27/06/2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ayaa maanta magaalada Baladweyne 12 beeraley oo ka tirsan beeraleyda yaryar ku wareejiyay 12 matoor oo loogu talagalay waraabka beeraha, si kor loogu qaado wax-soo-saarka iyo horumarinta beeraha.
Munaasabadda wareejinta matoorrada ayaa waxaa ka muuqatay farxad iyo rajo ay muujiyeen beeraleydii ka faa’iideysatay, kuwaas oo sheegay in matoorradan ay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta wax-soo-saarka beerahooda iyo fududeynta helitaanka biyo waraab.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka ayaa booqday Iskaashatada Shaaha Macaan ee ku taalla duleedka magaalada Baladweyne, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay mashruuca Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabeelle ay ka hirgelinayso nidaamka Solar Cascade, kaas oo lagu xoojinayo waraabka casriga ah iyadoo la adeegsanayo tamarta cadceedda.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiirka ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo farsamayaqaannada mashruuca, kuwaas oo sharaxay heerka uu marayo, faa’iidooyinka uu u leeyahay beeraleyda iyo sida uu u yareynayo kharashaadka ku baxa waraabka.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay taageeridda beeraleyda, casriyeynta hababka waraabka iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha si loo xaqiijiyo isku filnaanshaha cuntada iyo horumar waara.
Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa ugu baaqay beeraleyda inay si hufan uga faa’iideystaan agabka la guddoonsiiyay, isla markaana ay xoojiyaan iskaashiga kala dhexeeya Wasaaradda si loo gaaro horumar waara oo dhanka beeraha ah, korna loogu qaado wax-soo-saarka gudaha iyo amniga cuntada ee bulshada Hirshabeelle