27/08/2024
Yaa Bandow saaray Xeebta Liido?
Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii AL shabab ee Xeebta Liido waxaa la joojiyay Matooda Bajaajta ee Xeebta tagta, midii qof geysana waxaa la amray in aysan istaagi karin.
Waxaa la ceyriyay dhamaan Haweenkii Shaah iyo cunnada fudud ku iibin jiray agagaarka Xeebta iyo Laamiga, taasoo mugdi gelisay nolasha qoysas dan yar ah.
Waxaa dadkii shacabka ahaa loo diiday in ay Xeebta tagaan, halkaas oo ah meesha ay isugu tagaan dadka ugu badan waxaana ku sugan ciidan aan dadweynaha u ogoleen.
Dhamaan arrimahaan waxay sababeen in hoteeladii iyo maqaayadihii aysan qofna imaanin, goobaha Ganacsai ee Liido ayaa qarka u saaran in ay xirmaan waxaana xusid mudan in uusan jirin hal hoteel oo laga dhax heli karo 10 qof.
Al shabab, waxay weerarada u fuliyaan in ay dadka laayaan, si ay gudbiyaan sawir xun oo amni darro ah iyo in lagu kala tago halkii uu weerar ka dhaco, go’aanka Liido lagu go’doomiyay waxa uu taageeraya rabitaanka kooxda ee yaa bixiyay?