14/05/2026
Baydhabo – Waxaa la xaqiijiyey in Taliye Cali Cadow iyo Taliyihii Guutada 9-aad, Yoonis Aadan, ay kamid noqdeen saraakiil ku geeriyootay dagaal ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Inkasta oo xaaladda magaalada ay haatan deggan tahay, haddana wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay weli isku horfadhiyaan, iyadoo laga cabsi qabo xiisad mar kale soo cusboonaata.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga sugayaa mas’uuliyiinta ammaanka.