Radio Ergo

Radio Ergo Raadiyow Ergo wuxuu baahiyaa arrimaha bani’aadamnimada, horumarka iyo dowlad-wanaagga. Sidaas oo ay tahay, Raadiyo Ergo wuu madax-bannaan yahay tifaftir ahaan.

Ka dhageyso mowjada gaaban ee 16ka Meter Band iyo idaacadaha maagaalooyinka dalka. Raadiyo Ergo wuxuu maalin walba u baahiyaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga ee ku nool gobolka warar sugan oo bani’aadamnimo iyo macluumaad dhammaantood ku baxaya afka Soomaaliga. Macluumaadkaas wuxuu isugu jiraa kuwo ay soo ururiyaan weriyeyaal deegaannadooda kasoo warrama iyo soo-saareyaasha Raadiyo Ergo. Ujeed

dadeennu waa inaan cod siinno bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, abuurnana hab wanaagsan oo ay ula xiriiraan hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha bani’aadamnimo ee doonaya inay iyaga caawiyaan. Waxaan dhegeysteyaasha u gudbinnaa xog iyo macluumaad muhiim u ah noloshooda si ay go’aanno xog-ogaalnimo leh uga gaaraan arrimaha noloshooda quseeya. Macluumaadka uu Raadiyo Ergo baahiyo wuxuu la xiriiraa caafimaad, waxbarasho, magangelyo iyo ilaalin, beeraha iyo arrimaha xoolaha. Waxaan sidoo kale tabinnaa warar la xiriira arrimaha dumarka, dhallinyarada iyo shaqo la’aanta, ilaalinta deegaanka, dhaqanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaan ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha gargaarka kala shaqeynaa horumarinta hab waxtar leh oo farriimo iyo barnaamijyo lagu gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed. Dhegeysteyaasha waxay maalin walba ka maqli karaan Raadiyo Ergo mowjadda gaaban ee 16ka Meter Band oo u dhiganta 17845 MHz iyo FM-da gobolka, saacaddu markay tahay 3:00 - 4:00pm xilliga Geeska Afrika lana mid ah (1200-1300 GMT). Hadafkeenna kowaad waa mawjadda gaaban maaddaama aysan jirin idaacad maxalli ah oo warar iyo macluumaad gaarsiin karta dhegeysteyaasha ballaaran ee jooga dhulka miyiga ah ee fog. Sidaas darteed mowjadda gaaban waa habka keliya ee macluumaadka lagu gaarsiin karo dhammaan dadweynaha Soomaaliya, iskuna xiri kara gobollada kala duwan. Barnaamijyada Raadiyo Ergo maalin walba waxaa kaloo laga sii daayaa tiro FM-yo maxalli ah oo aan wada-shaqeyn leennahay. Ereyga –Ergo – wuxuu macno iyo qiimo weyn ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo afka Soomaaliga. Wuxuu xambaarsan yahay macnaha aasaaska dhexdhexaadinta ama ergeynta taasoo ay dani ugu jirto dadweynaha u baahan, iyo waxaa xataa loo celin karaa macno ahaan oo ay noqon kartaa kuwa u kaca inay xalliyaan iska hor imaadyada. Raadiyo Ergo waxaa maamula hay’adda aan faa’iido doonka aheyn ee International Media Support (IMS) oo fadhigeedu uu yahay Copenhagen. Xilligaan Raadiyo Ergo waxaa si ballaaran u maalgeliyay hay’adda horumarinta Swiss Development Cooperation (SDC), Hay’adda Qaxootiga ee Denmark oo taageero ka heleysa USAID-OFDA iyo hay’adaha gargaarka isku-dhafka ah ee Soomaaliya, Common Humanitarian Fund (CHF). Noo soo dir wixii talo, tusaale, farriin iyo su’aalba ah adigoo noogu soo hagaajinaya: [email protected].

07/10/2025

Garowe: Dhigane ka hadlaya dhaqamada soo jireenka ah ee Soomaalida ee sii min-guuraya, kuwaas oo la xiriira dhaqanka iyo guurka.

06/10/2025

Hargeysa: Hobolka Ibraahim CabdUllaahi Samadoon oo sameeya miraha heesaha oo waayihiisa fanka faah faahin ka bixiyay

05/10/2025

Dhagayso: Xubinta googalaysi ee Radio Ergo.

05/10/2025

Bari: Barnaamijka dhaqasho oo ku soo qaadan doonno su’aalaha xoolodhaqatada iyo jawaabcelinta dhaqtarka.

05/10/2025

Shabeelaha-hoose: Boqolaal qoys oo xoolodhaqato iyo dad deegaan ah iskugu jira oo dib ugu laabtay tuulada Waadi-khayr ee gobolka Bari markii laga hirgeliyay ceelbiyood meesha ka saaray biyo yari ku qasabtay in ay hayaamaan.

04/10/2025

Galgaduud: Dood ku saabsan sidee colaadaha qabiilada ee ku soo laalaabta deegaanada Galmudug u saamaysay nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo isku socodkan dadka?

04/10/2025

Radio Doctor: Dhaqtar jooga Qardho oo dhageystayaasha uga jawaabaya weydiimo la xiriira muhiimadda naas nuujinta, waxa sababa in qofku u nug laado jabniinka iyo daaweynta cudurka tiibiida

04/10/2025

Galgaduud: Xoolo dhaqato maaro u la’ cudur aysan aqoon oo ay u dhimanayaan ariga iyo idaha, kaas oo qoysaska qaar ceyr ka dhigay, nolol xumana biday.

03/10/2025

Beeralayda deegaanka Arabsiyo oo wajahaya biyo la'aan oo ka hor istaagtay inay tacbaan beerahooda.

03/10/2025

Maankaab oo ku sabsan in ka badan 60 bukaan oo adeeg yari caafimaad ku wajahayo isbitaalka Manhal ee magaalada Lascaanood

02/10/2025

Gobaad oo ku sabsan wareysiga Seynab Cabdi Kaafi oo ka mid ah koox haween ah oo magaalada Garowe ka hirgaliyay xarun si bilaash ah loogu daryeelo carruurta la nool cudurka Autisim-ka

02/10/2025

Banaadir: Nin dhalinyarro ah oo abuuray ganacsiyo uu meel hoose ka soo bilaabay haddana ay fursado shaqo ka heleen in ka badan 20 qof oo ka soo jeeda qoysas danyar ah

Address

Hodan
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Ergo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share