07/09/2025
Dr. Guled Salah ayaa fariintaan kaga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka maaliyada Putland.
“ Mushahaarku waa xuquuq dastuuri ah iyo xaq shaqsiyeed, mana ahan shaxaad, kaalmo ama arrin lagu jees jeeso. Rubucl qarni kadib, waa ceeb iyo nasiibdarro wayn in weli shaqaalaha dawladda iyo ciidankeena xuquuqdoodii la dayaco loona dhigo wax aan qiimo lahayn.
Waxaa la joogaa xilli aan dib dambe loogu dulqaadan karin duudsiinta xuquuqda dadka u adeegaya dalkooda. Hoggaan xumada xukuumadda Deni waxay dhaawacday nidaamkeenii dawladnimo guud ahaan, waxaana taas usii dheer aragti gaabni, damqasho iyo dareen la’aan ku wajahan dayaca iyo duruufaha nololeed ee shaqaalaha, ciidamada iyo guud ahaan shacabka Puntland.
Miyaanay dulmi iyo ceeb weyn ahayn in aabe iyo hooyo shaqaale ah, ama wiil iyo gabar dhallinyaro ciidan ah oo naftiida u hibeeyay dalkooda, halkii la dhowri lahaa xuquuqdooda yar, in loogu beddelo aflagaaddo iyo dayac nololeed oo joogto ah?
Shaqaalaha iyo ciidamadu waa lafdhabarta dawladnimada iyo difaaca dalka. Waxaan ku baaqaynaa in xuquuqdooda si degdeg ah loo bixiyo, lana dejiyo hannaan sharci oo ka hortaga dib u dhac iyo ku tumasho dambe inaysan dhicin, sidoo kalana lala xisaabtamo masuuliyiyiinta masuulka ka ah dayacan , oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Deni.
Waxaan dhanka kale ka digayaa in sii socoshada duudsiinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamadu ay sii adkaynayso xaaladda iyo duruufaha nololeed ee qoysaskooda, taas oo horseedi karta niyad jab, habacsanaan maamul iyo amni xumo, sida haddaba dhacda in ciidamo duruufaysan ay xirtaan waddada dheer ee laamiga ah.