01/11/2025
Nin xikmad badnaa, oo aanan xasuusan magaciisa ayaa laga diiwaan galiyay ereyadaan qiimaha badan;
1: Haddii dadku uga cabsoon lahaayeen naarta, sida ay uga cabsadaan faqriga, labadaba waa ay ka badbaadi lahaayeen.
2: Haddii ay u jeclaan lahaayeen jannada, sida ay u jecel yihiin hodantinimada iyo maalka, labadaba waa ay heli lahaayeen.
3: Haddii ay Alle uga dhowrsan lahaayeen marka ay keligood yihiin, sida ay uga dhowrsadaan marka ay dadka ku dhex jiraanna, adduun iyo aakhriba waa ay badbaadi lahaayeen.
Subxaannallaah.
Qaatumada kheyr Alle ha innoogu qatimo.