20/12/2024
Fariinta Jumcaha.
Soomaalida baraha bulshada wax ku qoraa (post gareeya ) waxay yaqaanaan sida Af-soomaaliga looqoro, k**a fiirsadaan waxa ay qorayaan, waxay tabinayaa sheekooyin iyo dhacdooyin mudan in aan lasoo bandhigin, kuwa ay tabiyaan kuwa ka xanuun badan ayaa dunida ka dhaca, hadana cidda naga dhibka badan ayaa inoosoo tacsiyeeysa oo kuweyna buunbuuniya markii aan qarsan wayno.
Waxaan maanta eegay Statistic mareenkanka hal sano, sanadkii 2021waxaa la dilay 26,000 ( 26 kun) oo qofood kuma jiraan kuwa shilalka ku dhintay iyo kuwa is dilay ee waa dadka la dilay, 20,000 ( 20 kun ) ee ka mid ah waxaa lagu dilay xabad, halka kuwa kale lagu laayay walxo kale.
Waxaa iyana jirta 48,000 ( 48 kun ) oo is dishay markii la isku daro kuwa la dilay iyo kuwa is dilay waa 74,000 qofood, mareenkan sanadkaas maalinkii 205 qofood ayaa udhimatay dhacdooyinkaan dilka ah, hadana lama maqlin oo dadka qaar ayaa aaminsan in uuyahay wadan aan ka dhicin toogasho, maxaa usabab ah in xogtaan in ay naga qarsoonaato?
Waxaa ku yar dadka wax ku qora warfidiyeenada bilaa ujeedada ah sida kuwa soomaalida oo maalinkii 5 dhimataa ka dhigaya dhacdooyin aan caalamka kale ka dhicin, mareenkanka waxay inoo aqriyaan taariikhdooda weyn sida gantaalo la baraaweynayo, dayax gacmeed la gamay IWM, balse inooma tabiyaan sheekooyinkaan xanuunka badan.
Nasiib darada nahaysataa waxaa ka mid ah in markii wax la dhigayo Media in aan laga fiirsan saameentiisa dambe balse loo tabinayo sidii Follow, Like iyo Share lagu kasban lahaa, waxaa caan ka noqotay sanadahaan Baraha bulshada soomaalida ereyga ah (hebal waa ka bariiseeyaa Media), qoom dhan ama deegaan sumcadiisa ayaa lagu tumanayaa dan shaksiyadeed darteed.
Saaxiibdey waxaan kula talin lahaa in ay yareeyaan qoraalada ama boostiyada la iska soo dhigayo baraha bulshada ayna ilaaliyaan xogaha dadkooda, deegaankooda iyo wadankooda.
Abdiwahid Ahmed Hashi
waa page ka hadla wax walba oo bulshada faa,iido uleh ee fadlan like saar mahadsanid