25/01/2025
Xigto aanan xeer qaban!
Ku dhawaad sanad iyo bar ayaa laga joogaa markii Hay’adda Tayadhowrka Qaranka qabatay tartanka shirkadaha gudaha dalka ee loogu talagalay hubinta badeecadaha dhoofaya. Tartankaas waxaa u tartamay shirkado Soomaali ah, waxaana xafladda qabashada codsiyada tartanka ka qeyb galay Wasiirka Ganacsiga, Abdirishiid, iyo Mareeyaha SOBS, Xaawo Axmed, oo ah xigtada madaxweynaha.
Intii lagu jiray tartanka, shirkadihii ka qeyb galay waxay sugayeen in natiijada si hufan loo shaaciyo. Balse, muddo kadib waxay soo baxday in Mareeyaha Hay’adda, Xaawo Axmed, ay sameysatay shirkad gaar ah oo ay isla shaqadaas ku qabaneyso. Halkaasna waxaa lagu iska tuuray feylalkii shirkadihii kale ee tartamay, iyadoo shaqadii loo igmaday loo xiray shirkadda Xaawo Axmed.
Muddo sanad iyo bar ah kadib, shirkadihii qarashka badan geliyay sidii ay badeecadaha dhoofaya u hubin lahaayeen, iyagoo adeegsanaya shaybaaro casri ah, waxaa shaqadoodii lagu soo koobay in boono kaliya loo jaro alaabta dhoofaysa.
Madaxweyne, xigtadaadu xeer ma qabto miyaa?
Meeye isla xisaabtankii aad ballan qaaday?
Haddii musuqmaasuqa heerkan gaarsiisan uu ka dhex jiro hay’adaha dowladiga ah, maxay qabtaan?
Waxaa shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan waxqabad hufan iyo isla xisaabtan dhab ah, maahan in hay’adaha dowladiga ah loo adeegsanayo dano gaar ah oo qoysas lagu naas-nuujiyo. Madaxweyne, shacabkaaga waxay xaq u leeyihiin cadaalad iyo hay’ado si daacad ah ugu adeega danahooda.