10/08/2026
Beri waxaa jirtay waxbaridda gabdhaha ay waalidku u arkayeen wax aan macno buuran lahayn, xikmadina aysan ku jirin, maantana waxa aan joognaa heer ay xarun walba, kaalmaha ugu sarreeya ka joogaan, oo ay ayagii isciriirinayaan, ayaga oo aanay cid ka baxsani la tartami karin! Wax weyn oo waalidka Soomaaliyeed lagu ammaano waaye, gabdhahana loogu sacabtumo.
Dugsiga dhaxe oo ah meel uu ardaygu ka gudbo asaga oo aan weli garaadsan, ama da’diisu aad u yar tahay, in top10-kii ay gabdho ‘bes’ ahi ka soo muuqdaan, wiilashuna ay halkaa ka joogaan waxa ay caddayn buuxda u tahay kartida haweenka, sida ay waxbarashada ahmiyadda u siinayaan, iyo garabka waalidka oo marki h**e meesha ka maqnaa ama aanan xataa aad u muuqan. Waxa ay sidoo kale inna tusaysaa, daacadnimada iyo ka-libkeenidda ay gabdhuhu u hayaan hawlaha ay markaa qabanayaan, beddelka wiilasha oo waayadan isdhigtay.
Aad ayaan ugu hambalyaynayaa dhammaan ardayda soo baxday iyo inta kaalmaha sare gashay -gaar ahaan, gabdhahaa adkayaasha ah, natiijada iskuulka sarena mid aan tan ka yaraysan ayaan ka sugaynnaa Alle idankii in ay innooga farxiyaan.
Aqoonta oo la isku hubeeyo ayaa innoo ballan ah. Allaylehe.
Ilhaam Buuxo