Eng. Mohamed A Mukhtar

Eng. Mohamed A Mukhtar Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Eng. Mohamed A Mukhtar, Digital creator, Mogadisho.

07/07/2025

𝐌𝐚𝐫𝐲𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐮𝐬𝐬𝐞𝐢𝐧 waa mid ka mid ah ardaydii si guul leh uga aflaxday Jaamacadda sannadkii 2017, iyadoo ka qalin-jabisay Kulliyadda Culuumta Bulshada, gaar ahaan qeybta Maamulka iyo Maareynta.

Marwada Maryan waxay si qoto dheer u sharxeysaa sida ay uga faa’iiday aqoontii ay ka heshay Jaamacadda muddadii waxbarashada, una noqotay saldhig muhiim u ah horumarkeeda xirfadeed iyo nololeed.

Hambalyo dhammaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaan idin kugu hambalyeynaynaa munaasabadda ...
05/06/2025

Hambalyo dhammaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaan idin kugu hambalyeynaynaa munaasabadda Ciidul Adxa oo maalinka berri ah ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee ciidda.

Ciid wanaagsan.

Waxaan hambalyo diiran u diraynaa dhammaan  ciyaartoyda Jaamacadda Horseed, gaar ahaan kooxda  𝐂𝐨𝐦𝐩𝐮𝐭𝐞𝐫 𝐒𝐜𝐢𝐞𝐧𝐜𝐞 & 𝐈𝐧𝐟𝐨𝐫𝐦...
26/05/2025

Waxaan hambalyo diiran u diraynaa dhammaan ciyaartoyda Jaamacadda Horseed, gaar ahaan kooxda 𝐂𝐨𝐦𝐩𝐮𝐭𝐞𝐫 𝐒𝐜𝐢𝐞𝐧𝐜𝐞 & 𝐈𝐧𝐟𝐨𝐫𝐦𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐓𝐞𝐜𝐡𝐧𝐨𝐥𝐨𝐠𝐲 oo maanta guul taariikhi ah ka gaartay tartanka ciyaaraha, iyagoo si geesinimo leh ugu guuleystay kaalinta koowaad.

Kooxdan ayaa soo bandhigtay ciyaar xirfad iyo isku-duubni ku dheehan tahay, taas oo ka tarjumaysa kartida iyo hannaanka wanaagsan ee ay jaamacaddu ku horumarineyso ardayda.

Sidoo kale, mahad gaar ah ayaan u jeedinaynaa Dean-ka Kuliyadda 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐰𝐚𝐡𝐢𝐝, 𝐢𝐲𝐨 𝐄𝐧𝐠𝐫. 𝐀𝐧𝐚𝐬 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐡 oo ah madaxa qiimeynta, kuwaas oo door muuqda ka qaatay diyaarinta iyo dhiirrigelinta ardayda.
Waxaa sidoo kale mahad ballaaran mudan Macallimiinta 𝐄𝐧𝐠𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐞𝐤 𝐢𝐲𝐨 𝐄𝐧𝐠𝐫. 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐤𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐏𝐲𝐭𝐡𝐨𝐧 , kuwaas oo si hagar la’aan ah gacmo furan ugu garab istaagay ardayda.

Guushaan waa mid u baahan in la xuso, la bogaadiyo, lagana dhaxlo dhiirrigelin dheeraad ah.
Hambalyo Kooxda CS & IT – waxaad tihiin iftiinka jaamacadda! oo maanta guul taariikhi ah ka gaartay tartanka ciyaaraha, iyagoo si geesinimo leh ugu guuleystay kaalinta koobka.

By Eng. Mohamed A Mukhtar

Waxaan si weyn ugu hambalyeynaynaa Hon jibril Abdirashid Haji Abdi oo loo magacaabay Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2aad e...
27/04/2025

Waxaan si weyn ugu hambalyeynaynaa Hon jibril Abdirashid Haji Abdi oo loo magacaabay Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2aad ee XFS.

𝐌𝐮𝐠𝐝𝐢𝐬𝐡𝐮 𝟐𝟓 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥-𝟐𝟎𝟐𝟓 -Seminar muhiim ah oo lagu diyaarinayo ardayda u fadhiisaneysa Imtixaanka Dugsiga Sare ee Form-4...
25/04/2025

𝐌𝐮𝐠𝐝𝐢𝐬𝐡𝐮 𝟐𝟓 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥-𝟐𝟎𝟐𝟓 -Seminar muhiim ah oo lagu diyaarinayo ardayda u fadhiisaneysa Imtixaanka Dugsiga Sare ee Form-4 ayaa si habsami leh uga socda Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Horseed International University.

Seminarkan oo ah mid wacyigelin iyo kobcinta aqoonta ah, waxaa kasoo qeyb galay ardayda sanadkan ka qalin-jabinaysa dugsiyada sare, iyagoo halkaas ka helaya talooyin iyo tilmaamo muhiim ah oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee ay imtixaanka ugu diyaar garoobi karaan.

Waxaana casharada iyo wacyigelinta si qoto dheer u bixinaya Ustaad Safaari Maxamed Nuur, oo ka mid ah macallimiinta khibradda leh ee Jaamacadda, gaar ahaan qeybta baridda manhajka sare. Ustaadka ayaa diiradda saaray muhiimadda istaraatijiyadda wax-akhriska, maareynta waqtiga iyo xirfadaha su’aal-falista imtixaanka.

Seminarkan ayaa qayb ka ah dadaalka Jaamacadda ee ku aaddan taageerada ardayda Soomaaliyeed, si ay ugu guuleystaan nolosha waxbarasho iyo tan xirfadeedba.

25/04/2025
25/04/2025
Hambalyo Hon Jibril Abdirashid Haji oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga XFS.
17/03/2025

Hambalyo Hon Jibril Abdirashid Haji oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga XFS.

Waxaan u hambalyeynayaa saaxibkey Yusuf Sheikh Osman iyo Najmo oo arooskooda  ka dhacay Muqdisho. Alle ha isku kiin bara...
17/01/2025

Waxaan u hambalyeynayaa saaxibkey Yusuf Sheikh Osman iyo Najmo oo arooskooda ka dhacay Muqdisho.
Alle ha isku kiin barakeeyo, guur kheyr leh Alle haka dhigo guurkiina.

HAPPY BIRTH DAY   MOHAMED ABDULLAHI
29/10/2024

HAPPY BIRTH DAY MOHAMED ABDULLAHI

Address

Mogadisho

Telephone

+252618340099

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng. Mohamed A Mukhtar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Eng. Mohamed A Mukhtar:

Share