
29/07/2025
From Xildhibaan to MAGAFE:
Xildhibaan Yusuf Gelele (Dhageey) oo Shan nin oo Duduble ah ka afduubtay Degmada Hodon kuna gor-gortamaya Madax-Furashadooda.
Yaa xirey ragaas muxuuse salka ku hayaa xarigooda?
Waxaa xirey Xildhiban Dhageey isaga oo adeegsanaya taliska Boliska gobolka Banaadir Kadib markii ay raggaasu idaacadaha ka hadleen una sheegeen umada soomaaliyeed In dhul ay leeyihiin laga boobayo kaas oo ku yaala degmada Hodan.
Yusuf Gelle oo muuqaalkaas ka caroodey ayaa taliska booliska gobalka banaadir ka dalbaday in lasoo xiro ragaas amarkaasna waa uu fulay iyada oo aan loo marin sifo sharci ah.
Ragga la afduubtay waa ayo?
Ragaas uu dhagey afduubtay ee uu rabo sidi magafihi in uu lacagta ka qaato dhamaantood waa Duduble gaar ahaan Maxamed Camal!
Magacyadooduna waa:
1. Cabdulqaadir Warsame Dhudi
2. Cabdi Daahir Wehliye
3. Cabdi Xasan Caraale
4. Maxamed Cabdulqaadir Salaad
5. Cabdifitaax Cali Diiriye
Kadib Maxaa dhacay ?
Waxaa dhacday In DHAGEEY oo ah ninkii ka danbeeyey afduubkaas uu la soo xariiro ehelka dadka xiran una sheego in laga rabo lacag madax furasho ah oo dhan $20,000.
Waxaan rabnaa in aan bulshada la wadaagno in duqii hadii aad ku ogaydeen Dalaal dhul uu hada ku darsaday Magafenimo oo uu inta dadkiisii xirxiro kadibna madax furasho ka rabo!!
Hadaba
Bulshada Maxamuud Hiraab waxaan u sheegaynaa in 2025 uu dhageey inta dadkiisii xirto xoolo ka rabo taasina ay tahay wax aan dhacayn!
Baaq
Waxaan ugu baaqaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo ragaas dulmiga ku xiran loona heeysto magafenimada, waxaan kale oo aan ugu baaqaynaa duduble in uu tashi deg-deg ah oo ku aadan MAGAFAHA cusub isugu yimaado.
Wabillaahi Toowfiiq