Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniyada P.M.P

Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniyada P.M.P ✨ Dhallinyaradu Waa Ubaxa Dalka, Waa Mustaqbalka Qaranka! ✨
Dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ah 80% bulshada,
Waa waqtigii aan mid noqon lahayn!

Waa waqtigii aan dhisan lahayn Soomaaliya cusub, oo ay hogaaminayaan dhallinyaro han leh!

DIGNIIN KU SOCOTA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYAMudane Madaxweyne,Sida aan wada ognahay, waxaa ka socda dagaallo ka dhan...
06/03/2025

DIGNIIN KU SOCOTA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Mudane Madaxweyne,

Sida aan wada ognahay, waxaa ka socda dagaallo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah qeybo ka mid ah gobollada Soomaaliya, sida Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Bari iyo meelo kale. Inkasta oo dadaallo badan la sameeyey, haddana waxaa muuqata in dowladda aysan si dhab ah u dhageysan cabashooyinka iyo dhaliilaha ay shacabka iyo waxgaradka Soomaaliyeed u soo jeediyeen.

Dhibaatooyinka ka dhashay hubeynta shacabka

Mid ka mid ah khaladaadka waaweyn ee dowladda lagu eedeeyay waa hubeynta qabaa’ilka oo lagu magacaabay “Macawiisley.” Inkasta oo ay jiraan dadaallo lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada, haddana waxaa laga dhaxlay qatarta ah in beelo Soomaaliyeed oo ood-wadaag ah ay isku dhacaan, taasoo horseedi karta colaad hor leh. Waxaana tusaale u ah isku dhacyadii ka dhacay Ceel-baraf iyo deegaanno kale oo ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hubeynta shacabka waxay dhalisay walaac weyn, maadaama ay dowladda federaalka Soomaaliya heysato in ka badan 70,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka qalabka sida, kuwaas oo ay tahay in loo diyaariyo dagaalka lagula jiro cadowga. Halista ugu weyn waxay tahay in hubka la siiyay dadka shacabka ah uu sababo dagaallo sokeeye oo dalka dhibaato hor leh gelin kara.

Isku dirka beelaha iyo kala qeybsanaanta bulshada

Waxaa maalmahan dambe soo baxayay hadallo la xiriira in qabiilo Soomaaliyeed ay xoreynayaan qabiilo kale. Arintan waxay abuurtay caro iyo shaki hor leh oo bulshada dhexdeeda ah, taasoo sababi karta isku dhac ka dhex dhaca beelaha walaalaha ah. Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, waxaa suurtagal ah in dagaallo sokeeye ka dhex qarxaan beelahaas, taasoo ka sii daciifineysa awoodda lagu wajahayo cadowga.

Talo soo jeedin

Dowladda federaalka Soomaaliya waa in ay si degdeg ah uga fiirsataa qorshaha hubeynta shacabka, islamarkaana ay diyaarsataa xeelad dagaal oo hufan oo ay hoggaaminayaan taliyeyaasha sare ee ciidamada, sida General Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida.

Waxaa lama huraan ah:

In si buuxda loo diyaariyo ciidamada qalabka sida si ay u hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro cadowga.

In laga fogaado ficillada horseedi kara in beelaha Soomaaliyeed ay isku dhacaan.

In dowladdu ay la timaado qorshe mideysan oo lagu nafeynayo shacabkeeda loogana hortagayo cadowga.

Haddii aan la helin hoggaan adag iyo qorshe dagaal oo cad, waxaa suuragal ah in cadowgu uu ka faa’iidaysto kala qeybsanaanta bulshada, taasoo keeni karta dib u dhac weyn oo ku yimaada guulaha la gaaray.

Guul Ciidamada Qaranka!
Soomaaliya ha noolaato! 🇸🇴

Hambalyo iyo BogaadinXisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Mid...
16/02/2025

Hambalyo iyo Bogaadin

Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, isaga oo uga hambalyeynaya xilkan muhiimka ah ee loo doortay.

Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed wuxuu kuu rajeynayaa guul, xilgudasho wanaagsan, iyo in hoggaankaaga uu noqdo mid lagu xusuusto horumar waara iyo is-afgarad ballaaran oo ka dhaca guud ahaan Qaaradda Afrika.

Guul iyo barwaaqo!

WAR-SAXAAFADEEDKu: Dhammaan Dhallinyarada SoomaaliyeedTaariikh: 15 Febraayo, 2025Dib u yagleelidda xisbi siyaasadeed oo ...
15/02/2025

WAR-SAXAAFADEED

Ku: Dhammaan Dhallinyarada Soomaaliyeed

Taariikh: 15 Febraayo, 2025

Dib u yagleelidda xisbi siyaasadeed oo ay hormuud u yihiin dhallinyaro u heelan hoggaaminta dalka Soomaaliya shanta sano ee soo socota waa arrin muhiim ah oo u baahan in la garab istaago. 🇸🇴

Address

Mogadishu
6678

Telephone

+252617064881

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniyada P.M.P posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniyada P.M.P:

Share