06/08/2025
W/Q Geeloow Guhaad.
Ciidanka Ethiopia πͺπΉ ee doolow jooga iyo warbixin ku saabsan xogtooda...
Ciidanka joogo doolow soomaaliya iyo doolow adow amaba gobalka liibaan ayaan idiin dul istaagaya. Ciidanka jooga doolow soomaaliya waxay degan yihiin afar goobood. Mida waa airport ka doolow tiradooda waa 200 ilaa 250 askari wax tikniko ama gaadiid dagaal waxaa uyaala gaari dhashiiko ah, labo qori oo boobayaal tre piedi ah waxay u qotomaan dhulka caro loo tuurey labada albaab ee airport ka.
Goobta labaad waa barta koontrolka doolow ee Baladxaawo waxa uyaala gaari dashiiko ah, iyo ciidan 100 ilaa 150 askari ah. Barta kontaroolka doolow luuq waxaa jooga ciidan ilaa 100 gaaraya.
Goobta sadaxaad waa xerada teliska sadaxda goobood ee kabisa ilaa 150 askari iyo gaari qabaala oon qori sareen taliyaha wataa yaaley..waxaa jirey gaari shilka ah ayaan dhaweed ayey gediga xadoododa buundada dhinaca kale ciidan ujooga ugeeyeen.
Ciidankan waxay ubadan yihiin oroma qafaal ah dad dhaga xiran, mahan sidii ciidankii tplf tigreyga maha ahan ciidan tababarka aasasiga si buuxda usoo dhameestey oo waxay ka mid ahaayeen ciidan 2500 ah express ahaa oo gobalka liiban la keeney. Subixii barqada labada gaari qaraxa lagu weerarey xerada kabisa iyagoo firxada ayey boondada dhaafeen.
Intaa waxaa dheer maalin walba sidey ufakanayeen qoryaha ugadanayeen ayaa lagu soo rogey qofkii magaalada tagayo qoriga ma qaadan karo, tiro badan ayaa ka goosatey oo inta tuutaha bac ku xirey u goosta deegano kale, waayo wax dhaqaala ma helaan meel umuuqato doolow ilaa qoryooley dadka dadka beeraha uga shaqeeya waa ciidan kasoo goostey Ethiopia. Weliba waxaa jira dad isku xiran oo tahriibiya oo labada doolow joogo ufududeeya sidey ku geyn lahaayeen gobolada soomaaliya.
Ciidanka gaaska ee degan liiban amaba magaalada doolow adow, waxay ugu yeereen sadax urur guuto ayaa joogta doolow soomaaliya lkn waa been tirada sheegey ma dhama sadax urur, doolow adoow waxaa yaala 2bo taangi ilaa lix beebe 4 shilke iyo sekawe iyo dhashiike 8 xabo iyo dhowr madaafiic goob uu ku jiro hal bm.
Ciidankii gobalka gedo hassan sheekh ka qaadey celcelis waxuu ahaa gas ama labo guuto oo isugu jirey harmacad gaashaan iyo nisa iyo xoogga sna ku qalabeesan hub casri ah. Sida itobiya loo buunbuuniyo mahan xaalka. Iyaga waxaa ku furan mushaakil keena ka weyn.
Taliyaya ciidanka ugu sareeya hassan sheekh iyo wasiir faqi hadey weli fursadaha horyaalo ka faa'iidesan oo ay lumiyaan waa ayaan daro. Somalia waxay ubaahan tahay qalbi ay ku wajahdo marxaladaha jira ee bacda ah Ethiopia ciidan leh maanta waa been.
Ethiopia ciidanka ugu awooda badan ee ilaa bokool iyo cirifka waqooyi galbeed jooga waa liyuu polis. War bixinta xigta waa godey iyo waxay aheed 1977 iyo sidii tigreyga uga guurey awoodedi maqala. Iyo sida oromigaan markale awoodeedi ugu wareejiyey bahar daar iyo burburkii gasaskii magaca lahaa 1993 ilaa 97 ee tigreyga loo lumiyey.
Meesha qolfoof maran ayaa yaal.
FG. Waxaan ku jiraa isxilqaam iyo mudawacnimo shaqo aysan qabsan karin kuwa loo igmadey