ABO Times

ABO Times Welcome to The Abo Times on Facebook, a place where people can discuss news and ideas. kala soco war wixii ugu dambeeyay dunida daafaheeda

19/08/2022

Waa Kuma ABWAAN MAXAMED IBRAAHIM WARSAME "HADRAAWI" Allah Unaxariisto

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u dabbaal degaya 62 guurada ka soo wareegtay aasaaska Xoogga Dalka Soomaaliye...
12/04/2022

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u dabbaal degaya 62 guurada ka soo wareegtay aasaaska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey.

SAAKAY IYO BALADWEYNE Ciidan ka gadoodsan hanaanka loomarayo kursiga Hop059 oo lafilayo in lashaaciyo liiska xulista erg...
28/03/2022

SAAKAY IYO BALADWEYNE

Ciidan ka gadoodsan hanaanka loomarayo kursiga Hop059 oo lafilayo in lashaaciyo liiska xulista ergada ayaa xirtay afaafka h**e ee taliska xerada Lamagalaay oo saaka lagu waday inaay ka dhacdo doorashada kursiga Hop058.

Maamulka iyo musharaxinta ayaa isku khilaafsan shaacinta liiska xulista ergada, waxaana lasheegayaa in maamulku uu xigsanaayo garabyo musharixiinta kamid ah.

Kuraasta 059, 019 iyo 039 ayaa weli aanan lafasixin liiska soo xulista ergada ayadoo lagu madlanaa in maalmo kahor lashaaciyo si doorashada kuraastas aay u dhacdo.

Xigasho Abdirisak M. Abdulle

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Boolii...
27/03/2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud ee dalka, kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.

Taliyaha ayaa Saraakiisha Ciidanka faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay argagixisada arxanlaaweyaasha ahi u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee birimagaydada ah, sidoo kalena la labo jibbaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan Caasimadda inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Cii...
26/03/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida & Guddoonka Gobolka Banaadir ayaa faray in ay kordhiyaan howl-gallada adkeynta amniga, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

26/03/2022

Xuutiyiinta Yemen ayaa gantaallo ku weeraray Warshadda Shidaalka ee dalka Sucuudiga, magaalada Jidda. Qiiq ayaa hawada is qabsaday, iyadoo Muuqaalou muujinayaan baaxadda dhibaatada.

Xuutiyiinta Yemen ayaa gantaallo ku weeraray Warshadda Shidaalka ee dalka Sucuudiga, magaalada Jidda. Qiiq ayaa hawada i...
26/03/2022

Xuutiyiinta Yemen ayaa gantaallo ku weeraray Warshadda Shidaalka ee dalka Sucuudiga, magaalada Jidda. Qiiq ayaa hawada is qabsaday, iyadoo sawirradu muujinayaan baaxadda dhibaatada.

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi h**e mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa xarunta Xisbiga Himilo Qaran...
25/03/2022

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi h**e mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa xarunta Xisbiga Himilo Qaran ku soo dhaweeyey Xildhibaan Cabdirasaaq Cabdullahi Ciid oo tartan adag kadib ku guuleystay Kursiga HOP #063.

23/03/2022

War Deg Deg: Rasaas ayaa laga maqlayaa hadda qaybo kamid garoonka Aadan cade, si gaar waxaa la tilmaamayaa in koox hubeysan ay weerar kaga soo galeen dhinaca marina Gate ee iskuul buluusiya.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka soo qaaday ay Qabsadeen hotel ku yaal afaafka h**e ee xerada Xalane, kaas oo ajaanibta iyo siyaasiyiinta soomaalida fadhiistaan kuna kulmaan.

Xigasho: Shabeelle

Xildhibaanad Ilhaan Omer oo ka mid ahayd xildhibaanadii waftiga madaxwayne Biixi la kulmay ayaa sheegtay in aanay si sax...
18/03/2022

Xildhibaanad Ilhaan Omer oo ka mid ahayd xildhibaanadii waftiga madaxwayne Biixi la kulmay ayaa sheegtay in aanay si sax ah u fahmin lahjada ay ku hadlayeen waftiga madaxwayne biixi.

Ilhaan cumar in kaste oo ay kasoo jeedo koonfurta Somaiya haddana wakhtigii ay u ordaysay kursiga xildhibaan nimo guud ahaan ba deegaanada Somalida Taageero wayn ayaa looga muujiyay.

Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Puntland ayaa soo gaba-gabeeyay doorashada golaha shacabka BJFS.Lixdii kursi ee...
18/03/2022

Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Puntland ayaa soo gaba-gabeeyay doorashada golaha shacabka BJFS.

Lixdii kursi ee ugu dambeeyay ayaa saakay doorashadoodu lagu qabtay magaaladda Garowe waxaana ku guuleystay xildhibaanada hoos ku qoran.

Cabdi ladiif Muuse ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-199.

Cismaan Cali Yuusuf ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-198

Maxamed Cabdulaahi Keyse ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-073

Sacdiya Xaaji Yaasiin ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-129

Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa ku guulaystay kursiga HOP191

C/risaaq Xasan Ahmed ayaa ku guulaystay Kursiga HOP 221

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Saddex Kulan Oo Kala Duwan La Yeeshay Mudaneyaal Ka Tirsan Aqal...
18/03/2022

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Saddex Kulan Oo Kala Duwan La Yeeshay Mudaneyaal Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku gudda jira safarkoodii shaqo ee Washington D.C ayaa kulamo muhiima la yeeshay Guddida Arrimaha Dibeda ee Aqalka congress-ka oo uu hoggaaminaayo Rep. Greg Meeks oo ah xildhibaan dimuquraadi ah oo laga soo doorto New York, oo uu wehelinaayo mudanaha dhigiisa ah ee ka socda xisbiga Jamhuuriga, Rep. Mike McCaul oo laga soo doorto gobolka Texas, waxa kale oo wehelinaysay Rep. Karen Bass oo ah gudoomiyaha Guddi Hoosaadka Afrika, ee aqalka Congress-ka oo ah xildhibaan laga soo doorto California. Waxa kale oo wehelinaayey mudaneyaasha kala ah; Rep. Chris Smith (R-NJ), Rep. Steve Chabot (R-OH), Rep. Young Kim (R-CA), Rep. Tim Burchett (R-TN), Rep. Brian Mast (R-FL), Rep. Ilhan Omar (D-MN) iyo Rep. Scott Perry (R-PA).

Dhinaca madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo weftigiisu waxay kulan gaara kula qaateen xafiiskiisa Mudane Chris Smith oo ah xildhibaan ka mida golaha wakiilada Maraykanka ahna xubinta ugu saraysa xisbiga Jamhuuriga ee kaga jira guddi hoosaadka Arrimaha Dibeda u qaabilsan Afrika. Waxaana la isla meel dhigay danaha labada wadan iska kaashan karaan ee dhinacyada amaanka, horumarka, dhaqaalaha iyo dhinacyo kale oo badan.

Sidoo kale Waxa isla maanta weftiga madaxweynuhu kulan wada jira la qaateen mudaneyaasha Aqalka Saree e Maraykanka ee kala ah Mike Rounds Iyo Chrin Van Hollen oo isaga hooseeya guddi hoosaadka Aqalka Sare ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, waxaanay labadaa mudane soo dhaweeyeen in Maraykanku xidhiidh dhaw la yeesho Somaliland.

Ugu Danbayn, mudaneyaal ka tirsan Golaha odayaasha dalka Maraykanka ayaa gudbiyey, una gudbiyey Dawladda Maraykanka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Maraykanka mooshin, ay xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka in uu u soo gudbiyo aqalka sare ee mudaneyaasha Maraykanka warbixin sannadle ah oo la xidhiidha caawimooyin Maraykanku siiyo Somaliland iyo in uu sameeyo daraasad ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga ee Maraykanku la samayn karo Somaliland, isagoo kaashanaya xoghayaha difaaca ee Maraykanka.

ALLAA MAHAD LEH

Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ABO Times posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share