29/01/2026
📉 Waa Maxay Risk Management? Maxaase Uu Muhiim U Yahay Trading-ka?
Dad badan ayaa suuqa Forex, Crypto ama Stocks soo gala iyagoo doonaya faa’iido degdeg ah, laakiin waxa ay illoobaan hal shay oo aad muhiim u ah — Risk Management.
🎯 Waa maxay Risk Management?
Risk Management waa habka aad ku ilaalinayso lacagtaada marka aad trading sameynayso.
Ma aha sida lacag badan loo sameeyo, ee waa sida lacagtaada loo badbaadiyo marka suuqa kaa soo horjeesto.
Trader wanaagsan ma aha kan mar walba faa’iido sameeya — waa kan og sida khasaaraha loo xakameeyo.
⚠️ Maxaa Dhaca Haddii Aadan Isticmaalin Risk Management?
❌ Hal trade ayaad ku waayi kartaa lacagtaada oo dhan
❌ Emotions (cabsi & damac) ayaa go’aanka kaa qabsanaya
❌ Account-kaaga si degdeg ah ayuu u guban karaa
Dad badan trading-ka way ka baxaan sababtoo ah ma aysan ilaalin capital-kooda.
✅ 3 Qodob oo Muhiim ah oo Risk Management ah
1️⃣ Ha gelin hal trade lacag badan
Xeer caan ah oo traders isticmaalaan waa:
Hal trade ha ka badnaan 1%–2% account-kaaga
Tusaale:
Haddii aad leedahay $100
Khatarta hal trade = $1 ama $2 kaliya
Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad qalad sameyn karto adigoon account-ka lumin.
2️⃣ Isticmaal Stop Loss (SL)
Stop Loss waa amar aad dhigato si trade-ku si toos ah u xirmo marka khasaaraha gaaro xad aad adigu go’aamisay.
✔ Wuxuu kaa ilaaliyaa khasaaro weyn
✔ Wuxuu kaa saaraa suuqa marka fikraddaadu qaldanto
✔ Wuxuu ka hortagaa trading ku saleysan rajada
3️⃣ Ha ku trade gareyn Emotions
Markaad khasaaro gasho ha isku dayin inaad isla markiiba soo ceshato (revenge trading).
Markaad faa’iido hesho ha ku degdegin inaad risk badan gasho.
Trading-ku waa ciyaar dulqaad iyo nidaam leh, ma aha khamaar.
🧠 Xaqiiqo Muhiim ah
Faa’iidooyinka waa imanayaan marka h**e aad barato sida khasaaraha loo yareeyo.
Haddii aad ilaaliso lacagtaada, fursado badan ayaad mar kale heli doontaa.
🎯 Gunaanad
Risk Management waa waxa kala saara:
📌 Trader muddo dheer jooga suuqa
iyo
❌ Trader si degdeg ah ku waaya lacagtiisa
Baro inaad ilaaliso capital-kaaga ka hor intaadan ka fikirin faa’iido weyn.
📊 La soco Abuukar Financial Markets si aad u barato trading si fudud oo Af-Soomaali ah.