14/10/2023
XARSHIN DEGMO AAN TARMIN FARACNA YEELAN .
Xarshin oo lagu naanayso degmada ma'dhalayska ah waa sidii Xayle Salaase kaga tagay, 45ka Xidhibaan ee gobolka Fafan 3 Xildhibaan bay ku leedahay, mana aha degmo tarantay oy degmo kale ka faracantay.
Gobolka Faafani markii la aasaasay wuxu ka koobnaa 6 dagmo oo qadiim ah oo kala ahaa: Jigjiga, Awbare, Xarshin, Qabribayax, Gursum iyo Baabili maanta se gobolku waa 11 dagmo iyo 3 Maamul Magaalo.
Intii uu deegaanka qabsaday Cabdi CMC kadib ayay dagmooyin cusubi gobolka kusoo biireen, tusaale ahaan dagmadii h**e ee Jigjiga waxa ay dhashay 3 dagmo oo cusub oo kala ah (Tuliguuleed, Haroorays iyo Shabeelay) iyo MM Jigjiga, Qabribayax waxay dhashay dagmo cusub oo Mula ah, iyo MM Qabribayax, Awbare oo ah dagmada ugu dadka badan guud ahaan DDS waxay dhashay dagmo kaliya oo la yidhaa Harawo iyo Maamulka Magaalada Wajaale.
3 da dagmo ee soo hadhay dagmooyinkii gobolka Faafan lagu aasaasay ee kala ah Xarshin, Gursum iyo Baabili midina 1 dagmo oo cusub ama Maamul Magaalo masoo kordhin!
Degmada Xarshin oo ah degmo ku taal goob istraatijya ahmiyad waynna u leh gobolka Fafan iyo degaanka guud ahaantiiba kana mid ah degmooyinka gobolka ugu baxaadda wayn oon filayo in ay ta kowaadba tahay, intii ka danbeysay markii Awbarre Harawo iyo Wajaale ka go'een , degma sidaas ah ayaan gabi ahaanba xukuumadihii kala danbeeyay ee degaanka aan ka helin xuquuqihi ay xaqa u lahayd.
Degmada oo ku fadhida dhul baaxad wayn oo ah . Ayaa ka kooban 21 Santar iyo 190 qabaly hoosaad oo kala ah.
1.xarshin
2.miraanmiri
3.dhancade
4.balicase
5.gumarta
6.darbiga
7.faaraxliibaan
8.lafa islaamood
9.dabaylweyne
10.faraweyne
11.madoweyne
12.qudhac raamaale
13.bali cabane
14.caraan caray
15.baligubadle
16.laanqayrta
17.bali amaan
18.kaam barwaaqo
19.kaam haashim
20.abokor axmed
21.cafuufley
Shacabka ayaa ilaa Xayle Silaase xuquuq raadis ahaa walise aan Helin.