La aqoon

La aqoon Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from La aqoon, News & Media Website, Mogadishu.

27/05/2024

Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?

Hadaba Waa Kuwee Su`aalaha Todobada ah Ee La Sheegayo.?

Q: 1 " Su`aasha Kowaad : Waa Maxay Acraaf.?

Ans: 1: Acraaf Waa Goob U dhaxeeyso Naarta iyo Janada Waxaa Lagu magacaabaa " Al-Acraaf"
Waa darbi Aad U Weeyn joog dheer leh

Asxaabta dushiisa Saaran ay Ka daawanayaan Ehlu-janaha iyo Nimcooyiinka ay dhax dabaalanayaan iyo Kuwa Ehlu-Naarka iyo Cuquubada Haysata

Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada Ku galaan Naxariistiisa

Culumada islaamka Waa ay isku khilaafeen Qoloda Meesha saaran yeey yihiin Lkn Sida Raajaxa ah Waa Qoom isla ekaadeen Xumaantoodii iyo Samantoodii .

Q: 2 " Su`aasha Labaad: Halkee Kaa jirtaa jannada.?

Ans: 2" Jannadu Waxeey Ku taallaa Todoba Samo Ka kore Marka Uu Allah Duubayo Samooyiinka iyo dhulalka todobada ah Sida Warqado camal Jannada ayada Waa Hareysaa

Ma Ku jirto Waxa La laabayo Mana dhamaaneyso mana Zuuleyso Saqafkeeda Korane Waa Carshiga Raxmaanka jalla wacala

Q: 3" Su`aasha Sadaxaad: Halkee Naarta Kaa Jirtaa.?

Ans: 3" Naartu Waxeey Ku taalla goob Ka hooseyso todobada Dhul Waxaa Lagu Magacaabaa goobtaas ، سجين"Sijiin
Allah Waxaa Uu Nooga Waramay in Uu abuuray todobo samo iyo todobo dhulal Oo la mid ah
{ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ }:
Sijiin " : Waa Meesha dhulalka Ugu hooseyso ayeey Ka sii hooseysaa.

Xadiithkan ayaa Daliil U ah Oo Laga Wariyay Ibnu Mascuud Allah Ka ralli Noqdo
عن ابن مسعود قال : " الْجَنَّةُ فِي السَّمَاء
السَّابِعَةِ الْعُلْيَا، وَالنَّارُ فِي الْأَرْضِ السَّابِعَةِ السُّفْلَى"

"Ka dib Waxaa Uu aqriyay Aayadaan
" إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ) المطففين" ، إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ" المطففين"

Q: 4 " Su'aasha Afaraad: Qiyaasta Halka Maalin Ee Qiyaame immisa ayeey La Egtahay.?

Ans: 4" Qiyaasta Halkii Maalin Ee Qiyaamaha Waxeey la egtahay 50.000 Sanadod Allah Mar Uu Ka Waramayay Waxaa Uu yiri" قال تعالى : { تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ } .

Abdullahi ,Ibnu Cabaas: Allah Ka ralli Noqdee Waxaa laga Wariyay in Uu yiri " Maalinta Qiyaame Waxaa La istagayaa Konton Gobood Halkii Goobne Waxaa la taagnanaa Konton Kun Oo sanadod " .Cajiib !!

Q: 5" Su'aasha Shanaad: Maxaa Laga Wadaa Sidratul-muntahaa .?

Ans: 5 " Sidratul-Muntahaa Waa Geed Aad u Weyn Oo Caleemankiisa iyo Xididisa Ku yaalllaan Samada todobaad Caleemankeeda Waa Sida dhagaha Xayawanka Marodiga

Goob dhinaceeda ah ayuu Rasuulka csw Waxa Uu Ku arkay Sayid jabriil Suuradisa Xaqiiqda aheeyd Markii labaad Markii Kowaad Waxeey aheyd Magaalada Mar Uu Ku Arkay makka-Almukarama Buurta" ajyaad, dhinaceeda

Q: 6" Su'aasha Lixaad : Maxeey yihiin gabdhaha Ku dhex Nool janada Ee lagu magacaabo" Xuurul-Ciin".?

Ans: 6" Waa Xaasaska Ragga Mu'mininta ah Marka ay janada galaan Jinni iyo insi toona Korkooda ma taaban , Malaa'igne ma ahan

Allaah ayaa Jannada Ku dhex Abuuray Mid gabdhahaas ka mid ah Haddii ay Aduunka soo Eegto Qorraxda iftiinkeda ayada ayaa qarin laheed.

Q: 7" Su'aasha Todobaad: Waa Kuma Wiilasha jannada lagu waariyay.?

Ans: 7 " Waa Wiilal dhalanyar Oo adeegayaal U ah Ehlu-janaha insi iyo jinni Midna Ma ahan Xitaa malaa'ig ma ahan Alla ayaa Abuuray siduu abuuray Oo kale Xuurul-ciinta gabdhaha.

Wiilashaa Allah marka Uu Kawaramayay Quruxdooda Waxaa Uu Ku Miithaalay Lu'Lu' Waxaa Uuna yiri" :
(ويطوف عليهم ولدان مخلدون إذا رأيتهم حسبتهم لؤلؤا منثورا} :

Haddaad Ka Mid Noqotay dadka in ay aqristaan Nasibka U yeeshay Qoraalkan Waxaad soo qortaa Magac Ka mid ah magacyada 99ka Ee Uu rabigeen Weyne leeyahy الرحمن " الرحيم ا

Ama Nabiga Ku Salli scw Ducadana Raaci.scw scw scw scw scw scw.
La aqoon

Ustaad Saciid Cusman Xaaji Xassan......✍

26/05/2024

𝑾𝒂𝒂𝒏𝒌𝒖 𝒔𝒂𝒍𝒂𝒂𝒎𝒆𝒚 𝒔𝒂𝒂𝒙𝒊𝒊𝒃.𝑀𝑖𝑑𝑘𝑎𝑚𝑖𝑑 𝐵𝑢𝑢𝑔𝑎𝑎𝑔𝑡𝑎 𝑢𝑔𝑢 𝑄𝑖𝑖𝑚𝑎ℎ𝑎 𝑏𝑎𝑑𝑎𝑛 𝑒𝑒 𝑢𝑢 𝑞𝑜𝑟𝑎𝑦 𝑨𝑫𝑯𝑨𝑴 𝒔𝒉𝒂𝒓𝒒𝒂𝒂𝒘𝒊.𝚜𝚑𝚊𝚛𝚎 𝚠𝚕𝚕

𝚏𝚘𝚕𝚕𝚘𝚠 𝚒𝚜𝚘 𝚍𝚑𝚎𝚑La aqoon

24/05/2024

𝑱𝒂𝒙𝒊𝒊𝒎𝒐 𝒋𝒊𝒓𝒌𝒂𝒈𝒂 𝒂𝒍𝒍𝒂𝒉𝒂 𝒌𝒂 𝒅𝒉𝒐𝒘𝒓𝒐 𝒇𝒐𝒍𝒍𝒐𝒘 𝒊𝒔𝒊 𝒘𝒍𝒍 𝒘𝒂𝒙 𝒌𝒂𝒎𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒃𝒆𝒚𝒔𝒐 La aqoon

21/05/2024

𝐡𝐝𝐚𝐚𝐝 𝐜𝐮𝐥𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐣𝐞𝐜𝐞𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐅𝐨𝐥𝐥𝐨𝐰 𝐰𝐚𝐥𝐚𝐥🙏
La aqoon

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when La aqoon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share