UrurkaCadaaladda iyo Badbaadada

UrurkaCadaaladda iyo Badbaadada page Kala Soco Warar Iyo Sheekooyin Xiiso Gaara Xambaarsan Guud Ahaan Dhulka Somalida Uga Bogo Madashaan Oo Nagu Soo Biir

29/10/2025

Xamaas ayaa dib u dhigtay wareejinta meydadka maxaabiista askarta Israa|l, kuwaasoo laga soo saaray gododka markii h**e lagu hayay , tallaabadan oo looga jawaabayo weerarrada ay Israa|l dib usoo celisay ee ka dhacaya marinka Qasa, halkaa oo boqol ruux ay ku geeriyooday 12 saac ee u dambeysay.

29/10/2025

Trump ayaa si cad u raadinaya wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka Mareykanka , si uu sharciyad ugu helo inuu markii saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha Mareykanka, taa oo jirta xaaladan waxay qasabtay inuu guddoomiyaha golaha wakiillada Mareykanka, Mike Johnson u tago Trump oo u sheego inay adagtahay wax ka beddelka dastuurka Mareykanka oo ay noqonayso geeddi socod dheer, taa beddelkeeda wuxuu sheegay inaysan muuqan waddo sharci ah oo Trump ku heli karo markii saddexaad inuu xilka madaxweynaha u tartamo.

28/10/2025

Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in dagaalkii Qasa ay dib ugu laabanayaan, wuxuuna isla markiiba amar ku bixiyay in diyaaradaha Israa|l ay ku laabtaan hawada Qasa oo ay duqeymo culus fuliyaan, isagoo go’aankan ku sheegay inuu qaatay kadib la tashi uu la sameeyay saraakiishiisa amniga.

Al Jazeera ayaa dhankeeda werisey inay duqeymo ka socdaan Qasa oo goobaha la duqeeyay ay ku jiraan agagaarka isbitaalka ugu weyn Qasa ee Al-Shifa, oo hoy u ah kumannaan qoys oo guryahooda dagaalka lagu burburiyay.

28/10/2025

Hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Cabdifatax Burhaan ayaa ku dhawaaqay inay dib u habeyn ku sameynayaan istaraatijiyadooda dagaalka si ay dib ugu qabsadaan magaalada istaraatijiga ah ee AlFaashir, oo ay la wareegeen RSF, halkaa oo uu ka socdo xasuuq lagula kacayo beelaha iyo shaqsiyaadka taageerray milatariga muddada ay gacanta ku hayeen.

28/10/2025

Raadiyaha ciidanka Israa|l oo ay soo xigatay Al Jazeera , ayaa shaaca ka qaaday 279 askari oo ka tirsan ciidanka Israa|l 12-kii bilood ee u dambeeyay inay iskudayeen nafta inay is dhaafiyaan, kuwaasoo adeegsanayay hubkooda, isku soo bandhigayay in lagu toogto Qasa iyo qaar kale oo sun cabay, kaddib jahwareer maskaxeed oo ay ka qaadeen dagaalka socday labada sanno.

28/10/2025

Warbaahinta Israa|l ayaa baahisay muuqaal cusub oo muujinaya hoggaamiyihii Xamaas, Yaxye Sinwar ka hor inta uusan ku dhiman dagaal uu la galay ciidanka Israa!l, wuxuu muujinaya muuqaalka Yaxye oo ay la socday labo xubnood oo kale oo isaga gudbaya dhismayaasha Rafax ee koonfurta Qasa, halkaa oo ah goobta ay saldhigyada ku lahaayeen ciidanka Israa|l.

Mid ka mid ah waxyaabaha marka
muuqaalka la baahiyay fadeexada ku noqday Israa|l ayaa ah in la arkayo Sinwar oo gacanta ku wata bacaha biyaha ay ku qaataan ciidanka Israa|l, taa oo mar kale xaqiijinaysa inuu Sinwar ahaa dagaalyahan qeyb ka ahaa dagaallada ay iska caabinta ku qaadayso askarta gumeysiga iyo inuu gaaray goobaha kaydka ee ciidanka Israa|l. Marka la tixraaco muuqaal oo uu duubayo xubin la socota Yaxye , waxaa la arkaa halka muuqaalada laga helay inay tahay meydkiisa.

28/10/2025

Ruushka ayaa dalka Uganda ku wareejiyay qalab ciidan oo qiimihiisu dhan yahay $53 milyan oo doolar.

Qalabkan ayaa la sheegay inuu ka koobanyahay gaadiid dagaal, hub culus, iyo nidaamyo isgaarsiineed oo casri ah, kuwaas oo lagu xoojinayo awoodda difaaca ee ciidamada Uganda.

28/10/2025

Trump wuxuu cadaadis saaraya dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar si ay u maalgelinayaan qorshaha dib u dhiska Qasa oo lagu qiyaasay $70 bilyan oo doolar, balse dhammaantood way ka labalabaynayaan.
Dal kasta wuxuu doonayaa dammaanad ah in dagaalku uusan dib u soo noqon iyo in uu yeesho saameyn siyaasadeed mustaqbalka maamulka Qasa, sida ay sheegtay Bloomberg.

27/10/2025

Ingiriiska ayaa madaxyo hubka nukliyeerka ah geynaya Jarmalka , si Jarmalka u helo dammaanad amni iyo difaac nukliyeerka ah, sida uu sheegay wargeyska The Telegraph.

Jarmalka ayaa sidan oo kale wuxuu h**ey wadahadallo ula galay Faransiiska si uu uga helo dammaanad amni oo nukliyeer ah.

Jarmalka , wuxuu tan u sameynaya sabab la xiriirta walaaca mustaqbalka difaaca Yurub, gaar ahaan xilli ay jirto surtagalnimo uu Maraykanku ku yareyn karo doorkiisa NATO. Haddii arrintan la hirgeliyo, waxay noqon doontaa markii u horreysay ee Ingiriisku la wadaago awooddiisa nukliyeer dal kale oo Yurub ah.

27/10/2025

Putin ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay heshiis iskaashi istaraatiji ah oo Ruushka uu la galay dalka Venezuela oo wajahaya hanjabaad dagaal oo Mareykanka uga imaanaysa, iyadoo heshiiskan uu Venezuela fursad u siinayo inay hesho taageerro milatari oo hub iyo sirdoon isugu jirta haddii Mareykanka uu duullaan ku qaado, sida uu weriyey telefishinka Ruushka ee RT.

27/10/2025

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula ayaa jeediyay hadallo dib usoo celinaya xiisadda gobolka , isagoo ballan qaaday in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal aan bad lahayn,wuxuu yiri;

“Ma aha in laba milyan oo qof ay bad la’aan dhigaan laba boqol oo milyan oo qof.Waxaan hurudnay soddon sanno, balse hadda waan toosnay, mar dambena dib uma seexan doonno.Waxaan ku xaqiijin doonaa nabadgelyadeenna, horumarkeena, iyo helitaanka badda, annagoo adeegsanayna dhammaan waddooyinka lagama maarmaanka

Marka uu sheegayo labo milyan oo qof inaysan boqol milyan bad la’aan dhigi karin, wuxuu hadalkaa u muuqdaa mid ku socda Eritrea oo dadkeedu yahay saddex milyan iyo shan boqol oo kun , xilli dhinaca Eritrea ay ku celceliyeen inay u diyaarsanyihiin iskuday kasta oo ay Itoobiya dagaal ugu soo qaadi karto.

27/10/2025

Muuqaallada ay baahiyeen ciidanka RSF ayaa laga arkaya iyagoo tooganaya dad rayid ah oo isaga cararaya deegaannada ay qabsadeen ee waqooyiga gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615545481

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when UrurkaCadaaladda iyo Badbaadada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to UrurkaCadaaladda iyo Badbaadada:

Share