Damalka Ay Soomaali Wada Harsato

Damalka Ay Soomaali Wada Harsato Salaan sharaf badan kaddib, waxaan farxad noo ah inaad nugu soo biirto. Waxaan halkaan idiinkugu soo
(2)

23/07/2022
Subax subaxyada ka mid ah ayuu xaafaddiisa ka jarmaaday. Goor barqo dambe ayuu xaafadda ku soo laabtay si uu u quraacdo,...
03/10/2021

Subax subaxyada ka mid ah ayuu xaafaddiisa ka jarmaaday. Goor barqo dambe ayuu xaafadda ku soo laabtay si uu u quraacdo, wuxuuna ku fariistay kursi iyo miis xaaskiisu ay uhoos dhigtay geed har wayn oo guriga ku yaala.

Canjeelo iyo suqaar afadiisu ka soo shaqaysay asagoo cunaya oo si fiican ugu raaxaysanaya ayaa korkiisa qalaalixiso (Waa mid ka mid ah bahda bulaca oo badanaa laambadda agteeda lugu arko) ka soo dhacday. Waxay qarka uga dhacday saxankii canjeeladu ugu jirtay, dabadeedna asagoo arkay ayay carartay.

Qalaalixisadii markii ay ka qarsoontay ayuu aaminay in uu cunay/laqay xayawaankii yaraa ee saxanka geeska uga dhacay. Intaas kuma joogsane matag ayuu ku joog-joogsaday. Canjeeladii uu cunay iyo intii hartay ayuu isku daray. Biyo ay xaaskiisu siisayna waa soo rogay, beerka ayuuna ku dhegay asagoo ku aadaaraya "Alla! Bahalku beerka ayuu iiga dhegganyahay!"

Xaaskiisii ayaa isku dayday inay kaniino, caano iyo wax walboo ay markaa daawo u arkay agtiisa soo dhoobtay, balse wax isbeddel ah waa yeela waayay oo wax walba waa soo matagaa.

Intaas kaddib, waxay wacday dumaashigeed oo ay deris ahaayeen, waxayna usheegtay inaysan xaaladda ninkeeda ku soo kortay, siday umaamushay iyo inaan wax isbeddel ahi weli ku imaan oo uu bogga ku dhegganyahay isagoo ku aadaarayo "Bahalku beerka ayuu iiga dhegganyahay."

Ninkii ay wacdaye dumaashigeed ahaa wuxuu gaari ku soo qaaday DHAQTAR CILMU-NAFSIGA yaqaanna oo ay saaxiibbo ahaayeen, isagoo usheegay sida ninka loo hayo iyo waxa uu ka sheeganaayo. Waxay u yimaadeen asagoo qayirmay siduu u matagaayay oo bogga ku dheggan, kaddibna way waraysteen.

DHaqtarkii ayaa waydiiyay sida loo hayo. Waxa uu usheegay in uu bahal beerka uga dhegganyahay. DHaqtarkii waa u laab qaboojiay ninkii xanuunsanaa, wuxuuna ka dadkii guriga joogay inay ukeenaan galaas biyo ah iyo galaas caano ah. Waxa uu sidoo kale si qarsoodiya u dalbaday in qalaalixisadii la soo dilee loo keeno, waxaana loogu keenay si uusan bukaanku ogayn.

Waxa uu dhaqtarkii ku yiri ninkii xanuunsanaa, "Cab galaaska biyaha ah si aan u ogaado dhinaca bahalku kaaga dhegganyahay", waana cabay oo haddana soo matagay. Waxa uu markale yiri, "Hadda ayaan ogaaday dhinaca uu bahalka kaaga dhegganyahay, waana soo baxaaye cab caanaha si uu usoo raaco".

Markii uu galaaskii caanaha ahaa dhammeeyey, ayuu soo matagay, dhaqtarkiina qalaalixisadii la soo dilay oo uu gacanta ku haayay ayuu ku dhex tuuray mataggii, kaddibna ku yiri "Maasha allaah. Bahalkii waa kaa soo baxay waa kaas matagga soo raacay". Dabadeed ninkii oo xanuunkii ka fuqay ayaa yiri "Haah! Iga tag waa iga fuqay bahalkii beerka iiga dhegganaay".

Mahadsanid walaalka aqriyay. La wadaag saaxiibbadaa.

Waxaa qoray: Axmednur Xooteeye

DHulkaan bilicda qurxoonu waa deegaanka  , duleedka Waqooyi-bari ee caasimadda DHuusamarreeb.Waxaa sawirradaan qaaday ma...
09/06/2020

DHulkaan bilicda qurxoonu waa deegaanka , duleedka Waqooyi-bari ee caasimadda DHuusamarreeb.

Waxaa sawirradaan qaaday macallin Soomaaliyeed, (Abdimajid Mohamed Osman Mohamed), oo aan uga mahadcelinayno hawsha miisaanka wayn ee uu isu xilsaaray.

Dalku waa nabdoon yahay!

SHeeko xigmad badanBeri baa waxaa dhacday in nin maalqabeen bakhayl ah uu lacag daymiyay nin ganacsade ahaa. Dib u dhacy...
08/06/2020

SHeeko xigmad badan

Beri baa waxaa dhacday in nin maalqabeen bakhayl ah uu lacag daymiyay nin ganacsade ahaa. Dib u dhacyo badan kadib, ninkii ganacsada ahaa waa awoodi waaye inuu lacagta dayntaa iska gudo.

Ninka maalqabeenka bakhaylka ah waxa uu isha ku hayey gabar dhalinyaro ah oo filsan (Qurux badan) oo uu dhalay ninka isaga u qaameeysan oo daynta ka qaatay!

Isagoo iska dhigaya inuu yahay qof caawin badan, ayaa waxa uu soo jeediyey in haddii ninka ganacsadaha ahi uu ogolaado inuu gabadhiisa u guuriyo daynta ka cafin doono. Haddiise, Ganacsaduhu ku fashilmo inuu daynta iska bixiyo uu hoog iyo ba' la kulmi doono.

Gabadha iyo aabaheedba waxa ay ku sugnaayeen xaalad dhiilladeeda wadata!

Maalqabeenki bakhaylka ahaa isagoo iska dhigaayo inuu yahay nin deeqsi ah, ayaa waxa uu soo jeediyey in qori tuur lagu dhameeyo howsha marka dhinaca nasiibku u hiilliyo ayaa guuleeysan doona.

Maalqabeenki bakhaylka ahaay waxa uu yiri '' Waxaan laba dhagax gaar ahaan nuuca ( dhagax dixeedka xeebaha iyo wabiyada qarkooda laga helo) oo (mid cad & mid madow) dhax dhigi doona boorso madhan ; gabadha ayaa gacanta galineysa boorsada si ay mid u soo qaado!

Haddii ay dhagaxa madow soo qaado, waa inaad ogolaataan inaan guursado gabadha dayntana waa idinka cafinaayaa, haddiise midka cad ay soo qaado, qasab ma noqoneeyso inaan is guursanno dayntana waan cafinayaa.''

Gabadhu kaliya ma ahayn in ay qurux badneyd, balse waxa ay aheyd cabqariyad caqli badan. Gabadhii yareyd qorshihii uu soo jeediyay bakhaylkii way soo dhoweeysay sababtoo ah ma aysan dooneeyn in aabaheed xabsi u galo daynta lagu leeyahay darteed.

Maalintii qori tuurka ayaa la gaadhay dadkii tuulada oo dhami waxa ay u soo daawasha tageen arinta lagu go'aaminaayo qori tuurka iyo cidda nasiibku u hiillin doono.

Waxa ay taagnaayeen wabiga qarkiisa meeshaas oo dhagax dixeedku u daadsanyahay si tira beel ah!

Maalqabeenki daynta bixiyay waa uu rogmaday ( foorarsaday) si uu u soo qaado labadii dhagax. Waxa uu iska eegay dhinacyada si uu u hubiyo khayaanadii uu ku tala galay fulinteeda.Waxa uu soo qaaday laba dhagax oo madow si ay ugu suurta gasho inuu gabadha hantiyo.

Si daggan ayay gabadhu u daawaneeysay khiyaanada uu sameeynaayay ninka maalqabeenka ahi, waxayna aheyd qofka kaliya ee fahmay dibindaabyada ku gadaaman arinta qori tuurka.

Gabadhii waxaa loo sheegay in ay hal dhagax soo qaado kaasoo nasiibkeeda iyo kan aabeheedba ku xiranyahay.

Kala doorashadu ma sahlana. Waa in ay kala doorataa ama nolosheeda oo meel aysan jecleeyn u hagtaa ama aabaheed oo dhibaato kala kulmo wax si uun loo furdaami karo; diyaar uma aysan aheyn labadaba, gaar ahaan midda aabaha.

Sida tan ayay sameeysay.

➡️➡️➡️➡️➡️➡️➡️➡️➡️.

Waxa ay gacanta galisay boorsadii si ay u soo qaado hal dhagax iyadoo si buuxda uga war hayso labada dhagaxba in ay madow yihiin oo khiyaano iyo jallaafo is huwan meesha lagu diyaariyay!

Markii ay gacanta ka sii bixineeysay boorsada iyadoo xabad dhagaxa soo qaaday, ayay si ula kaca iska dhigtay qof miir daboolmay dabadeedna istaagga ka dhacday dhagaxii ay soo qaadayna dhulka ku sii daysay si uu ugu dhax qasmo dhagaxdii kale ee meesha daadsanaa!

Way sara joogsatay, raalli galinna way ka bixisay arinta dhacday ee la xidhiidha xanuunka ku soo booday. Waxa ay tiri '' Aan fiirino midabka dhagaxa boorsada ku haray - Taas oo noo sheegi doonta midka aan qaaday!'' Dhagaxa boorsada ku jiro dabcan waa madow, waxaana loo qaatay midka ay qaaday inuu ahaa midkii cadaa.

Jamaahiirtii tuulada hortooda, ninkii maalqabeenka bakhaylka ahaa kuma dhicin inuu aqbalo daacad darradiisa. Waxa uu ku qasbanaaday inuu la noolaado go'aankiisii qori tuurka sidaas ayayna gabadhii iyo aabihii xor ku noqdeen!

Gabadha ficilkeeda waxaa hagaayay rabitaan lagu ilaalinaayo Sharaf. Waxa ay aheyd dhiirranaanteeda waxa ku caawiyay in ay is dajiso kana fakarto xal caaqiba leh oo ku aadan arinta ku gadaaman qori tuurka!

Fakarkeeda dag daga ahi waxa uu muujiyay in xikmaddu ay tahay oo kaliya dabbaqaadda waqtiyeeysan ee halabuurnimada iyo caqliga oo laga shaqeeysiiyo goorta ay xaaladdu cakirantahay.

Kaliya dadka dhiirran ayaa aqbala caqabadaha nolosha si ay ugu noolaadaan xushmo iyo Sharaf.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Ahmed Nor Sheikh Ali

29/05/2020

Aabe aya xaaskiisii ka dhimatay waxayna udhashay 5 gabdhood,hadaba aabihii wuxu dadaal dheer umuujiyay sidoo u guurin lahaa gabdhihiisa wuuna ku guulaystay,laakin gabadhii ugu wayneed ayaa diiday guurka waxayna ku tiri aabow aniga adiga ayan rabaa inaan ku xanaaneeyo guurna ma rabo.
Gabadhii way xanaaneenaysay aabaheed illaa uu ka dhintay.

Markii odaygii la aasay ayay gabdhihii fureen warqadii dardaarankii odayga waxayna uqorneed sidatan:-(guriga lama qaybsan karo illaa ay ka guursato walaashiin).
Gabdhihii kale ee afarta ahaa way iska dhaga tireen dardaarankii aabahood gurigii ayayna beec uraadiyeen balse gabadhii baariyada ahayd waxay utagtay ninkii guriga iibsanayay waxayn oga sheekeesay qisadaydii iyo saday gabdhihii walaalaheed ahaa isaga indha tireen dardaarankii aabahood marka inuu udulqaato bilo intay meel kale ka helayso ay ku noolato si ay usii dganaato guriga wuuna ka aqbalay ninkii.
Hadaba guriga aya la gaday wayna qaybsadeen shantii gabdhood kadibna afartii gabdhood kale mid waliba markay qaybteedii qaadatay waxay aaday gurigeedii mana aysan ka fakarin walaashood iyo waxa udanbeenayo iyo meeshay ku noolaanayso.
Madadii aya dhamaatay ninkii ayaana guriga yimid waxayna umaleesay gabadhii inuu guriga ka saarayo waxayna tiri wll ii sabar wali meel ma helin.Ninkii aya yiri kugu imaan inaan guriga kaa saaro ee waxan kugu imid inaan warqadan maxk**ada ka soo qoray kugu wareejiyo guriganna wa meherkaaga hadii aad iga ogolaato inaan ninkaaga noqdo oo aan ku guursado.Allahu Akbar
Gabadhii farxad ayay la ooyday wayna ogolaatay inuu guursado ninkii taajirka ahaa. Masha Allah.

إن الله لا يضيع أجر المحسنين.
Alle marnaba ma dayaco ajarka dadka wangsan.

Fadlan wll ma ahan qasab hadii aad dhamaysay aqrinta ku Sali Nabigeena muxamad صلى الله عليه وسلم
Lana wadaag asxptaada kale jazakallahu Kheyr.

Xikmadihii Iyo Odhaahyadii Imaamu Qasaali (Faylasuufkii Muslimka ahaa ee reer Beershiya)================================...
18/05/2020

Xikmadihii Iyo Odhaahyadii Imaamu Qasaali (Faylasuufkii Muslimka ahaa ee reer Beershiya)

================================================================

1: “Ninkii dhaqan xun lihi, naftiisuu ciqaabaa.”

2: “Waxa aan la dooday boqol aqoonyahan waana ka guulaystay, waxa aan la doodday hal jaahil waanu iga guulaystay.”

3: “Waligay lamaan dhaqmin wax ka adag naftayda; marna waa ay i caawisaa marna waa ay iga soo horjeesataa.”

4: “Munaafiqiintu waxa ay raadiyaan cilado; mu'minku waxa uu raadsadaa cudurdaar.”

5: “Hala murmin qofna; waayo, muran baa waxyeelo badan oo sharkiisu ka weyn yahay khayrkiisa. Sideedaba muranka waxa laga dhex raadiyaa qofka saxan ee lama raadiyo waxa saxan.”

6: “Aqoon billaa ficil ahi waa waalli, ficil billaa aqoon ahina waa faan.”

7: “Si aad u hesho waxa aad jeceshahay, waa in aad marka h**e u dulqaadataa waxa aad neceb tahay.”

8: “Rabitaanku waxa uu ka dhigaa addoommo boqorro; dulqaadkuna waxa uu boqorka ka dhigaa addoon.”

9: “Haddii kuwa aan aqoonta lahayni faraha kala bixi lahaayeen dooddaha aqoonta u baahan, isqabqabsigu wuu dhamaan lahaa.”

10: “Hantidaadu waa waxa kuu soo hadha marka markab kula qaraqmo.”

11: “Waa in aad wadnahaaga galisaa in wax kasta oo Alle inoo gartay uu yahay kan u habboon una waxtarka badan.”

12: “Dhagarta uu caqligu maaggan yahay, waxa lagula dagaallamaa anshaxa. Awoodda-xanaaqu dhibaatada ay maaggan tahay waxa lagula dagaallamaa dulqaadka. Sharka shahwaddana waxa lagula dagaallamaa dhawrsoonaanta.”

13: “Waxa khilaaf caalamka ka dhacay oo barakada khilaaf baabbi’intiinu ay keentay, waa wax aan h**e loo arag.”

14: “Akhlaaqdu waa wax ku jira bani aadamka, taas oo ka soo daahireysa ficilada uu qofku si fudud usameeyo isaga oo aan ka fikirin ama ka fiirsan arrinka.”

15: “Ilaahay waxa uu shan barbardhigay shan kale.

● Cisiga Ilaahay waxa uu garab dhigay daacada, qofkii cisi raba daacada ha ogaado.

●duligana Ilaahay waxa uu barbardhigay macaasi, qofkii macaasi sameeyaa diyaar ha u ahaado dulinimo.

●Haybadna Ilaahay waxa uu garab dhigay Salaatu-Leylka, qofkii haybad rabaa salaa-leylka ha ogaado.

●Xikmadana waxa la garab dhigay calool-madhnaan, qofka xikmadda rabaa ha ogaado gaajada.

●Qanaacadana waxa la garab dhigay qaninimada, qofkii qanaaco Alle siiyo waa qani.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo

14/05/2020

Bal u fiirso:

Markaad hesho wixii aad rabtay(raadinaysay), alle ayaa kugu hagay.

Markaad heli wayso wixii aad rabtay(raadinaysay), alle ayaa kaa ilaaliyay. 🤔🤔🤔

Alle ayaa wayn, asaga ayaana mahad iska leh.

Sanad kahor xalay oo kale ayaa boggaan hawada la soo geliyey. Alle mahaddii in dad badani wax ka faa'iideen. Waxaan u ma...
02/05/2020

Sanad kahor xalay oo kale ayaa boggaan hawada la soo geliyey. Alle mahaddii in dad badani wax ka faa'iideen.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan saaxiibbada ka faa'iidaysatay, saaxiibbada sabab u noqday in aqristayaal badani ku soo biiraan waxna ka aqristaan Damalka Ay Soomaali Wada Harsato, saaxiibbada na dhiirrigeliya iyo inta ay u suurtageli waysay ama fursad u waayey bogga.

DHanka kale, waxaan ka cudurdaaranaynaa in bilihii dambe qeybtii daabicidda qisooyinka iyo sheekooyinka kale.

Waad mahadsan tihiin mar kale. Soonqaad suubban.

QISO WAX BADAN KUU IFTIIMIN DOONTAGabar kasoo jeeda qoys hodana ama ladan, oo u dhalatay dal ka mida dalalka Reer galbee...
28/04/2020

QISO WAX BADAN KUU IFTIIMIN DOONTA

Gabar kasoo jeeda qoys hodana ama ladan, oo u dhalatay dal ka mida dalalka Reer galbeedka, ayaa dalxiis u tagtay dal ka mida dalalka saboolka ah ee ka tirsan waxa loo gu yeero; "Dunida Saddexaad!!".

Matxafka Qaranka ayey ku la kulantay nin aad u faqiira. Waxa uu ku yiri; "Alle dartii". Waxa ay ku tiri; "Maxaad leedahay?". Waa isfahmi waayeen. Sawir ayey la gashay, walow aysan wax u tarin!!

Waxa ay u laabatay dalkeedii. Waxa ay wacday wiil ay saaxiibba ahaayeen, oo Jaamacadda ay isla dhigan jireen. Waxa ay weydiisay micnaha "Alle dartii". Waxuu u sheegay in uu ahaa qof aad u saboola, oo wax u weydiistay Ilaahey dartiis.

Waxa ay dareentay caro. Waxa ay go'aansatay in ay caawiso qofkii ay ku la kulantay Matxafka hortiisa. Sawir ay la gashay ayey heysatay.

Waxa ay la hadashay aabbaheed, oo ah shakhsi maalqabeena, waxayna u sheegtay in ay rabto caawinta qofkaas, oo ay ka seexan la'dahay dareenkii ay ku aragtay!! Aabbaheed waxa uu siiyey hal milyan. Waxa ay la xariirtay Safiirka dalkeeda u fadhiya dalkii ay ku argtay qofkii dareenka ku reebay, waxayna u sheegtay in ay rabto caawinta shakhsi maalin walba soo hor fadhiista Matxaf hebel.... Waxa ay u sheegtay cinwaanka Matxafka, magaalada iyo qofkii.

Waxa ay siisay hal milyan oo Dollar. Waxa ay ugu soo hagaajisay Safaaradda dalkeeda. Safiirkii marka uu arkay lacagta tiradeeda, waa uu yaabay. Waxa uu si musuq ku jira u gaaray in uu labaatan kun u dhiibo Taliyaha Gobolka uu degan yahay qofka faqiirkaa ee la raadinayo!

Taliyihii Gobolka markii uu arkay labaatan kun oo Dollar oo loo wado shakhsi faqiira, waxa uu go'aansaday in uu wax gacanbidixeeyo. Tobban kun ayuu la haray. Tobbankii kale waxa uu u dhiibay Duqa Magaalada uu degan yahay qofka saboolka ee sidaan oo dhan loo raadinayo.

Duqii Magaalada markii uu arkay tobban kun oo la siinayo nin Matxafka uun ka hortuugsada. Waxuu go'aansaday in uu lacagta wax ka la haro. Laba boqol oo Dollar in la siiyo ayuu durbadiiba go'aamiyey. Labadii boqol waxa uu u sii dhiibay Boliska Dowladda Hoose, si ay u gaarsiiyaan miskiinka.

Boliskii labadii boqol waa sii ka la reebeen. Ugu dambeyntii, ninkii miskiinka ahaa ee halka milyan ee Dollar gabadhu ugu deeqday waxa uu helay Boqol Dollar oo qura, waana lagu sawiray, waxaana lagu yiri; "Allaah Gaalib!".

Qisadu nuxurkeedu waxa ay na tuseysaa in waxa soo gaara dadka saboolkaa, marka wax loo gu soo dhiibo Safiir, Hayad, Dowlad, Goddoomiye NGO iyo duul baas ay yihiin wax magacuyaala!! Waa xaaladda hadda ay ku sugan yihiin shicib aad u fara badan oo dunida tan haatan ku nool!!

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Cabdicasiis Maxamed Shidane

Nin ayaa arkay mas lagubay si uu u dhinto, wuxuuna go,aansaday inuu dibada keeno kana  soo saaro dabka, markuu sameeyay ...
26/04/2020

Nin ayaa arkay mas lagubay si uu u dhinto, wuxuuna go,aansaday inuu dibada keeno kana soo saaro dabka, markuu sameeyay maskii ayaa Qaniinay.

Sababtoo ah xanuun daran ayaa hayay maska , ninkii ayaa maskii dhulka ku tuuray, hadana si toos ah ayaa wuxuu ku noqday xagii dabka mar kale,

Ninkii ayaa Bir soo qaatay si uu maska dabka uga soo saaro una badbaadiyo naftiisa.

Mid ka mida dadkii daawanayay ayaa u soo dhawaaday kuna yidhi:

“masku wuu ku qaniinay. maxaad hadana weli iskugu dayaysaa inaad badbaadiso?"

Ninkii ayaa ugu jawaabay "dabeecada masku waa inuu ku qaniino, laakiin taasi ma aha inaan bedelo dabeecadayda, ahyd inaan badbaadiyo."

Haku bedelin dabeecadaada si fudud Maxaa yeelay Qof ayaa ku dhibaya kaana cadhaysiinaya.

Ha waayin qalbigaaga fiican, kaliya baro sidaad u feejignaan lahayd.

👁 Shariif Cumar Heersare

Guud ahaan Muslimiintoo dhan, gaar ahaan Soomaali wayn, Soonqaad wanaagsan. Waxaan gaar ka sii gaar ula wadaagaayaa dham...
24/04/2020

Guud ahaan Muslimiintoo dhan, gaar ahaan Soomaali wayn, Soonqaad wanaagsan.

Waxaan gaar ka sii gaar ula wadaagaayaa dhambaalkaan saaxiibbada ku tixaan boggaan .

Cafis bay naga yihiin intii hadda kahor aan qalbiga eax ugu qabannay bishaan qaaligaa darteed. Qalbiyadeenna aan ka dhigno kuwa wanaagsan si ay noogu fududaato inaan bishaan ka faa'iidaysanno.

Alle(SW) ha naga dhigo bishaan ka faa'iidaysigeeda kuwa awooda, dambiyadeenna ha dhaafo, cudurrada faafaya ha naga badbaadiyo, dalkeennana barwaaqo iyo degganaan alle ha noogu soo dabbaalo.

👉Afhaysi wanaagsan.
👈 رمضان كريم.
👉 Good Ramadan.

❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤

Nin geesi ah oo fardooley ah ayaa waxaa la yiri mar isagoo faraskiisa la xiimaya dhul saxara ah wuxuu kasoo dul dhacay n...
02/04/2020

Nin geesi ah oo fardooley ah ayaa waxaa la yiri mar isagoo faraskiisa la xiimaya dhul saxara ah wuxuu kasoo dul dhacay nin harraad ama oon la dhaqaaqi waayay oo meel yaal. Wuu soo dul istaagay markaasuu ka waraabiyay biyo faraskiisa u saarnaa, wuxuuna waydiiyay: war ma u baahan tahay inaan kugu qaado faraska?

Qofkii tabaalaysnaa wuxuu ku jawaabay: waan u baahanahay, waanad mahadsan tahay. Waxaadse ogaataa inaanan fardafuulka aqoon oo aan u baahanahay inaad soo dagto oo aad i caawiso si aan faraska dushiisa u fariisto.

Ninkii faraska lahaa wuu soo dagay, oo ninkii ayuu faraska saaray. Kii markii uu isku hubsaday faraska dushiisa ayuu inta xaragii faraska qabsaday karbaashna geesaha ugu dhuftay oo faraskiina la baxsaday iyadoo ninkii faraska ahaa uu wali dhulka taagan yahay.

Ninkii faraska lahaa wuu u yeeray tuugii faraskiisa kala baxsaday isagoo saxarahaas taagan, wuxuuna ku yiri: waryaa i maqal!

Kii waa soo jeestay, markaasuu yiri: maxaad doonaysaa inaad tiraahdo?

Ninkii faraska lahaa wuxuu yiri: fadlan arrinta aad aniga igu samaysay cidna ha u sheegin.

Tuuggii wuxuu yiri: sumcad xumo miyaad ka cabsanaysaa?

Ninkii faraska lahaa wuxuu ku jawaabay: maya, laakiin waxaan ka baqayaa ama ka cabsanayaa in markii qisadaan la maqlo wanaag oo dhan la'isu fali waayo ama la'isu sameyn waayo!

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho. Macow ustaad.

08/03/2020
Alle ayaa weyn, asagaana mahad iska leh.Nabi MaxamedNNKH.
26/02/2020

Alle ayaa weyn, asagaana mahad iska leh.
Nabi MaxamedNNKH.

Nin Reer baadiyo ah Ayaa xaaskiisa u yimid wuxuuna ku dhahay waad iga furantahay ilaa in mudo ah ;ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ

kadib ninkii waa uu ka shalaayay, waxa uuna doonay in uu ka noqdo, hasa ahaatee waxa uu Raadiyay Mudadaas u carabaabay inta ay tahay,

wuxuu soo aaday Rasuulka scw wuxuuna rabay inuu waydiiyo: Goorma ayaan Xaaskeeyga ku noqon karaa? Hasa ahaatee Rasuulka scw wuu soo waayay xaafadiisa ma joogin waqtigaas.

kadib wuxuu soo aaday Abuu bakar Rc wuxuuna waydiiyay isla Su,ashii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺍﻟﺤﻴﻦ " Tafsiirkeeda (macnaheeda) Abuu bakar Rc wuxuu ku Macneeyay: xaskaaga kuuma banaano ilaa Aad ka dhimaneeso, Yacnii waligaa kuma noqoneysid, wuu ka soo Tagay.

Hadana wuxu u yimid cumar bin khadaab Rc Hadana isla su,ashii ayuu waydiiyay cumar Rc wuxuu ku jawabay : waxay Xaraam kaatahay ilaa 40sano.

Hadana wuxuu u yimad cuthman bin cafaan Rc isla su'ashii ayuu waydiiyay, cuthmaan wuxuu ku jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1sano oo kaamil ah(12bil).

Hadana wuu ka so Tagay wuxuu u yimid Cali bin abii daalib isla su'ashii ayuu waydiiyay? wuxuuna ugu jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1 habeen.

Saxaabigii jawaabihii Tirada badnaa ayuu ku wareeray, Ra'yigee qadataa Tafsiirka kalmdii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ "

kolkaaas buu usoo noqday Rasuulka scw Asoo bustihiisa ku hoos jira, waxa uuna u sheegay wixii dhacay iyo jawaabihii u soo helay.

Rasuulka scw wuxuu dhahay Fadhiiso, wuxuu u Yeeray 4tooda,(Abuubakr,cumar,cithman iyo cali)RC Markeey u yimaadeen Rasuulka scw,

Abuubkar ayuu Rasuulka ku dhahay: Abuu bakarow sababtee ayaad Ninkaan xaaskiisa Ugu xarimtay ilaa uu ka dhimanayo "Yacnii inuusan waligiis ku noqon karin?

Abuubakar: Rasuulka allow Ilaahay soo Qur'aanka kuma dhihin ( ﻓﻤﺘﻌﻨﺎﻫﻢ ﺣﺘﻰ ﺣﻴﻦ ) macnaha " ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ " ee halkaan ku jirtana so maahan ilaa dhimshada"

Rasuulka scw wuu amusay, wuxuuna dhahay adigana cumarow maxad ninkan xaaskisa ooga xarintay 40 sano.?

Cumar asna wuxuu dhahay: Rasuulka allow, Alle soo qur'aanka kuma dhihin bilaawga suuratul INSAAN ( ﻫﻞ ﺃﺗﻰ ﻋﻠﻰ ﺍﻹﻧﺴﺎﻥ ﺣﻴﻦ ﻣﻦ ﺍﻟﺪﻫﺮ ﻟﻢ ﻳﻜﻦ ﺷﺌﺎ ﻣﺬﻛﻮﺭﺍ ‏) " ﺣﻴﻦ " Halkaan macnaheeda waxaay ku tahay" in Nabi adam CS janada u ku Nagaaday 40sano Inta aanan Dhulka loo soo Dajin.

wuu amusay Rasuulka scw. Hadana wuxuu dhahay adigana Cithmaanow maxaad ugu xarimatay Ninkaas Xaaskiisa mudo sanad ah (12bil).

Cithaman bin cafaan ayaa yiri: Rasuulka allow, miyuusan Alle subxaannahu watacaala Qur'aanka ku dhihin (ﺗﺆﺗﻰ ﺃُﻛﻠﻬﺎ كل حين)" ﻭﺣﻴﻦ " Halkaan waxay la macno tahay geedaha badankood waxay miro dhalaan sanad walba,

wuu amusay Rasuulka scw. Hadana wuxuu dhahay adigana caliyow maxad ugu xarimtay Ninkaas Xaaskiisa mudo Habeen ah?

Cali ayaa yiri: Rasuulka allow miyuusan alle Qur'aanka ku dhihin: ( ﻓﺴﺒﺤﺎﻥ ﺍﻟﻠﻪ ﺣﻴﻦ ﺗﻤﺴﻮﻥ ﻭ ﺣﻴﻦ ﺗﺼﺒﺤون ‏)" ﻭﺣﻴﻦ " Halkaan waxay lamid tahay "Habeenkii"

Rasulka Scw wuu ku farxay Saxaabadiisa. Markaas Ayuu yiri "Saaxabbadayda waa sida xiddigihi oo kale mid kasta ood ku dayataan waad ku hanuuneysaan,"

Rasuulka scw wuxuu u ishaaray inuu qaato Fikirka cali Rc sababtoo ah isagaa kuu fudud ayuu ku yiri.!!

Hadaad ku raaxeysatay Akhrinteda ku sali xabiibka Scw

Waa codsi ma aha amar Hadduu ku soo gaaro kheyrkaan Allaah dartiis u Share garee.

17/11/2019

Waanooyinkii Ibraahim Al Fiqi
1. Hurdo kugu filan seexo
2. Saacada ku buuxso oo salaada subax u kac kuna celceli
digriga subaxdii
3. Qofka ugu horreeya ee aad aragto qoyskaaga kelmad
wanaagsan ku dheh oo sabab u noqo dhoollo cadeyntiisa
4. Qofna waxba ha ka sugin.
5. Istaaqfurulayso 1000 jeer
6. Haddii uu qof kaa dalbado in aad caawiso caawi xataa
haddii aanad garaneyn.
7. Marka aad guriga ka baxayso xidho dharka aad ugu
jeceshahay.
8. Daawo muuqaal kaa qosliya.
9. La xidhiidh qof aanad la hadal mudo oo u sheeg in aad u
xiistay.
10. Daawo sawiradii adiga oo yar aad gashay.
11. Isku day in aad wax uun qabato maalintii haba yaraadaane.
12. Shanta salaadood wakhtigooda ku ilaali.
13. Ubax ku beer deyrka gurigaaga.
14. Naftaada jeclow oo u sheeg in aad jeceshahay.
15. Dhegayso qur'aan saacad badhkeed.
16. Qof kasta oo aad garanayso salaan una dhoollo cadee
marka ugu horaysa ee aad aragto.
17. Noqo qof degan, bulshaawi ah oo niyad wanaagsan.
18. Iibso buug xataa haddii aanad akhriska jeclayn oo akhri kol
aad bog ka akhrido.
19. Joogtee xuska Alle maalinta oo dhan.
20. Haddii uu jiro qof kaa cadhaysani raalli gali.
21. Haddii aad adigu qof ka cadhaysan tahay iska cafi.
22. Tuko laba rakcadood iyo witri inta aanad seexan.
23. Ha ka ilaabin dadka ducadaada, adna intaad dadka ugu
ducayso in le'eg baad leedahay.
24. Inta aanad seexan ka feker maalintaadii waxa kuu
qabsoomay iyo waxa aan kuu qabsoomin.
25. Ha ilaabin in aad saacada ugu buuxsato salaada subax.
26. Bilow maalin cusub.

08/10/2019

Daawo muuqaal kooban oo ku saabsan Ololihii Hormarinta Reer Miyiga.

👁 Lama oga

Damalka, baahintii 44aad, 2019.

29/09/2019

Gabaygaan waxaa la yiraahdaa GORGORO, waxaana tiriyey gabyaaga lugu magacaabo Xasan Cabdikariin Maxamed.

Sida qof kasta oo aqriya ama dhegaystaahi uu ka garan karo, gabaygu waxa uu taabanayaa xaalado badan oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed soo maray kuwaas oo qaarkood weli ay taagan yihiin. Waxaa sidoo kale gabyaagu aad uga gubanayaa dulmiga lugu hayo dadka aan galabsan.

Gabyaagu waxa uu yiri:

Ma gorgoriyo gabeygee haddaan galab kusoo duulo
Ganacsiyo anoon beec ugelin magacna goobeynin
Cidna anugu gani ugama rabo googo' lacageede
Geyigeennan Soomaaliyeed godobahaa yaala Gow ayaan ku siiyaa halkey beladu gaartaale
Gefna kuma daree maatadaan ugu gargaaraaye
Gefka dhacaya gumaadkiyo waxaan guuldarada reebey
Gardarrada kuwaan loo dilee iilka lagu gaafey
Gar Islaam haddaad naqi laheyd kula gudboonaaye
Maamulka goobta joogoow haddaad kala garsiin weydo
Waagii gadaal laga sugaa galangalceyntiisa
Galbeed uun kafilo gacalkayoow garab haddaan siinno.

Gabyaa Xasan Cabdikariin Maxamed;

Waxaa daabacay Axmed-nur Xooteeye

Damalka, baahintii 43aad, 2019.

29/09/2019

Hees Soomaalinnimada ka hadlaysa oo dareen taabad leh. Waa hees dhabtii aad u qiiro badan.

👁 Xamse Kaarshe

Waxaa daabacay Xooteeye

Damalka, baahintii 42aad, 2019.

29/09/2019

SHeekh Maxamed Rashaad: SHalay aqligu waxa uu kaaga jiray miskaha maantase maskaxda ayuu kaaga jiraa

27/09/2019

Askarigii dilay madaxwayne Cabdirashiid Cali SHarmaake oo lugu arkay mucjisooyin lala yaabay.

Waxaa ka warramaya sarkaalkii qaabilsanaa toogtiisa. Bal ila daawo adigaa yaabi doonee.

👁 Xogta Madasha

Waxaa daabacay Axmed-nur Xooteeye

Damalka, baahintii 41aad, 2019.

24/09/2019

DAAWO QISO MURUGO BADAN

Gabar Soomaali ah oo guursatay nin caddaan ah kadib markuu dantiisi ka gaarayna soo cayriyay.

Waxaa ka Sheekaynaya SHiikh Maxamed Rashaad ilaahay ha u naxariistee.

Xaqsiin: SHacabka News

Waxaa daabacay Axmed-nur Xooteeye

Damalka, baahintii 40aad, 2019.

Soomaaliyeey, salaan kashka ah iga guddooma meel ad joogtaamba. Kheyr, dembi dhaaf iyo barwaaqo ayaan innoo wada rajeyna...
19/09/2019

Soomaaliyeey, salaan kashka ah iga guddooma meel ad joogtaamba. Kheyr, dembi dhaaf iyo barwaaqo ayaan innoo wada rajeynayaa.

Arooryo suubban:

Waa tan jiiftada saaka aan idiinku talagalay. Macaneheeda iyo tilmmaameheeda ayey leedahay

Heestii: Dadyohow Fataxada Mara

Fadhiid baa dacwoodoo xalay, fiidkii ii yimid

Fallaadhaha la ganay buu i yidhi,
feedhahay jaban

DHegahayga oo furan hurddada, fay ka soo idhi

Arrin nagu fogaatuu i yidhi, aan ku fahansiiyo

Taladuu i faray waxaa ka mid ah, faafi sheekadan

Meel ii fayow lama arkee, faafi sheekada

Ummurahan foolka adag
Ummuurahan wada fa'da ah
Haddaan sii kala furfuro
Daboolka haddaan ka feydo

Fidhaa igu Taaganoo
Aniga fadhi iima yaalle
Dadyohow faataxada Mara

Maxaan fikir seexanwaayey
intaan soo sara fadhiistay
intaan dib u faadhumaystay
Maxaan faallada ku daalay
Maxaan falanqeeyey hawlo
Maxay talo iga firdhiidhay
Maxay buuro ila fuushay
Maxay firxatoo la waayey
maxay dhakadu igu faartay
Maxaan is fadhoocintayda
Faruurta intaan qaniinay
Falaad iyo ciil is-laabay

Fidhaa igu Taaganoo
Aniga fadhi iima yaalle
Dadyohow faataxada Mara

Fidhaa nagu Taaganoo
Illayn fadhi nooma yaallee
Dadyohow faataxada Mara

Haddana Cali Faahiyoow
Rabbaa faxanoo jiree
Hawada an ka faaliyee
Tus iyo fooraan arkaa yoo
Fad baa bari iga muuqda
Barwaaqada foolanaysa
Xarreeddiyo falalaxdeeda
Sadaashu ma foolxumoo
Wakaa falaggii isbeddeley

Farriintaan kuu laqimay
Inaad fidisay ahayde
Haddaad la fadhiisanyaso

Fidhaa igu taaganoo
Aniga fadhi iima yaalle
Dadyohow faataxada Mara

Fidhaa nagu taaganoo
Illayn fadhi nooma yaallee
Dadyohow faataxada Mara

Anigu baarka an fidhee
Anigu aan fiikisoo
wixii hadhay fuuqsadee
Adigu faygaa istaag
Filkaa ka hadh waa habaar

Waar hooy arrimaha ka fiirso
Dantiinna kacoo ku foofa
Wuxuun dadka ugu fillaada
Taliyo ficilbaan rabnnaa

Intaad finjiriirsanayd
Hashii farow ee gaddoontay
Raqdeeda ku foororteen
Miyey talo faro ka haadday
Aniga waxaba ha ila fiqine
An kula wada faaqidnnee
Fagaaraha keen warkaaga

Fidhaa igu Taaganoo
Aniga fadhi iima yaalle
Dadyohow faataxada Mara

Arrin nagu fogaatuu I yidhi, aan ku fahansiiyo
Taladuu i faray waxaa ka mid ah, faafi sheekadan
Meel ii fayow lama arkee faafi sheekada

Ummurahan foolka adag
Ummuurahan wada fa'da ah
Haddaan sii kala furfuro
Daboolka haddaan ka feydo

Fidhaa igu Taaganoo
Aniga fadhi iima yaalle
Dadyohow faataxada Mara

Maxaan fikir seexanwaayey
intaan soo sara fadhiistay
intaan dib u faadhumaystay
Maxaan faallada ku daalay
Maxaan falanqeeyey hawlo
Maxay talo iga firdhiidhay
Maxay buuro ila fuushay
Maxay firxatoo la waayey
maxay dhakadu igu faartay
Maxaan is fadhoocintayda
Faruurta intaan qaniinay
Falaad iyo ciil is-laabay

Haddana Cali Faahiyoow
Rabbaa faxanoo jiree
Hawada an ka faaliyee
Tus iyo fooraan arkaa yoo
Fad baa bari iga muuqda
Barwaaqada foolanaysa
Xarreeddiyo falalaxdeeda
Sadaashu ma foolxumoo
Wakaa falaggii isbeddeley

Farriintaan kuu laqimay
Inaad fidisay ahayde
Haddaad la fadhiisanyaso

Fidhaa nagu Taaganoo
Illayn fadhi nooma yaallee
Dadyohow faataxada Mara

Anigu baarka an fidhee
Anigu aan fiikisoo
wixii hadhay fuuqsadee
Adigu faygaa istaag
Filkaa ka hadh waa habaar

Waar hooy arrimaha ka fiirso
Dantiinna kacoo ku foofa
Wuxuun dadka ugu fillaada
Taliyo ficilbaan rabnnaa

Intaad finjiriirsanayd
Hashii farow ee gaddoontay
Raqdeeda ku foororteen
Miyey talo faro ka haadday
Aniga waxaba ha ila fiqine
An kula wada faaqidnnee
Fagaaraha keen warkaaga

Xaqsiin: Dr. Abdirahman Dualeh Beileh

Waxaa daabacay Axmed-nur Xooteeye

Damalka, baahintii 39aad, 2019.

Like Share Comment Mention

18/09/2019

Gabdheenna Soomaaliyeed ee sharafta badanoow nala dhegaysta muuqaal xiisa badan oo idin quseeya.

Fadlan, u yeer 1 ama 2 gabdhood oo saaxiibbadaa ka mid ah. Mahadsanid.

Walaal Cabdu Rabbi

Damalka, baahintii 38aad, 2019.

QISO CAJIIB AH!Makula tahay in uu  jiro madaxweyne faqiir ah isla mar ahaantasna eey ku baxdo sadaqo?Cumar Binu Khidaab ...
17/09/2019

QISO CAJIIB AH!

Makula tahay in uu jiro madaxweyne faqiir ah isla mar ahaantasna eey ku baxdo sadaqo?

Cumar Binu Khidaab rabi haka Raali naqdee ayaa Waxa uu Maray Rer Xumas((magaalo kutaala suuriya )) in Eey Usoo Qoraan Magacada Dadka masaakiinta Ah ee aan waxba Haysan si wax looga Siiyo Lacagta Baytul Malka Ah markii loo Soo Gudbiyay Amiirkii Muslimiinta magacyadii
Ayuu waxa uu Ku Arkay magacii Madaxweeynihii XUMUS ((Saciid Binu Caamir ) aad buuna Ula yaabay Cumar!!!
Marka uu Layabay inuu Madaxii Gobolka uu Ka mid yahay masaakiinta dadka aanan waxba Haysan !! marka aan waydii nanah Waxa Uu Sidaan u Suubinayo waxa uu Noogu Jawaabay
Ayeey Yirahdeen :Maxaan Suubiyaa Rabi Aniga
Ayuu Dadkaan Masuul Iga Dhigay:

Saciid waxay Yiraahdeen:
waxaan Kasheeganeeynaa Saddax Arimood :

✔ Subixii Nooma Soo baxo Ilaa Barqadii Lagaro.
✔ Habiinkii Oo Dhana Maba Aragno.
✔ Isbuucina Hal Maalin Ma Aragno
Cumar marka uu Waydiiyay Saciid waxa uu kujawaabay Amiirkii Mu'miniin toow waa Run intaba balse Iga Dhagayso
✔mida Kowaad Waa sax oo guriga k**a soo baxo
Ilaa marqadii laga gaaro sababtoo ah Hoowsha Guriga iyo Wixii Loo Bahan Yahaa Ayaan Qabtaa
Islaantana way Iga Xanuunsantahay shaqaalana ima Joogo:
✔mida labaadna malintii Oo Dhan waxaan kashaqeeya danahooda Habiinkiin waxaan Gaar Oga Dhigay Cibaadada Rabi:
✔Mida Saddaxadna isbuucina maalin Baanan Soo Bixin Sababtana waxay tahay marada Aan Qabo Ayaan Dhaqdaa Waana Sugaaa ilaaa eey Iga Qala'layaan madaama aanan Haysan waxaan Iskaga Badalo:!!

Cumar Aad buu U Ilmeeyay wuxuuna Siyay Lacag.
Saciidna Meesha K**a uu san tagin ilaa Masakiintii iyo Dadkii Aan Waxba Haysan uu U qaybiyay Lacagtii Cumar Siiyay

Maanta majiraaa ruux xitaa intaas wax udhow
Samaynaya allow khayrka
Nagu Haday yarabiiii
اميييييين

Xaqsiin: Adoontii Alle

Waxaa daabacay Axmed-nur Xooteeye, aasaasaha bogga.

Damalka, baahintii 37aad, 2019.

Address

Mogadishu

Telephone

+252618803799

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Damalka Ay Soomaali Wada Harsato posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Damalka Ay Soomaali Wada Harsato:

Videos

Share

Category

Nearby media companies