CMTV

CMTV Wehelka Bulshada

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta la horkeenay eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali,  Ilyaas Maxamed X...
25/03/2024

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta la horkeenay eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan, iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in ay ka wada qeyb qaateen dilka AUN Marxuum Sheekh Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ( Cabdullaahi Dalab) kaas oo lagu dilay bartamaha suuqa magaalada Kismaayo bishii June sanadkii 2016-ka.

Eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan, Cabdimaalig iyo Salmaan oo baxsad ah waxa ay kasoo kala jeedaan gobollada Banaadir, Baay iyo Jubada hoose wixii ka dambeeyay sanadkii 2012-ka ayey ku biireen Khawaariijta waxay tababaro kala duwan ku qaateen gobolka Jubada dhexe gaar ahaana degmada Jilib, kadibna waxaa loo soo diray magaalada Kismaayo si ay uga fuliyaan dilal qorshaysan oo ay kala shaqeeyeen dhagar-qabayaal kale oo magaalada ku dhuumaalaysanayay.

Eedeysanaha saddexaad Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan kana tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland, xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Jubbaland waxa uu kusoo eedeeyay in uu gacan siiyay, gabbaadna u noqday islamarkaana uu magaalada ku hayay dhagarqabayaashii dilay AUN Marxuum Sheekh Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ( Cabdullaahi Dalab) oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqaannay deegaannada Jubbaland ahaana Macalin soo saaray aqoonyahanno badan oo dalka wax taray.

21/03/2024

Bulshada ku Dhaqaan magaalada kismayo iyo guuleystayashii Barnaamijka Afuur Wanaagsan.

21/03/2024

Bulshada ku Dhaqaan magaalada kismayo iyo guuleystayashii Barnaamijka Afuur Wanaagsan

20/03/2024

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fariisatay garmaqalka qeybtii labaad iyo gabagabaynta kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada AS islamarkaana gacanta lagu soo dhigay isaga oo dagaalmaya sanadkii 2021-ka.

Eedeysanahan ayaa siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay kooxda Khawaarijta waxa uuna u ahaa xubin muhiim ah sida ay u aaminsanaayeen iyagoo kolba xilal kala duwan u dhiibayay.

Xeer ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa soo gabagabeeyay kiiska islamarkaana ka codsaday Maxkamadda Ciidamada Jubbaland in eedeysanaha lagu xukumo ciqaab u dhiganta dambiyadii uu gaystay.

Gabogabdii Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay eedda loo haysto Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi kaas oo ugu dambayn lagu xukumay dil toogasho ah waxaana xukunka ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fariisatay garmaqalka qeybtii labaad iyo gabagabaynta kiis uu eedeysane ka ...
20/03/2024

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fariisatay garmaqalka qeybtii labaad iyo gabagabaynta kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada AS islamarkaana gacanta lagu soo dhigay isaga oo dagaalmaya sanadkii 2021-ka.

Eedeysanahan ayaa siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay kooxda Khawaarijta waxa uuna u ahaa xubin muhiim ah sida ay u aaminsanaayeen iyagoo kolba xilal kala duwan u dhiibayay.

Xeer ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa soo gabagabeeyay kiiska islamarkaana ka codsaday Maxkamadda Ciidamada Jubbaland in eedeysanaha lagu xukumo ciqaab u dhiganta dambiyadii uu gaystay.

Gabogabdii Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay eedda loo haysto Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi kaas oo ugu dambayn lagu xukumay dil toogasho ah waxaana xukunka ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Dil toogasho ah ayaa lagu xukumay, Sayid Cali oo lagu helay inuu xaaskiisa dilay.
06/03/2024

Dil toogasho ah ayaa lagu xukumay, Sayid Cali oo lagu helay inuu xaaskiisa dilay.

Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Magaaladda Jigjiga, Horyaalka Sanadkan ee Tartanka Maamul-magaalooyinka iyo Jaamacadaha ...
03/03/2024

Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Magaaladda Jigjiga, Horyaalka Sanadkan ee Tartanka Maamul-magaalooyinka iyo Jaamacadaha Deegaanka Soomaalida.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JDFI, Dr. Birhaanu Nega ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga, waxaana Garoonka Diyaaradah...
29/02/2024

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JDFI, Dr. Birhaanu Nega ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga, waxaana Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ku soo dhaweeyey masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS, mudane Cabdulaahi Cabdi Aadan, Madaxweynaha Jaamacadda Jigjiga, Dr. Bashiir Cabdulaahi iyo masuuliyiin kale.****

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa madaxtooyadda ku qaabilay Madaxa Hay'adda USAID ee Itoobiya, mudane...
29/02/2024

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa madaxtooyadda ku qaabilay Madaxa Hay'adda USAID ee Itoobiya, mudane Scott Hocklander. Kulankan waxaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka Deegaanka iyo Hay'adda USAID iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda horumarinta ee dhinaca biyaha, wax-soo-saarka beeraha iyo dhinaca gargaarka bini-aadannimada.***

26/02/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gaba-gabeysay dacwadda Sayid Cali Macalim Daa'uud.

21/02/2024

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo xeray fadhiga maanta waxaa uu dhinacyada faray in ay soo dhameystiraan cadeymaha.

21/02/2024

Caruurta Marxuumad Luul Jaziira oo Maxkamadda gobolka Banaadir u sheegtay qaabka loo gubay hooyadeed.

Address

Mogadishu

Telephone

+252610445799

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CMTV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to CMTV:

Share