XIGTA TV

XIGTA TV News coverage WAA BOGGA WARARKA KU SALAYSAN, XAQIIQDA DALKA IYO DIBADA

DEG DEG.Ciidamada Dowlada Russia ayaa Dhufeysyo ka samaysanaya wadooyinka soo gala magaalada Moscow ee dalkaasi.
24/06/2023

DEG DEG.
Ciidamada Dowlada Russia ayaa Dhufeysyo ka samaysanaya wadooyinka soo gala magaalada Moscow ee dalkaasi.

WADANKA RUSSIA OO U MUUQDA MID GALAYA XAALAD ADAG, KADIB MARKII MAANTA WADOOYINKA WADANKAASI LAGU ARKAY GAWAARIDA GAASHA...
24/06/2023

WADANKA RUSSIA OO U MUUQDA MID GALAYA XAALAD ADAG, KADIB MARKII MAANTA WADOOYINKA WADANKAASI LAGU ARKAY GAWAARIDA GAASHAAMAN OO AY WATAAN CIIDAMO KASOO HORJEEDA MADAXWEYNAHA WADANKAASI.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR USOO XIRAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDAMADA QALABKA SIDA
19/03/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR USOO XIRAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDAMADA QALABKA SIDA

18/03/2023

Hogaamiyaha mucaaradka ah ee xisbiga "Economic Freedom Firghters" ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano "EFF" ee dalka South Africa Julius Malema ayaa ugu baaqay muwaadinta waddankaas iyo taageerayaasha xisbigiisa in ay isusoo baxaan 20ka bishan Marso 2023.

Isusoo baxaan, ayuu ku sababeeyay Mr. Malema in uu yahay mid ka dhashay, shaqo la'aanta baahsan ee heysata muwaadiniinta dalka, culeys dhinac korontada ah ee ka taagan dalka iyo madaxweyne Cyril Ramaphosa oo baalmaray dhaartii uu u maray dalka.

Malema, waxaa kale uu sheegay in aysan jirin cid is hortaagi karta dibadbaxa ay qorsheeyeen 20ka bisha Marso, waxa uuna uga digay cid kasta oo isku dayda in ay isaga joojiso ay la kulmi doonto jawaab u dhiganta, isagoo intaasi raaciyay in qofka raba in uu isaga joojiyo ay tahay in uu hooyadsii soo macsalaameeyo.

Dhanka kale, dowladda South Africa ayaa ciidamo farabadan ku daadisay dhammaan waddooyinka halbowlaha u ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, si looga hor tago wax kasta oo horseedi kara qalalaaso iyo falal amni darri oo ka dhalan kara dibadbaxa dhici doona
Maalinta isniinta ah ee soo socota kaas oo ay mucaaradka garwadeenka ka yihiin.

Somalida ku nool dalkaasi Koofur Africa ayaa waxaa la gudboon in ay ka foojignaadaan arinkan oo laga yaabo in uu saameyn xooggan naf iyo maal ahaanba uu ku yeesho.

XidigtaTv:18.03.2023: Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda...
18/03/2023

XidigtaTv:18.03.2023: Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda. Madaxweyne Xasan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Kampaala oo uu tabar ugu soo xeri doona cutubyo ka tirsan ciidamo cusub oo lagu tababaraayo dalkaasi Uganda.

Madaxweyne Xasan ayaa dhawaan sidoo kale booqday magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaas oo horay ay tababar sanado qaatay ay ku soo dhameysteen ciidamao Somaliyeed oo ay tiradoodu gaareysay ilaa shan kun oo askari. Madaxweyne Xasan ayaa inta badan u safra dalka dibadiisa, taas oo ay dadku kukala qeybsanyihiin, iyadoo dadka qaar ay u arkaan in safaradaasi ay muhim yihiin halka kuwo kalana ay u arkaan in ay jirto tiro badan oo safaradaasi ah oo si fudud looga baaqsan karay.

Innaa lillaahi Wa innaa ileyhi raajicuun. Waxaa maanta magaalada Boorama ee Gobalka Awdal ee ku geeriyootay Allaha u nax...
18/03/2023

Innaa lillaahi Wa innaa ileyhi raajicuun. Waxaa maanta magaalada Boorama ee Gobalka Awdal ee ku geeriyootay Allaha u naxariistee Fanaanaddii weyneyd ee Aamino Cabdullahi Xersi. Waxaan Ilaah uga baryeynaa inuu Jannadii Firdowsaad ka waraabiyo. Ehelka, qaraabada iyo shacbiga Somaliyeed ee ay ka baxadayna sabar iyo imaan ka siiyo. Aamiin Aamin.

Xidigta Tv. Muqdisho 18. 03. 2023.Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS  Sheikh Adan Mohamud Nuur Madoobe ayaa maanta soo xi...
18/03/2023

Xidigta Tv. Muqdisho 18. 03. 2023.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheikh Adan Mohamud Nuur Madoobe ayaa maanta soo xiray kalfadhigii labaad ee Golaha shacabka BJFS, iyadoo Kulankii golaha ee maanta lagu dhaariyay Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhowaan laga soo doortay magalada Baydhabo.

GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAR-MURTIYEED 15-17 Maarso, 2023 BAYDHABO, HORDHAC Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...
17/03/2023

GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)
WAR-MURTIYEED 15-17 Maarso, 2023 BAYDHABO,

HORDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 5aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Baydhabo 15–17 Maarso, 2023. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Federaalaynta Maaliyadda dalka, Dimuqraadiyaynta iyo heshiiska Doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo DXDF, iyo Dhameystirka Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Sidoo kale, Golaha ayaa iska xog wareystay xaaladda amni ee dalka, saameynta abaaraha iyo qodobo kale.

QODOBADA HESHIISKA EE SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo heshiisyadii iyo warmurtiyeedyadii ka soo baxay shirarkii h**e ee Golaha Wadatashiga Qaran, Goluhu marka laga reebo Puntland, wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda iyo lifaaqyada qodob kasta oo la socda war-murtiyeedkan:

1. FEDERAALAYNTA MAALIYADDA DALKA

• Iyadoo la tixgelinayo heshiiskii Astaynta Awoodaha ee Golohu ku heshiiyay December 2022, Golaha wuxuu isku raacay in la qaato mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda oo ka kooban; (1) Astaynta iyo cayimidda ilaha dakhliga, (2) Wadaagga Dakhliga. Sidoo kale, Goluhu wuxuu ku heshiiyay in la unko laba hey’adood oo kala madaxbannaan oo aan looga maarmin hannaanka federaalaynta maaliyadda oo kala 3 noqonaya; (1) Hay’adda Dakhliga Qaranka, (2) Guddiga Qoondeynta iyo Dardar-gelinta Dakhliga.

• Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyadda dejinta siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin Dowladda Federaalka iyo DXDF.

• Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.

• Goluhu waxa uu isku raacay in lagu sii dhaqmo heshiiyadii iyo isafgardyadii h**e ee daadajinta maaliyadda dalka inta laga hawl-galinayo dhisidda labada hay’dood ee kor ku xusan.

2. DIMUQRAADIYAYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu ka dooday arrimaha doorashooyinka gaar ahaan in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Goluhu wuxuu isku raacay in gorfaynta arrimaha doorashooyinka lagu dhameystiro kulanka xiga ee Golaha oo dhici doona May 2023.

3. DHAMAYSTIRKA HESHIISKA QAAB-DHISMEEDKA AMNIGA QARANKA

• Goluha waxa uu isku raacay meelmarinta iyo ansixinta dhammeystirka dib-u-eegista lagu sameeyay Heshiiska Qaabdhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kaas oo mar labaad dib loogu heshiiyay October 2022, waxa uuna saldhig u noqonayaa:

-Dib u habeynata laamaha amniga;
-Tirada ciidamada;
-Waajibaadka hay’adaha amniga;
-Amarka iyo kala danbeynta; iyo
-Maareynta baahiyaha dhaqaale ee laamaha amniga.

• Goluhu wuxuu u soo jeedinayaa DXDF in ay soo dhameystiraan maamul u sameynta degmooyinka iyo deegaannada la xoreeyay iyo kuwa laga 4 xoreyn doono cadowga si ay iskula jaanqaadaan holwgalka dib u xoreynta dalka, barnaamijka xasilinta iyo daadajinta adeegga dowladnimada. • Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaarayaan ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. Sidoo kale, Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

4. QODOBO KALE

• Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka.

• Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa wadajir ka iyo isku-duubnida ay muujiyeen Culimada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu bogaadinayaa dedaalka hagar la’aanta oo ay Culimadu ka sameeyeen la dagaalanka Xag-jirka iyo Fatwadii sida wada jirka ah ay uga soo saareen Shirweynihii Qaran ee Culimada Soomaaliyeed oo taarikhiga ahaa.

• Goluhu wuxuu bogaadinayaa Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumada JFS xilkasnimadoodii iyo dedaaladoodii ku aadanaa meelmarinta shuruucyo laf-dhabar u ah dhamaystirka dowlad dhiska dalka muddo aad u kooban gudaheeda.

• Goluhu wuxuu si gaar ah u amaanayaa Ciidamada Qalabka sida ee geesiyiinta ah, DXDF iyo bulshada Soomaaliyeed halganka iyo doorka ay ka qaateen la-dagaalanka joogtada ah iyo ciribtirka khawaarijta shabaab oo dhibaato ba’an ku ah dadka iyo dalka.

• Goluhu wuxuu baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood, wuxuuna cambaareynayaa cid kasta oo qayb ka ah hurinta dagaalka iyo sii socoshada colaadda. Goluhu wuxuu soo 5 jeedinayaa wadada keliya ee xalka mushkiladda taagan inay tahay wadahadal. Dawladda Federaalku waxay diyaar u tahay inay mar walba kaalinteeda ka qaadato nabadeynta.

• Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo dowladaha Galmudug iyo Hirshabeelle guulaha waaweyn ay ka gaareen la dagaalanka Khawaarijta iyo dib u xoreynta deegaanada Galmudug.iyo Hirshabeelle.

• Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xukuumadiisa iyo shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida sharafta leh oo ay u soo dhoweyeen wafdigii balaarnaa ee labada heer dowladeed una martigaliyeen Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Lifaaqyo: Heshiisyada ay Golaha ku heshiiyeen: 1. Heshiiska Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. 2. Federaalaynta Maaliyadda dalka.

--Dhammaad-

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Abdi Bare iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeen...
15/03/2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Abdi Bare iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa goordhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta kmg Koonfur galbeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa...
13/03/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa Xarunta Taliska Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir kula kulmay Taliyeyaasha Saldhigyada Boliiska iyo Guddoomiyeyaasha Degmaayinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sugida iyo Adkeynta Amniga iyo Xasiloonida dadka ku dhaqan Caasimada iyo Nawaaxigeeda maadaama ay foodda nagu soo hayso bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Address

Mogadishu-somalia
Mogadishu
2526

Opening Hours

Monday 06:00 - 18:00
Tuesday 08:00 - 18:00
Wednesday 07:00 - 18:00
Thursday 08:00 - 18:00
Friday 08:00 - 18:00
Saturday 09:00 - 18:00
Sunday 09:00 - 18:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when XIGTA TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to XIGTA TV:

Share