06/07/2026
๐๐ข๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข ๐๐ก ๐๐ฒ ๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ญ๐๐ฒ ๐๐ฅ๐๐๐๐๐ค๐ข๐ข ๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ง๐ฆ๐๐ซ๐ค-๐ค๐ ๐๐ก ๐๐ฎ ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐ฌ๐ฅ๐๐๐ฆ๐ค๐
โWaxaan ahaa qof aad u daโyar. Waxaan ahaa 16 jir markii aan goโaansaday inaan Muslim noqdo. Laakiin waxaan dhihi lahaa safarkaygu wuxuu bilaabmay xitaa ka hor intaas, sababtoo ah marka aan dib u milicsado nolosheyda waxaan dareemayaa inaan mar walba raadinayay xiriir aan la yeesho Ilaahay.
Markii aan ahaa 5 jir ayaan ku biiray ururka Scouts-ka ee meesha aan ku noolaa. Halkaas waxaan ku barannay ducada Masiixiga ee loo yaqaan Lordโs Prayer. Ducadaas waxay noqotay wax qalbigayga aad ugu dhow. Habeen kasta markaan seexanayo indhaha ayaan xiri jiray, waxaan qabsan jiray iskutallaab yar oo silsilad ahaan qoortayda ugu xirneyd, kadibna ducadaas ayaan oran jiray ka hor hurdada.
Waalidkeyga iyagu waligood si badan ugama hadlin diinta guriga. Waxay ahaayeen Masiixiyiin, laakiin Denmark diintu ma aha wax aad looga hadlo ama si xoog leh loo muujiyo. Waa la i baabtiisay, laakiin waalidkeyga si qoto dheer iigama aysan barin arrimaha diinta. Dabcan waxay i bareen akhlaaq wanaagsan sida naxariista, ixtiraamka iyo in dadka la wanaajiyo, laakiin ma ahayn wax si toos ah diinta uga yimid.
Sidaas darteed aniga gudahayga waxaa ku jiray rabitaan aan ku doonayay inaan Ilaahay raadiyo.
Markii aan iskuulka bilaabay waxaan jeclaa inaan la saaxiibo dadka wax yar ka duwan dadka kale. Mid ka mid ah saaxiibaday waxay ahayd Mormon, waxaanan la tagi jiray iyada iyo qoyskeeda kaniisadda Axad kasta. Aad ayaan uga heli jiray. Waxaan jeclaa bulshada halkaas joogtay, casharrada Axadda iyo sida dadka isu taageerayeen.
Laakiin qalbigayga waxaa jiray wax aan si buuxda u aqbalin. Waxay nagu oran jireen: โDhammaanteen waxaan nahay carruurta Ilaahay.โ Maskaxdayduna waxay oranaysay: โSidee Ilaahay u yeelan karaa carruur?โ Fikirkaas ayaa iga dhigay inaan ka fogaado. Markii aan jiray 13 ama 14 sano waxaan bilaabay inaan necbahay tagitaanka kaniisaddaas, inkastoo saaxiibtey ay ahayd qof wanaagsan.
Kadib waxaan lahaa saaxiib kale oo Soomaali ah. Waxay bilowday inay ii sheegto waxyaabo ku saabsan Islaamka oo aanan h**e u aqoon. Waxyaabo aad u fudud ayay ii sheegtay, sida:
โIlaaheenna waa Ilaahaaga sidoo kale.โ
Hadalkan aad ayuu ii saameeyay, sababtoo ah waxaan moodayay in Islaamku yahay diin gebi ahaanba ka duwan Masiixiyadda oo aan xiriir lahayn. Waxay ii sheegtay in Muslimiintu sidoo kale rumeysan yihiin Nabi Ciise (CS). Taasi waxay iga dhigtay inaan xiiseeyo.
Markaas waxaan bilaabay inaan maktabadda tago anigoo qarsoodi ah oo aan ka raadiyo buugaag ku saabsan Islaamka. Xitaa saaxiibtey uma sheegin. Waxaan kaligay bilaabay baaritaan.
Maalin ayay ii sheegtay qisadii Nabi Yuusuf (CS). Markii aan maqlay qisadiisa, wax baa qalbigayga iska beddelay. Ma garanayo si sax ah waxa i taabtay, laakiin qisadu waxay ahayd mid aad ii soo jiidatay. Dad baa shirqool u maleegay Nabi Yuusuf, riyooyinkii uu arkay iyo sida uu Ilaahay ugu gargaaray waxay ahaayeen wax aad u gaar ah.
Waxay iga dhigtay inaan Islaamka si kale u arko. Waxaan dareemay in qalbigaygu furmay oo aan doonayo inaan wax badan ogaado.
Waxaan akhriyey buugaag Islaam ah, waxaana ka mid ahaa ururin xadiisyo laga soo weriyey Nabi Maxamed ๏ทบ. Waxyaabihii aan akhriyey waxay ahaayeen fikrado fudud laakiin qurux badan oo qalbigayga taabtay.
Ma dhihi karo waxaan markaas wax badan ka ogaa Islaamka, laakiin waxaan ogaa in tani tahay waxa aan doonayo. Waxaan dareemayay qalbigayga inuu aqbalay.
Waxaan bilaabay inaan guriga ku tukado anigoo kaligay ah, sababtoo ah waxaan arkay saaxiibtey sida ay u tukato. Waxaan isku dayay inaan ku daydo.
Maalin ayaan ilmeyn bilaabay, waxaana saaxiibtey ugu sheegay:
โTani waa waxa aan doonayo. Waxaan rabaa inaan Muslim noqdo.โ
Kadib waxaan tagnay masaajid, halkaas ayaana Islaamka ku qaatay.
Dad badan way la yaabeen sababtoo ah waxaan ahaa 16 jir oo keliya. Bilowgii way i taageereen, waxayna yiraahdeen: โWaa wax wanaagsan in qof daโyar uu nolosha ka fikiro.โ
Laakiin kadib arrintu way adkaatay. Waxaan si degdeg ah u beddelay waxyaabo badan. Waxaan xirtay xijaab, waxaan bilaabay inaan cuno hilib xalaal ah oo keliya, waxaan noqday qof aad u adag dhinacyo badan. Anigoo weliba guriga la nool waalidkey, isbeddelkaas wuxuu ku noqday wax weyn.
Waxaan ahaa fasalka 9-aad, welina waxaan lahaa bilo aan ku dhammeeyo iskuulka. Qaar ka mid ah saaxiibaday waan ka fogaaday, sababtoo ah danihii aan lahaa iyo kuwa ay lahaayeen aad bay u kala duwanaayeen.
Laakiin waxaan helay saaxiibo cusub oo iga caawiyay barashada Islaamka.
Waxaan wax yar ku hadli karaa Carabi. Waxaan ku bartay Masar markii aan aaday halkaas muddo ku dhow sanad si aan luqadda u barto. Waxaan ku noolaa Qaahira. Waxay ahayd meel mashquul badan, laakiin waxaan tagi jiray iskuulka oo keliya kadibna guriga ayaan ku laaban jiray.
Khibraddaas waxay ahayd mid gaar ah. Waxaan arkay nolol aanan h**e u arag. Waxaan arkay saboolnimo dhab ah, carruur yaryar oo waddooyinka wax ka baryaya, dad qashin ururinaya iyo dad xaalado adag ku nool.
Waxay ahayd wax i taabtay.
Marka laga hadlayo xijaabka iyo shaqada, hadda ma dareemo inay aad u adag tahay, sababtoo ah shaqadaydu xorriyad badan ayay leedahay. Laakiin mararka qaar waan ka walwalaa doodaha siyaasadeed ee ku saabsan in xijaabka laga mamnuuco iskuulada. Waxaan is weydiiyaa: โHaddii arrintaas dhacdo, sideen shaqadayda u sii wadan karaa?โ
Markii aan Islaamka qaatay anigoo yar, waalidkey aad bay uga walwaleen. Waxay maqleen waxyaabo badan oo warbaahinta laga sheegay Muslimiinta, waxayna ka baqayeen waxa iga dhalan doona.
Waxaan isku dayay inaan waxbarashadayda xoogga saaro si aan ugu muujiyo:
โWaxaan noqonayaa Muslim, laakiin sidoo kale waxaan idiin noqonayaa qof aad ku faani kartaan.โ
Waxay aad ugu farxeen markii aan noqday macallin.
Hadda waxaan isku dayaa inaan xiriirka ilaaliyo. Waxaan casuumaa waalidkey munaasabadaha qaar, waxaan rabaa inay la kulmaan saaxiibaday iyo bulshada aan ku dhex jiro, mararka qaarna waxaan ku casuumaa ciidaha.
Waxaan rabaa inaan buundo u dhiso aniga iyo iyaga.
Mararka qaar dad ayaa waddooyinka igu qayliyay ama i aflagaadeeyay sababtoo ah xijaabka iyo Islaamka, laakiin waqti dheer ayay ka soo wareegtay markii ugu dambeysay.
Waxaan aaminsanahay marka dadku ku bartaan, fikirrada xun ee ay kaa qabaan ay yaraadaan.
Waxaan booqday Sacuudiga si aan u soo guto Cumrada. Alxamdulillaah, waxay ahayd waayo-aragnimadii ugu quruxda badnayd ee noloshayda.
Markii aan joogay Madiina, waxaan mar walba maqli jiray qisaska Nabi Maxamed ๏ทบ iyo akhlaaqdiisa, laakiin halkaas waxaan dareemay wax aan caadi ahayn. Waxaan dareemay deganaan iyo xiriir gaar ah.
Wax walba waxay u muuqdeen inay yaraadeen: walwalka, mashquulka nolosha iyo waxyaabihii aan caadi ahaan ka fikiri jiray.
Waxaan dareemay inaan fahmay sababta dadku u jeclaayeen Nabi Maxamed ๏ทบ oo ay ugu hurayeen naftooda.
Madiina waxaa ka jiray jawi deggan, dadkuna aad bay u naxariis badnaayeen. Waxay i xasuusisay qisadii Ansaar iyo Muhaajiriintii, sida ay isu caawiyeen oo walaalo u noqdeen.
Markii aan arkay buurta Uxud iyo meelihii aan ka maqlay qisaska Islaamka, waxay ahayd wax aad u taabanaya.
Markii aan fuulnay Jabal Nuur ee Makkah, waxaan ka fikiray sida Nabi Maxamed ๏ทบ uu u fuuli jiray buurtaas. Annaga baabuur ayaan ku tagnay, haddana socodka ayaa nagu daalay.
Laakiin Nabi Maxamed ๏ทบ wuxuu halkaas tagi jiray isagoo u socda, isagoo ka fog magaalada.
Markaas waxaan iri naftayda:
โRuntii wuxuu ahaa qof aad u xoog badan oo dulqaad badan."