Hido Raac Media

Hido Raac Media kaga bogo inta aan laguu sheegin Run iyo Xaqiiq

31/07/2025

SACIID DENI Madaxweynaha PUNTLAND" Dowlada federaalka waxeey arbushaad iyo daagalo ka hurineeysaa gobolka gedo iyadoo qeybo badan oo gobolkaas ah aay joogaan maleeshiyada AS.

31/07/2025

Gudoomiyaha Beladxaawo" adeegyada bulshada waa aay shaqeynayaan magaalada waa amniga dadkii barakacay waxaan ugu baqaayaa ineey ku soo laabtaan.

Cabdirashiid Janan oo la hadlay ciidanka ku soo biiray Ciidanka Dowlada ee ka soo goostay ciidamada Jubaland.
30/07/2025

Cabdirashiid Janan oo la hadlay ciidanka ku soo biiray Ciidanka Dowlada ee ka soo goostay ciidamada Jubaland.

Sagaal maalin ka dib Ciidamada Dowlada oo la wareegay guud ahaan gacan ku heynta Degmada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo.
30/07/2025

Sagaal maalin ka dib Ciidamada Dowlada oo la wareegay guud ahaan gacan ku heynta Degmada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo.

30/07/2025

Garoon Salax ah oo lagu ciyaaro kubada Cagta ahna kii ugu weynaa ayaa laga furay Magaalada Jowhar Casimada Hirshabelle.

28/07/2025

Wasiir Cali Ciileey" Waxaan aad u soo dhaweynayaa heshiiska aaygaareen Odayaasha labada beelood oo dirirtu dhexmartay sheeydankuna dhexdooda soo galay waxaan leeyahay odayaasha howshan soo waday waa mahadsantihiin,,

28/07/2025

Wasiir Daqare" Waxaan ku faraxsannahay in mar labaad la isku yimaado maadama uu dhib kale dhacay hada xal ayaa la gaaray Hirshabelle waxaa ka go'an in umadaan aay nabad dhexdhigto nabadu waa muhiim,,

28/07/2025

Gudoomiye Xaandoow" Waxaan dhignay gogol nabadeed oo aay heshiis ku gaarayaan beelaha deriska ah ee dagaalamay ka maamul ahaan gogoshaan waxaan la soo marnay heerar kala duwan waxaan adkeeyneynaa ineey nabada qaataan,,

28/07/2025

Nabadoon Xasan Khaasim" Waxaan gaarnay heshiis waxaan ku balannay 40 maalmood ka dib inaan dhigno gogol weyn oo dal iyo dibad la iskaga yimaado qof kasto waxaan ugu baqayaa inuu ka soo qeybgalo gogoshaas,,

28/07/2025

Nabadoon Ciise" Waxaa dhacay dhib sababay dhimasho maantase waxaan joognaa gogol xaarkii nabadeed heshiis ayaan gaarnay guul ayaan joognaa inta dhimanna waa dhamaneeysaa,,

"HESHIIS LAGA GAARAY COLAAD BEELEED DHAWAAN DHEX MARTAY BEELO DEGA TUULOOYINKA JAMEECO IYO DIINLAWE OO HOOSTAGA DEGMADA ...
28/07/2025

"HESHIIS LAGA GAARAY COLAAD BEELEED DHAWAAN DHEX MARTAY BEELO DEGA TUULOOYINKA JAMEECO IYO DIINLAWE OO HOOSTAGA DEGMADA MAHADAAY EE GOOLKA SH/DHEXE"

Kulankaan oo ahaa mid xal loogaga gaarayay coolaad beeleed dhexmartay beelo walaalo ah oo degan deeganada Jameeco iyo Diinlawe ayaa waxaa goob joog ka ahaa Odayaasha dhaqanka labada beelood Kusimaha gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Maxamed Cabdi sheekh Xaandow Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) iyo Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Hirshabelle Xil/Cali Ibraahim Cismaan(Cali Ciileey)

Kulanka ayaa loogaga hadlay wayabihii keenay colada iyagoo mid mid loo gorfeeyay sidoo kalana mid mid loo dhageystay odayaasha laba beelood waxaana ugu dambeyn la isku af gartay in xal nabadeed laga gaaro colaadaas oo aysan dib dambe u soo laaban.

Masuulinyata Hirshabelle ayaa odayaasha labada beelood kula dardaarmay ineey ilaaliyaan gogoshaan heshiiskii lagu gaaray muhiimadana saaraan sidii deeganada nabad loogu wada noolaan lahaa dadkii barakacay intii colaadu socotayna in dib loo soo celiyo lagana fogaado ineysan dib dambe coolaad u soo laaban waxaana sidoo kale lagu balamay in 40 maalmood ka dib la iskugu yimaado si loo dhigo gogol weyn oo wax kasta lagu dhameeyo.

Xaaladda degmada Doolow ayaa saaka degan, kadib dagaallo culus oo xalay ka dhacay, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada Nabads...
28/07/2025

Xaaladda degmada Doolow ayaa saaka degan, kadib dagaallo culus oo xalay ka dhacay, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada Nabadsugidda Federaalka iyo ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen xerada ay ku sugnaayeen ciidanka Nabadsugida.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya gubeen hub iyo saanad ciidan oo yaallay xarunta Ciidamada Nabadsugida, waxaana wararku intaa ku darayaan inay gebi ahaanba Ciidamada Itoobiya la wareegeen xerada, gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ciidanka Nabadsugida.

Sidoo kale, xaaladda magaalada Baladxaawo ayaa saaka degan oo maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo ka dhacayeen, kaddib markii uu halkaas si lama filaan ah maalmo ka hor uga degay C/rashiid Janan oo loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida Jubbaland ahna Madaxa Guud ee Amniga gobolka Gedo.

Xiisaddan dagaal ee ay ku lug yeesheen Ciidanka Itoobiya ayaa ku soo aadday, iyadoo magaalada Addis Ababa uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad, mana jirto illaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo ku saabsan dagaalkii xalay oo illaa hadda la is weydiiynayo sababta DFS uga hadli la’dahay weerarka Ciidanka Itoobiya ay madaafiicda ugu adeegsaday inay ku baabi’iso saanadii iyo agabkii ciidanka ee yaallay xarunta.

Dhanka kale, Maamulka Jubbaland ayaa si adag u eedeeyay Dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in DFS weerar kusoo qaaday xarumahooda oo ku yaalla gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay dhax-maquuraneysay is-diidooyin badan oo la xiriira arrimaha ka jira Gobolka Gedo, si ay xoojiso dhaq dhaqaaqeeda ka dhanka ah Axmed Madoobe, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu fashilmay isku daygeedii Raaskambooni.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hido Raac Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share