25/07/2025
انا لله وإنا إليه راجعون
بلغنا ببالغ الحزن نبأ وفاة الشيخ عبدالله عنشور الداعي الي الله الذي أفنى عمره في ميادين الدعوة ونشر العلم لقد كان الشيخ مثالا في الزهد والصدع بالحق
اللهم اجعل قبره روضة من رياض الجنة، وارفع منزلته مع النبيين والصديقين، واخلف للأمة فيه خيرًا.
وداعًا أيها الشيخ المبارك، لن ننساك من الدعاء
Qiiro iyo murugo weyn ayaan ku maqalnay warka geerida Shiikh Cabdullaahi Canshuur Allaah ha u naxariisto oo ahaa daaci noloshiisa u huray dacwada Iyo faafinta cilmiga, iyo iftiiminta runta,
Shiikhu wuxuu tusaale u ahaa zuhdi, daacadnimo, iyo run sheegid aan leexleexad lahayn, Wuxuu ka mid ahaa ducaada ummadda jidka Alle ku hogaamin jiray, isagoo ku hagaya cilmiga, bariddiisa iyo faafintiisa
Ilaahayow, qabrigiisa uga bixi beer ka mid ah beero Jannada ka mid ah. Derejadiisana kor u qaad, kuna darajee nabiyada, saadiqiinta, shuhadada iyo ehelkii kheyrka iyo cibaadada
Ilaahayow, nagu beddel kuwa u istaaga cilmiga, toosinta bulshada iyo ilaalinta diintaada, sida Shiikh Cabdullaahi oo kale.
Nabadgelyo iyo iftiin joogto ah ha ku sugnaado sheekhkii barakaysnaa, ducada lagama illaawi doon Inshaa’Allaah.