Qaranimo Online

Directions Website Contact the business

Qaranimo Online Qaranimo Online [www.qaranimo.com] was founded as the Somalia's Prominent Daily News Network on March 15, 2001.

Roobabka xooggani waxay saameeyaan xitaa dowladaha horumaray—laakiin farqigu waa diyaar-garowga!
18/09/2026

Roobabka xooggani waxay saameeyaan xitaa dowladaha horumaray—laakiin farqigu waa diyaar-garowga!

Roobabka xooggani waxay saameeyaan xitaa dowladaha horumaray—laakiin farqigu waa diyaar-garowga! Muqdisho — Qaranimo Online — 18-ka Sebtembar 2026 WARBIXIN IYO

Wasiirkii H**e ee Beeraha Somaliya Ahmed Madoowe Nuunoow Ahmed Baadhi Iyo Bashir Barre Oo Ka Mid ah Dhalinyarada ugu Saa...
12/08/2026

Wasiirkii H**e ee Beeraha Somaliya Ahmed Madoowe Nuunoow Ahmed Baadhi Iyo Bashir Barre Oo Ka Mid ah Dhalinyarada ugu Saameynta Badan Beesha Dabare

09/08/2026
Madaxda Dowlada Federaalka oo ugu h**eeyaan Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Senotero, xildhibaano, xildhibaano i...
07/08/2026

Madaxda Dowlada Federaalka oo ugu h**eeyaan Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Senotero, xildhibaano, xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed, culimada waa weyn ee soomaaliya, haldoorka haweenka, iyo bulsho aad u fara badan ayaa hoyga uu ka degan yahay Magalaada Muqdisho ku booqanaya Wasiir h**e Mudane Abdisalam Haji Hussein.

Abdisalam Sheikh Hussein wuxuu soo noqdey
Wasiirkii Garsoorka iyo Arrimaha Diinta intii u dhaxeysay 1973-1978, wasiirkii Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare, wasiirkii Beeraha, 1976dii wuxuu kamid ahaa Xubinihii Golihii Dhexe X.H.K.S, sidoo kale Xildhibaan ka noqday Golihii Shacabka , hada oo ah oday soomaaliyeed ku nool Wadanka Masar wuxuu safar booqasho ah ku joogaa Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Bulshada iyo madaxda soomaaliya ayaa hoygiisa u booqanaya si aan caadi aheyn taasi oo ka dhigan in uu yahay khabiir dowladeed faham fiican u leh geedi socodka dowlad dhiska curdunka ah ee dalkeena waana shaqsi waxbadan ka yaqaana dalka iyo dowladaha deriska la ah soomaaliya.

Bashir Barre iyo qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa booqday Wasiir H**e Rug-cadaa Siyaasadeed Dr. Cabdisalaam ...
07/08/2026

Bashir Barre iyo qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa booqday Wasiir H**e Rug-cadaa Siyaasadeed Dr. Cabdisalaam Sheekh Xuseen, oo muddo dheer kadib dalka dib ugu soo laabtay.

Dr. Cabdisalaam Sheekh Xuseen ayaa kamid ahaa masuuliyiintii xilal wasiirnimo oo kala duwan kasoo qabtay dowladdii kacaanka, isagoo leh waayo-aragnimo dheer oo dhinaca siyaasadda iyo maamulka ah.

Booqashada ayaa ahayd mid lagu muujinayo ixtiraamka loo hayo haldoorka dalka iyo ka faa’iidaysiga waayo-aragnimada jiilashii h**e.

06/08/2026

Rug caaad Siysyadeeed DR CABDISALAAM SHEEKH XUSEEN

06/08/2026

DEG DEG:Xildhibaan Saransoor Musharrax Jaamac wax siyaasadda soomaaliya Weligeed lagu arkin ayuu sameyey mucaarad iyo muxaafad ayaa isku wato oo wada dhisaya.

06/08/2026

Golaha Wasiirrada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha Soomaaliya, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Hindise-sharciyedkan wuxuu dhisayaa hannaan sharciyeed oo lagu caddeynayo laguna aqoonsanayo asalka badeecadaha lagu soo saaro Soomaaliya, isaga oo kor u qaadaya kalsoonida badeecadaha Soomaaliyeed, ilaalinaya sumcadda astaanta “Made in Somalia”, isla markaana xoojinaya tartan-joogtaynta ganacsiga dalka.
Sidoo kale, sharcigani wuxuu meesha ka saarayaa caqabadihii muddada dheer ku horgudbanaa ganacsatada Soomaaliyeed ee la xiriiray helitaanka Shahaadada Caddeynta Asalka Badeecadaha (Certificate of Origin). Marka uu dhaqan galo, wuxuu dalka u suurtagelin doonaa in si qaran loo bixiyo shahaadadan, taas oo sahleysa in badeecadaha Soomaaliyeed si toos ah u galaan suuqyada gobolka, qaaradda iyo caalamka.
Sharcigan wuxuu door weyn ka qaadan doonaa kobcinta dhoofinta, horumarinta warshadaha gudaha iyo dhiirrigelinta wax-soo-saarka, soo jiidashada maalgashiga, iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ka dhasha heshiisyada ganacsi ee heer gobol iyo heer caalami, gaar ahaan Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada ansixinta hindise-sharciyeedkan, isaga oo ku tilmaamay tallaabo istaraatiiji ah oo lagu dhisayo nidaam ganacsi oo casri ah, sharci ku dhisan, isla markaana sare u qaadaya sumcadda iyo tartan-joogtaynta badeecadaha Soomaaliyeed.
Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha Soomaaliya wuxuu ka tarjumayaa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha dhaqaale ku saleysan wax-soo-saar, warshadeyn iyo dhoofin, si badeecadaha Soomaaliyeed ay u helaan aqoonsi rasmi ah una gaaraan suuqyada gobolka iyo kuwa caalamka. See less

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta gaaray mag...
06/08/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Masuuliyin sare oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari oo isugu jiro Wasiirro , Xildhibaanno iyo Mayorka Degmada Laascanod ayaa soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha oo u gaaray halkaasi dadaallada Hay’addu ku xoojinayso gurmadka iyo taageerada bulshada ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo.
Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, Guddoomiyuhu wuxuu dhawaan si rasmi ah u daah-furi doonaa Barnaamij Gargaaar oo qeyb ka ah ka jawaabista xaaladaha Abaaraha ee qoysaska nugul kaasi oo laga sameyn doono degmooyin katirsan maamulka Waqooyi Bari. See less

Danjire Abuukar Baale ayaa la aaminsanyahay in Loo wado wasiirka Arr.Dibada ee soo socda
06/08/2026

Danjire Abuukar Baale ayaa la aaminsanyahay in Loo wado wasiirka Arr.Dibada ee soo socda

Address

Mogadishu
MOGADISHU

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qaranimo Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qaranimo Online:

Shortcuts

Share