaarihii dacwadda iyo fikirka, una wareegeen fagaaraha kale ee nolosha; oo waxaa raggaasi ka mid ah, mid suuqleyda ku la baratama suuqa si aysan is-dhaamidi ku jirin. Waxaa kale oo ragga saxwada ka mid ah, mid ragga guurka badan ku la tartama fagaaraha-dumarka, si in aysan iyaga iyo raggaasi waxba ka la roonayn oo kale. Xaalka oo sidaas ah ayay maalmaha iidku na yimaadaan.
Iid bay ka sheekaynayaan, iyadoo uu heshiiska-qarniga (صفقة القرن) ina soo foodsaaray; waa na heshiiskii ugu khatarta badnaa ee soo mara dunida islaamka illaa iyo goortii la assaasay dowladahan casriga ah, iyo burburkii dowladdii Cusmaaniyiinta kaddib. Waxa uu na heshiiska agaasimkiisu ka yimid Trump, fulintiisana ay ka ahaatay gallayrada maamulka Mareykan. Waxase heshiiskaas maalgelinaya kuwo ka mid ah dowladaha Carbeed (dowladaha lagu shaqaysto ee daba-dhilifka ah). Heshiiska-qarniga waa tallaabo aad u xun oo la ga faa'idaysanayo xilli ay dib-u-dhac ku suganyihiin Carabtu, loo na maleegayo si loo suuxiyo ummadda Islaamka.
Hase yeeshee carabtaas reer baadiyaha ah waxa aysan garanayn qofka falastiiniga ah, asaga ayaa mettela dhufayska ugu dambeeya ee laga difaaco Aqsa. Bal e, waxaan oran karnaa qofka falastiiniga ah waa dhagaxa ku hor gudban mashaariicda reer galbeedka iyo carabta ee u arka qaddiyadda reer Falastiin mid ganacsi ah.
Iid ayay ka hadlayaan, iyadoo shicibka qaaliga ah ee Masar uu ku suganyahay faqri aan horay taariikhda loogu arag, uu na shacabkaasi xukumayo wax-ma-garad aan wax akhriyi karin is ka ba daa inuu wax qori karee. Uu na waddanka Masar wuxuu taariikh iyo culays lahaa ba maantay ku noolyahay cabsi iyo gaajo, (Alle wuxuu dhadhansiiyay hu' gaajo iyo mid baqdin) =
( فأذاقهم الله لباس الجوع والخوف ).
Iid ayaa laga hadlayaa, iyadoo Siinaa'da Masar -waa halkii uu Alle SW waxyiga ugu soo dajiyay Nebi Muuse CS e- ay sii lumayso u na lumayso heshiiska-qarniga aawadiis. Niilka masarna uu u lumayo maqnaanta aragti iyo istaraatiijiyad awgeed.
Sidaas oo ay tahay waxaa jira mid iid ka sheekaynaya, se waa iiddee?
Iid ayay ka sheekaynayaan, iyadoo shicibka Suuriya uu la noolyahay hagardaamada Khaliijka, kuwaas oo ku heshiiyay fashilinta kacdoonkii Suuriya, waayo waxa ay khaliijku ka baqayeen caqliyadda kacdoon ee reer Shaam. Waxay na Sucuudiga iyo Imaaraatku ba ka shaqeeyeen fashilinta kacdoonkii reer Suuriya. Iiraan na waa ay soo gashay Suuriya xilli ay carabi taag-darantahay, iyadoo ka faa'idaysanaysa musaska bannaan. Waxayna Iiraan ka shaqaysay fashilinta kacdoonkii sunniga ahaa. Ruushkana waa uu yimid Suuriya iyadoo uu ka fushanaya danahiisa gaarka ah, si arxan-darro ah ayuuna u burburiyay.
Bashaar al-Asad ka (dadkiisa libaaxa ku ah, goobaha dagaalka se gorayada ku ah) waxa uu ka shaqeeyay burburinta shicibka Suuriya ee sunniga ah.Sidaas ayayna Suuriyadii qurxoonayd, Suuriyadii halyaynimada ku tilmaamnayd u noqotay mid aan joogto iyo mustaqbal dhow midna toonna lahayn.
Iid bay ka warramayaan, iyadoo shicibka Yemen uu ku noolyahay gumaysi saddex-geesood ah.. oo waxaa haysta gumaysi dhab ah oo Iiraani ah, gumaysigaas oo wajigiisa dhabta ahi ay yihiin Xuuthiyiintu. Waxa kaloo iyana jira gumaysi aan midkaas h**e ka dhibaato iyo xumaan yarayn waana gumaysiga Imaaraat ka, gumaysiga Imaaraat na wuxuu kulansaday dhammaan aaladihii dowladaha daba-dhilifka ah lagu yaqaannay, haddii ay ahaan lahayd awoodo iyo ciidammo shirkado laga soo kiraysto (Black Water, tusaale ahaan), iyo hadday ahaan lahayd gadashada kuwa calooshood-la-ciyaarka ah ee liita. Gumaystaha saddexaad se waa Sucuudiga oo aan marna ba doonayn in Yemen ay ka dhalato dowlad awood leh.
Yemen waa la burburiyay iyadoo loo soo marayo saddexdaas dowladood (Iiraan, Imaaraat, & Sacuudiga) ha ba isku khilaafeen danaha e, se waxa ay ka midaysanyihiin fashilinta kacdoonkii wanaagsanaa ee Yemen. Kacdoonkii ugu qurxoonaa, ugu na wanaagsanaa kacdoonnadii dunida carabta ka dhacay. Kacdoonkii nabdoonaa ee diiday in uu wax hub ah adeegsado, hase yeeshee ku guulaystay riditaankii keli-taliska.
Iid bay ka hadlayaan, isagoo uu shicibka Soomaaliyeed yahay keli aan walaal iyo saaxiib toonna ku lahayn caalamkan. Is ka ba daa taas e, ay dhammaan isku waafaqeen ka la qaybinta shicibka Soomaaliyeed, sababtu na ay tahay in dhulkoodu uu ka buuxo kaydad shidaal ah oo tira beel ah. Waxa la hayaa xog xaqiiqada u dhow oo sheegaysa in Soomaaliya iyo Suudaan ay beddel u noqon doonaan shidaalka carabta, sidaas daraaddeed waa in baahida iyo taag-darrida lagu sii hayaa, waxaana sidaas heshiis ku galaya reer galbeed iyo carab.
Soomaaliya waxa sannadkii kaliya gaajo, xanuunno iyo fatahaadyo ugu dhinta tobannaan kun. Dhibaato se la ma lahan, muhiimaddu waa in dalku uu sidaas ku sii jiro si wixii looga baahdo looga fushan karo. Taasina suurtagal noqon mayso, illaa in ay ahaadaan mooyee kuwo wax walba is ku khilaafsan. Waxa se yaab leh, kuwa wadaaddada ah ee waddanka noocaas ah, ee bilaa tiirarka ah doonaya in ay madax iyagu ka noqdaan.
Iid bay falanqaynayaan, iyadoo ay Imaaraat doonayso in ay wanaagga iyo horumarka dunida islaamka la dirirto.
Wararku waxay sheegeen:
"- In afgembigii fashilmay ee Turkiga ka dhacay 2016, ay Imaaraat ka dambaysay.
- In afgemigii fashilmay ee Qatar 2017, ay Imaaraat hadana ka dambaysay.
- In afgemigii caddaa ee fashilmay ee Malaysia 2018, ay sidoo kale Imaaraat ka dambaysay.
- In afgembigii ku fashilmay Tuunis maalmo ka hor, ay iyana Imaaraat ka dambaysay."
"Ilma Zaayid waa ay koreen" -sida uu horayba u yiri mufakirka reer Kuwayt Dr. Abdallah El-Nafisi.
Cadowga istraatiijiga ah ee ummadda waa uu fahmay in soo laabashada umaddan uu goor h**e bilaabmay, oo waxa jira horumar dhab ah oo ay ummaddu gaartay, laakin horumarkaasi wili wuxuu ku jiraa in uu si hoose u unkamo, waana in laga hor tagaa iyadoo la adeegsanayo dad carbeed oo muslim ah. Markaas ayuu cadowga umaddu helay in jagadaasi ay buuxin karayaan kaliya "Ilma Zaayid", iyagu waa dowlad lagu shaqaysan karo, waxayna leeyihiin caqliyo aanan u diyaarsanayn samaynta dowlado xubin noqon kara. Sidaas daraaddeed ayaan gacmaha Imaaraat ku arkaynaa iyagoo ku jira mashruuc walba oo burburineed. Sidaas oo ay tahay, iid baa laga hadlayaa.
Liibiya nin la yiraahdo Xaftar ayaa jooga waana jaajuus darajo sare sita (5 xiddigoodna ka sita jaajuusnimada). Yemenna jaajuus kale ayaa laga samaystay (waa Axmed Cali C. Saalax) keli-taliskii la dilay wiilkiisa, waana jaajuus u adeega jaajuusyo kale (Imaaraat), waxa uu na ku suganyahay Imaaraat, oo waxa uu sugayaa xilligii Yemen lagu soo celin lahaa.
Waxa ayna warar xaqiiqada u dhow ay sheegayaan in Yemen lagu soo celin doono isagoo ay galbinayaan taangiyada Imaaraat-Sucuudi (gaashaanbuurta). Suudaanna jaajuus ayaa loo samaystay (Daaha Cusmaan), hase yeeshee wuu ku fashilmay oo wuu isaga cararay waddanka, saasoo ay tahay weli isaga iyo kuwa la mid ka ah waxa ay ka shaqaynayaan daaqad ay ka soo galaan mar kale. Jabbuuti na jaajuus ayaa laga samaystay (Cabdiraxmaan Boorreh) Imaaraat ka ayuuna joogaa. Sidoo kale jaajuuska Falastiin laga diyaarsaday na (Maxamed Daxlaan) Imaaraat ka ayuu ku sugan yahay, qorshayaal khatar ahna waa uu damacsanyahay, dhowaan in uu Falastiin ka soo muuqdo ayuuna doonayaa. Soomaaliya na kun jaajuus ayaa lagu leeyahay, oo kun baasaboor ka la wata. Waxaana ugu sii daran kuwa basaasiinta u ah Imaaraatka, Itoobiya iyo Kenya.
Sidaas oo ay tahay, iid bay ka hadlayaan.
Iiddu waa laba iidood. Iid waa tan caruurta iyo qaan-gaarrada, oo waxay ku suganyihiin farxad, waayo garan mayaan juquraafiga siyaasadda iyo siyaasadda juquraafiga mid na. Alle ayaa se mahad iska leh oo jahligu waa nicmo, sabatoo ah maba ay oga waxa dunida ka socda.
Iida kalena waa midda dadka waaweyn, waxa ay u dhoolla-caddaynayaan ciyaalka, hase yeeshee laabtoodu way gubanaysaa, caqligooduna wuu hurayaa. Sidaasoo ay tahayna dadka ayay la takbiirsanayaan, ( ولتكبّروا الله على ما هداكم ).
Si hoose na waxay uga shaqaynayaan soo saaridda jiil diida dullinimo iyo habacsanaan
Iid ayaan ku leennahay Falastiin, Masar, Suudaan, Yemen, Afghaanistaan, Soomaaliya, iyo Jabbuuti. Waa se iidda ragga.
Waxaa jira culimo waaweyn oo xabsiya ugu jira si dulmi ah sida Shiikh Salmaan al-Owdah -Alle xabsiga ha ka sii daayee.
Iyo rag ka mid ah ehelka baraarugga iyo islaaxa sida al-Baltaji iqk, oo dadka wanaagsan ka mid ah. Xabsiyada dhexdooda ayay ku iidayaan, iiddooda ayaase wanaagsan, waayo waa dad waaweyn. Waxaa se jirta iid kale oo aan tooda ahayn.
Nin walba se iiddiis, iiduhu waa labadaas e. Alle ayaana mahad iska leh.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Shiikh Cabdiraxmaan S. Bashiir.
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.