15/06/2025
Xanuunka La Qabsiga Baraha Internetka (IAD) iyo Daawadiisa
Isbeddellada adduunka ka dhacay iyo xaddaaradaha hinqaday intuba waxay faraqa ku wataan dhib iyo dheef. Tiknoolojiyadda oo ah calanka casrigan taagan ayaa ah mid lagu tilmaamo seef laba af leh, taasi waxtarna kuu yeelannkarta, wax yeellana kuu geysan karta.
Waxa gacanta qof kaste oo qaangaan ah ku jira aalad yar oo jeebka lagu qaadan karo, hase ahaatee leh awoodda kumaankum walxood oo isku tagay. Aaladdaas, si qofku inteeda wanaagsan uga dheef qaato, inteeda xunna uga sallinmo oo uga badbaado waa in uu iska jiraa adeegsiga gurracan ee aaladdaas iyo si guud baraha internetka.
Waxa la aqoonsaday oo xanuun loo tix geliyay in La Qabsiga Baraha Internetku( Internet Addiction Disorder) yahay xanuun maskaxda ku dhaca oo u baahan daawo iyo la tacaalid. Waxa uu ka mid yahay balwadaha ugu yaabka badan ee casrigan soo ifbaxay ee u baahan la samatabixinta iyo daaweynta.
Haddaba, sidee ayuu qofku ula qabsasadaa baraha bulshada?
Balwaddani waxa ay ku samaysantaa in maskaxda aadanuhu leedahay dheecaan yar oo lagu magacaabo “Dopamine” kaasi oo ah mid u taagan carinta maskaxda iyo ku kicinta wax kaste oo qofku uu qabto. Robert Sapolsky oo sidaa sheegaya ayaa yidhi: “ Dopamine is not about pleasure, it’s about the anticipation of pleasure “
— Robert Sapolsky Author, Why Zebras Don't Get Ulcers
“Doobamiinku ma aha ka farxadda keena, balse waa filshada farxadda”.
Taa macneheedu waxa weeyi, in aad fal samayso waxa kugu kiciyaa waa dheecaanka Doobamiinka. Tusaale ahaan, sharaab ayaa halkaa yaal, kolka aad aragtid maskaxdaadaadu waxa ay soo deynaysaa Dobomiin si aad u cabtid, marka aad cabtid kadib na harraadkii ama gaajadii ayaa kaa ba'aysa. Falkaas ah cabidda sharabaabku waxa uu maray saddex marxaladood: midi waa "trigger" oo ah kiciyihii falka kugu qasbay, waana Doobaminka. Ka labaadina waa shaqadii ama hawshii "action", halka ka saxaadina yahay "reward" ama abaal marintii oo ah dhereg. Dheecaankani waxa uu bataa markaste oo hawsha la qabanayaa fuddahay, halka marka ay adagtahayna uu yaraado ama si adag uu ku soo baxo.
Maskaxda cajaa'ibteeda waxa ka mid ah, in goobta farxadda laga dareemo iyo halka xanuunka laga dareemaa ay isku meel ku yaallaan. Mar kaste oo qofku fal fudud sameeyo, kuna celceliyo, xaddigii dheecaanku wuu yaraadaa, maskaxduna waxa ay gashaan xaalad loo yaqaan (tolerance), oo ah in marka dheecaanku xadka ka baxay ay caadi u aragto oo xaalad caadi ah ka soo qaaddo oo la qabsato.
Sidaa awgeed, macaankii wuu soo koobmaa oo wuu isdhimaa, waxaana loo baahdaa xaddi aad u badan si qofku uu u dareemo macaankii h**e oo kale. Haddii qofka ay ku filnayd in uu saacad baraha bulshada ku jiro, marka uu falkaas si joogto ah ugu celceliyo, macaankii iyo farxaddii waa ay yaraadaan; kadib na waxa ay maskaxdu rabtaa si loo helo dhadhansigii h**e oo kale in la badiyo saacadaha, illa qofku uu gaadho heer aanu ka go'i karin.
Alle sw waxa uu maskaxda iyo jidhka si guud u sameeyay qaab uu isku dheellitirkiisa ku ilaashado, oo lagu magacaabaa (homeostasis). Maskaxdu marka ay xaaladdan gasho, waxay ay si otomaatik ah u kordhinaysaa xaddiga xanuunka, si uu u le'ekaado xaddiga macaanka iyo dhadhanka. Waxaana ay yaraysaa (Dopamine Receptors), Unugyada Doonamiinka Qaabilsan, illaa uu qofku la qabsado. Khalkhalkaasi waxa uu keenayaa in ay yaraato doonista wax qabad kaste oo kale, oo aan ahayn isticmaalka barahaa bulshada, waxaana qasma isku dheellitirnaantii maskaxda, heer ay maskaxdu ka maagto dhammaan fal kaste oo ayna dhadhankaa ka helayn.
Ugu danbayn, sidee loo daweeyaa balwadda la qabsiga internetka?
Heerkan marka uu qofku gaadho, waxa uu u baahanayaa wax maskaxdiisaa khalkhashay isku dheellitirnaantii u soo celiyaa; Waana dhaqanka ama caadada (Dopamine Detox/ صوم الدوبامين) Soonka Doobamiinka.
Soonka Doobamiinku waa in qofku iska soomiyo oo uu iska daayo dhaqan kaste, fal kaste iyo wax kaste oo uu raaxo iyo raynrayn ku dareemayo, kuwaasi oo aan ka dhalan hawl adag oo uu qabtay. Sida: baraha internetka, cuntooyinka macmacaanka ah ee aan caafimaadka u roonayn, dhaqannada liita iwm. Taa beddelkeedana uu qabto hawlaha uu dhibsanayo. si maskaxdii loogu soo celiyo heerkeedii dabeeciga ahaa.
Si aad u dhaqan geliso hannankan qaad tallaabooyinkan soo socda:
1. Muddo iska daa dhaqannadan maskaxdaada carinaya ee keenaya Deebomiinka xad dhaafka ah oo ka soon.
2. Si gaar ah baraha bulshada waxa ugu wanaagsan in aanad soo gelin halkii usbuucba maalin, oo aanad furin goloyaashaas. Halka sannadkiina aad ka maqanaanayso hal usbuuc oo dhammaystiran.
3. Sida ugu wanaagsan ee aad isku dheelli tirnaanta maskaxdaada Ku soo celin kartaa waa in aad qabato hawlaha waxtarka leh ee ay dhibsato; sida: akhrinta buug dhaadheer, socodka, hurdada, waxbarashada iwm, illaa ay makaxdu heerkeedii caadiga ahaa ku soo noqonayso. Waa in aad qabataa hawlaha ad'adag ee ay maskaxdu ka maagayso; xalku waa jidkaas, mid kalena ma furna!
–Wahiib Cali