02/09/2026
HOWLGAL LAGU BEESGADAY DAD KU HOWLANAA DHUXUSHA
Maantay oo tariiqdu tahay 2 Sebtembar 2026
Ciidamada ammaanka degmada Godinlabe ayaa howlgal ka sameeyay deegaano hoostaga degmada, gaar ahaan Daba Karaale iyo Lo Horeedo, halkaas oo lagu tuhunsanaa inay ka socdeen howlo la xiriira gubista iyo ka ganacsiga dhuxusha.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Saldhigga/Degmada Godinlabe, .
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa gaaray goobihii lagu tuhunsanaa in dhuxusha lagu diyaarinayay. Dadkii lagu bartilmaameedsaday howlgalka ayaa goobta ka fakaday ka hor inta aysan ciidamada gacanta ku dhigin.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo ka hortagga xaalufinta dhirta, iyadoo ciidamada ammaanka ay xoojinayaan howlgallada lagu wax looga qabanayo dadka ku howlan gubista iyo ka ganacsiga dhuxusha.
Taliyaha howlgalka, Xidigle Cabdi Risaaq Cabdullaahi Cismaan, ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah xaalufinta deegaanka, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falalkaas.
Bulshada ku dhaqan deegaanada Daba Karaale, Lo Horeedo iyo guud ahaan deegaanada hoostaga degmada Godinlabe ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo gudbiyaan xogta la xiriirta xaalufinta dhirta iyo ka ganacsiga dhuxusha