Abdimajiib somane

Abdimajiib somane ku soo dhawow page ka SOMANE MEDIA aad kala socon doonto warar xaqiiq ah iyo arimaha technology

Menti carabi cusub Product by somali
05/09/2019

Menti carabi cusub
Product by somali

Asluma caykuma ....all muslims
02/06/2019

Asluma caykuma ....all muslims

Dawladda maxaa ku dhacay war ninkaan waa nin uu bahan inuu soo caan baxo oo uu bahan inuu social media ka helo magac ......
28/05/2019

Dawladda maxaa ku dhacay war ninkaan waa nin uu bahan inuu soo caan baxo oo uu bahan inuu social media ka helo magac ...lakiin dawladda waxan leeyahay ..iska dhaaf yuu idinku soo caan bixine
Somali maxmed waye arktay ninkaan wuxuu yahay iyo wuxuu kalo intaba

22/05/2019

Qarax xooggan oo had ka dhacay magaladda muqdisho
La soco wixii fahfahin ah

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka...
21/05/2019

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, ay gabi ahaanba la wareegeen Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Jubbaland. Sababta ay Ciidamada Kenya uga baxeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, ayaa la sheegay in tahay amar ka soo baxay Saraakiisha Midowga Afrika ee AMISOM,waxaana wararka qaar ay sheegayaan iney ka baxayaan Ciidamada Kenya ee ku sugnaa gobolka Jubbada Hoose.

dhanka kale warar aan heleyno ayaa sheegaya in amarka ciidamada Kenya ay kaga baxeen garoonka diyaaradaha inay bixiyeen taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana wararka Qaar ay sheegayaan in ciidamada Kenya laga saarayo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in ciidamada Kenya saaka laga saaray saldhig ay ku lahaayeen Jaamacadda magaalada Kismaayo iyo saldhigyo kale oo ku yaala Jubbada Hoose

La soco wixii ku soo kordha
Somane .media

19/05/2019

Qarax ay dhacay magaladda muqdisho ay la sheegey inuu ka dhacay inta uu dhexeyso beerta nabad iyo SYL hotel ....
La soco warar xaqiiq ah

19/05/2019

Qarax ayaa gordhaw kadhacay magaalada muqdisho .

Lasoco faafahinta

Madaxweynaha Puntland oo furay shirka Iskaashiga Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.Garoowe, May, 12, 2019: Mada...
13/05/2019

Madaxweynaha Puntland oo furay shirka Iskaashiga Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Garoowe, May, 12, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay shirka Iskaashiga, xiriirka iyo wax wada-qabsiga dowladdaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ee kala ah Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, maadaama Puntland h**e xiriir iskaashi ula lahayd Jubbaland iyo Galmudug.

Shirkan oo ka furmay Garoowe waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirkan iskaashiga ah

"Runtii waxaa sharaf weyn noo ah inaan halkan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, waxaan ku faraxsanahay inay madashan joogaan saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah". Ayuu yiri Madaxweynaha Dowaladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale bogaadiyey iskaashiga iyo xiriirka cusub ee dhexmaraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

"Waxaa si gaar ah sharaf weyn noogu ah Puntland inay maanta labadan maamul ay wadayeeshaan iskaashi iyo xiriir, iyadoo hadda ka hor dowladdaha Galmudug iyo Jubbaland u dhexmareen heshiisyo iyo shirar noocaan oo kale ah oo ay iskaashi iyo wax wadaqabsi uga wadahadlayeen". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka ee dhinacyada ganacsiga iyo wadashaqaynta dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Address

Banaadir_shibis
Mogadishu

Telephone

+252618838336

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdimajiib somane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdimajiib somane:

Share