26/07/2024
Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Shirweynaha Qurba-Joogta Soomaaliyeed, kadibna wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay xubnihii qurba-joogta ee shirka kaso qeybgalay, oo isugu jiray culuma’udiin, aqoonyahano, ganacsato, haween, dhallinyaro iyo xubno siyaasiyiin ah oo xilal kala duwan ka haya dalalka ay ku nool yihiin. Wuxuuna warbixin qoto-dheer ka siiyay xaaladaha dalka iyo Guulihii ay Dowladdu gaartay.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa qurba-joogta kula dardaarmay inay qeyb ka noqdaan dib u dhiska dalka, gaar ahaan maalgashiga dhaqaalaha , waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan dadaalada horumarineed ee dalkeena.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay dhigiisa Dalka Qatar Mudane Sheikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim, waxayna kawada hadleen sidii xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya sare loogu sii qaadi lahaa.