02/02/2024
Fadliga Jumcaha iyo sunooyinkiisa.
Salaada Jumcadu waa waajibaadka uu adkeeyey islaamku kulankeeduna waa kulamada ugu waa wayn ee dadka Muslimiinta ahi ku kulmaan,waxaana loo waajibiyey sida kulanka weyn ee maalinta Carafo,qofkii uga taga fudeydsi xuduurkeeda salaada maalinta jumcaha illaahey qalbigiisuu daboolaa.
قال الله تعالى : (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نُودِي لِلصَّلاةِ مِنْ يَوْمِ الْجُمُعَةِ فَاسْعَوْا إِلَى ذِكْرِ اللَّهِ وَذَرُوا الْبَيْعَ ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَكُمْ إِنْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ) الجمعة/9 .
Xadiith uu ka wariyey Nebiga Scw abii aljacdi ayaa ahaa”qofkii sadex jumco uga taga fudeydsi ilaahey qalbigiisuu daboolaa (oo qof qalbigiisa ladabooley kheyr gelimaayo).
عن أبي الجعد الضمري –وكانت له صحبة- عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : (من ترك ثلاث جمع تهاونا بها طبع الله على قلبه). رواه أبو داود (1052) وصححه الألباني في صحيح أبي داود(928)
Jumcadda waxey leedahey sunan qofka Muslimka ah laga rabo.
1.inuu soo qubeysto,dharkiisa kuwa ugu fiican ee uu heli karo soo xidho,haduu heli karo wuxuu iskusoo carfiyo inuu isasoo carfiyo,inuu Masaajidka goor h**e yimaado,inuusan laba qof oo asxaaba dhexdooda isku cidhiidhyin ,inuusan dadka qoorohooda ka taltalaabsan isagoo isleh safka h**e gal,inuu fariisto meesha ka banaan Masaajidka.
2.inuu kudaadaalo isubihinbihinta iyo baryadda illaahey Maalinkaa jumcaha oo dhan Maxaa yeeley waxaa ku jirta saacad illaahey adoonkiisa Muslimka haduu waafajiyo saacadaa oo isagu utaagan cibaado Dikri iyo salaad usoo gasho ilaahey wuu ka aqbalaa ducadda haduu wax weydiistana wuu siiyaa.
Allaha ina waafajiyo Muslimiintoo dhan.
أبي هريرة رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ذَكَرَ يَوْمَ الْجُمُعَةِ فَقَالَ: (فِيهِ سَاعَةٌ لا يُوَافِقُهَا عَبْدٌ مُسْلِمٌ وَهُوَ قَائِمٌ يُصَلِّي يَسْأَلُ اللَّهَ تَعَالَى شَيْئًا إِلا أَعْطَاهُ إِيَّاهُ وَأَشَارَ بِيَدِهِ يُقَلِّلُهَا) . رواه البخاري (893) ومسلم (852) .
3. Inuu akhriyo suuratul kahaf oo kusheegey Nebigu scw qofkii akhriya in illaahey u ifinayo Nuur inta udhexeysa jumcaha uu tukadey iyo jumcaha kale ee kuxiga.
4.inuu badiyo Maalinka Jumcaha ku Salinta Nebiga scw.
فقال تعالى : إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا الأحزاب/56 .
bal Cullimadda qaarkood waxey sheegeen in akhrinta Quraanka Maalinka jumcaha ay kafadli badan tahey kusalinta Nebiga scw sida ugu gaabana oo saxiixa ah Waa inaad tiraahdaa.
Allaahuma Salli calaa Muxamammad wacalaa Aali Muxammad.
(اللهم صلِّ على محمد وآل محمد)