04/08/2019
Horudhaca: Liverpool Vs Manchester City _ Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka adag ee FA Community .
Maanta waxaa la ciyaarayaa kulanka koobka FA Community Shield, iyadoo Manchester City iyo Liverpool ay koox waliba eegeyso inay hanato koob bilowga xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20.
Kulankan Community Shield ayaa waxa uu Liverpool iyo Man City ku dhexmari doonaa garoonka Wembley ee ku yaala Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.
Kooxda ku guuleystay horyaalka Premier League iyo FA Cup-ka ee Manchester City ayaa FA Community Shield la ciyaari doonta kooxda kaalinta labaad ka gashay horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii h**e ee Liverpool.
* Ogeysiiska Ciyaarta:-
* Tartanka: FA Community Shield
* Taariikhda: Axad, 04 Agoosto 2019
* Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 5:00 galabnimo xilliga geeska Afrika.
* Garsooraha: Martin Atkinson
* Garoonka: Wembley (London).
* Wararka Kooxaha:-
Daafaca kooxda Liverpool ee Nathaniel Clyne ayaa garoomada ka maqnaan doona lix bilood kaddib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray kulankii ay wajaheen Borussia Dortmund.
Sadio Mane ayaa ka maqnaan kara kulankan, halka Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Naby Keita aysan u badnayn inay ciyaaraan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.
Macallinka Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijisay liiska xiddigaha uu kala hortagayo Liverpool, waxaana ka maqnaa kaliya Fernandinho iyo Benjamin Mendy oo dhaawacyo qaba.
sadaali yaa badin doona
Maxaysa ku dhamaan doontaa ciyarta
like saar pageka