17/01/2025
Ra'iisul Wasaarihii h**e ee dalka Pakistan Imraan Khan ayaa maanta Maxk**adi Ku xukuntay 14 sano oo xarig ah,Sidoo kale Xaaskiisa Bushra ayaa lagu xukumay7 sano oo xarig ah .
Ra'iisul Wasaarihii h**e Imraan Khan ayaa sidoo kale lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 3,500 oo doolar, Xaaskiisana waxaa lagu ganaaxay 1,758 Doolar .
Dawladda Pakistan ayaa Imran Khan kusoo eedaysay 200 Kiis oo u badan waxyaabo ku sheegeen Ku-takri-fal awoodeed iyo musuqmaasuq.
Madax badan oo Dunida ah oo uu ugu h**eeyo Madaxweyne erdogan, Ra'iisul Wasaare mahatir maxamed ,Madaxweyne Trump,iyo Raiisul wasaare anwar ayaa dhamaantood cambaareeyey Xukunka Lagu riday Imraan Khan,Waxayna codsadeen in arinta dib loogu laabto .
Ra'iisul Wasaare h**e mahatir oo lagu yiri sidee u aragtaa Xukunka saaxiibkaa imran Khan ayaa ku jawaabay Sidan .
"Ma jecli inaan farageliyo arimaha gudaha ee wadan kale,Lknse Imran k**a aamusi karo,Imran khan ayaa musuq loo xiray,Waa wax aan caqligu qaadanyn,Si fiican ayaan u aqaanaa isaga .
Wuxuu ahaa Hogaamiye aragti Ummadeed oo fog Xambaarsanaa,aragtidaas ummadeed ayuuna Sababsaday,loo shirqoolay hadana loogu diiday inuu Tartamo,ugu dambayna loo go'aamiyey in dunida laga Qariyo oo la xabiso .
Dunida Muslimka dhibtaas ayaa haysata,Hogaamiye kasta oo fariidnimo iyo dhiiranaan lagu arko,Duufaano ayaa lagu kiciyaa .
Waxaan hubaa Imran Khan in aanay rajadiisii iyo Aragtidiisii dhimanayn,sababtoo ah intuu xilka joogey Hogaamiyayaal dhalinyaro ah ayuu soo saaray "
Insha allah Berito ayaan Barnaamij dhamaystiran kasoo Diyaarinayaa Imran Khan iyo Barnaamijkiisii Siyaasadeed .
Xigasho: Abdirizak Jubba