Magan SO Tv

Magan SO Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Magan SO Tv, Media/News Company, Degmada Howlwadaag Ka soo hor-jeedka Somtel gaar ahaan daarta Mustaqbal, Mogadishu.

Warbaahinta Magan Somali Online TV Waa idaacad Ka tarjumta Aragtida Ummadda Soomaaliyeed Kooda Samaha jecel Ku soo biir bareheena Internet ka oo noqo qofka nala socda marwalba iyo meelkasta. Radio Magan waa idaacad ku shaqeysa habka Online-ka ah, waxaadna kala socon kartaa bandhigyadeeda gaarka ah, oo wata warar joogto ah dhacdooyin , sheekooyin iyo Barnaamijyo ay idiin soo gudbinayaan Suxufiyiinteena Radio Magan.

21/11/2025

Godey" dds wali waxa ka taagan baadi
Goobka wiil dhalin yaro ah oo ku dhacey wabiga shabeele malinimadi khamiisti

15/11/2025

Gudoomiye Muungaab oo sheegay in ay bilaabaneyso bixinta kaararka doorashooyinka lagu muransanyahay ee dalka.

Urur siyaasadeed ka Qaran soor war saxaafadeed ka soo saaray
06/11/2025

Urur siyaasadeed ka Qaran soor war saxaafadeed ka soo saaray

Maamul goboleedka Puntland oo beeniyey hadalkii dhawaan ka soo baxay wasiirka Gaashaan dhigga ee ku aadanaa in ciidama l...
06/11/2025

Maamul goboleedka Puntland oo beeniyey hadalkii dhawaan ka soo baxay wasiirka Gaashaan dhigga ee ku aadanaa in ciidama laga qaaday Bosaso Oo loo daabulay Sudan dhanka Puntland ayaa si kulul kaga hadashay arinta ku aadan ciidamada la sheegay in laga qoray deegaanada maamulkaas

03/11/2025

Reysul wasaare Xamze oo booqday qayb ka mida xafiisyada diiwaan galinta dadweynaha ee kaarka aqoonsiga Niira.

“Haddii dowladnimadeenna lagu dhisi lahaa maxaan ugu tegi karnaa jiilka dambe, siyaasiguna sidaas u fikiraayo, Soomaaliy...
31/10/2025

“Haddii dowladnimadeenna lagu dhisi lahaa maxaan ugu tegi karnaa jiilka dambe, siyaasiguna sidaas u fikiraayo, Soomaaliya maanta dunida ayay kaalin sarre kaga jiri lahayd burwaaqada iyo nabadda ay heli lahayd,” - ayuu yiri Hoggaamiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Cabdijabaar Sheekh Axmed Jibriil

Hadalkan waxa uu xambaarsan yahay xikmad iyo wacyigelin qaran oo ku saabsan sida mas’uuliyadda dowladnimo ay ugu xiran tahay danta mustaqbalka ee jiilka soo socda.

"Soomaaliya, oo ah dal hodan ah oo leh kheyraad dabiici ah, dad firfircoon, iyo goob istaraatiiji ah, haddana wali k**a faa’iidaysan awooddaas, sababtoo ah dowladnimadii waxaa lagu dhisay dano gaaban, kooxaysi, iyo qabyaalad, halkii laga dhisi lahaa qorshe fog oo ku dhisan hufnaan, caddaalad iyo horumar waara." - Cabdijabaar Sheekh Axmed Jibriil

Cabdijabaar Sheekh Axmed waxa uu tilmaamay in siyaasiga dhabta ahi uu yahay qof ka fekera jiilka dambe, ee aan ka fikirin danihiisa gaarka ah ee maanta. Siyaasiga noocaas ahi wuxuu doorbidayaa in uu dhiso hay’ado adag, nidaam sharci oo lagu kalsoonaan karo, iyo dowlad adeeg u haysa shacabka. Haddii hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay sidaas u fekeri lahaayeen, maanta Soomaaliya waxay lahaan lahayd nidaam dowladnimo oo xasiloon, adeeg caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh, iyo dhaqaale xooggan oo dadka ka saara saboolnimada.

Ururka Qaransoor wuxuu aaminsan yahay in dowladnimada saxda ah lagu dhisayo daacadnimo, wadaniyad, iyo aragti fog. Waxaa la doonayaa in la abuuro dowlad u adeegta shacabka, ee aan ku tiirsaneyn qabaa’il ama dano gaar ah. Dowladdu waa in ay noqotaa tan dadka mideysa, ilaalisa xuquuqdooda, una xaqiijisa nolol wanaagsan. Tani waxay u baahan tahay siyaasiyiin mas’uul ah oo garwaaqsan in xilka loo dhiibay uu yahay amanada ummadda, ayna tahay in ay uga tagaan dhaxal wanaagsan jiilka mustaqbalka.

Haddii maanta la qaato mabda’aas, Soomaaliya waxay noqon lahayd tusaale guul ah oo Afrika iyo dunida inteeda kale ay ku daydaan. Dalkeennu wuxuu noqon lahaa meel ay ka jirto nabad waarta, caddaalad, iyo koboc dhaqaale. Jiilka dambe wuxuu ku faani lahaa dhaxal dowladnimo oo sugan, halkii uu ka heli lahaa burbur iyo kala qaybsanaan. Sidaas darteed, fariinta Hoggaamiyaha Qaransoor waa mid u baahan in ay dhegaha shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed wada maqlaan, si jiilka maanta iyo kan berri ay ugu noolaadaan dal sharaf leh, midaysan, oo horumar iyo nabad ku naaloonaya.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GOLAHA WASIIRRADAMuqdisho, Oktoober 16, 202...
16/10/2025

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GOLAHA WASIIRRADA

Muqdisho, Oktoober 16, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

War saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Qaransoor ayaa lagu duray nidaamka doorasho ee Soomaaliya, sidoo kale xisbiga ayaa ...
16/10/2025

War saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Qaransoor ayaa lagu duray nidaamka doorasho ee Soomaaliya, sidoo kale xisbiga ayaa eedo huwiyey habka lagu dhisay guddiga doorashooyinka oo ay ku sheegeen in uu wali dhiiri galinaayo habka qabaa'ilka ee 4.5.

Reysul wasaarihii h**e ee dalka Kenya Raila odinga oo ku geeryooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya xilli uu maalmahan ...
15/10/2025

Reysul wasaarihii h**e ee dalka Kenya Raila odinga oo ku geeryooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya xilli uu maalmahan ku xanuunsanaa gudaha cusbataal ku yaalla halkaasi.

Gudoomiyaha guddiga lagu muran san yahay ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashadii ay h**e...
14/10/2025

Gudoomiyaha guddiga lagu muran san yahay ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashadii ay h**e u sheegeen in ay dhacayso 30ka bishan October waxaana lagu kordhiyey hal bil iyadoo lagu asteeyey in ay dhacdo 30ka bisha November.

Madasha samatabixinta Soomaaliyeed oo Warsaxaafadeed kasoo saaray xariga Shacab iyo Suxufiyiin.
13/10/2025

Madasha samatabixinta Soomaaliyeed oo Warsaxaafadeed kasoo saaray xariga Shacab iyo Suxufiyiin.

Dableey hubeysan ayaa goor dhaw magaalada gaalkacyo ku dilay Allaha u naxariistee  ganacsade Cabdicasiis Cali Barre.
13/10/2025

Dableey hubeysan ayaa goor dhaw magaalada gaalkacyo ku dilay Allaha u naxariistee ganacsade Cabdicasiis Cali Barre.

Address

Degmada Howlwadaag Ka Soo Hor-jeedka Somtel Gaar Ahaan Daarta Mustaqbal
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Friday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00

Telephone

+252622689108

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Magan SO Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Magan SO Tv:

Share

Warbaahinta MAGAN

Warbaahinta Magan waa idaacad ka tarjumta aragtida ummadda Soomaaliyeed kooda Samaha jecel, kusoo biir bogga idaacada oo la soco goor walbo iyo meelwalbo.

http://www.tukesomalism.com/archives/author/ismaaciil2019