03/10/2024
Dilkii hoggaamiyihii Xisbullah, Xasan Nasrallah kaddib markii u horreysay ayaa hadda la xaqiijiyay in la xiray xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran , waxaa kalo gudaha Iran ka socda baaritaan xooggan oo la sheegay in lagu baarayo xiriirka xubnaha Ilaalada Kacaanka iyo Israa’iil, hadda si gaar ah waxaa loo beegsanaya xubnaha ay qoysaskooda degganyihiin meel ka baxdan Iran iyo kuwa u safray Lubnaan, kaddib dilka Nasrallah waxaa la sheegay inay sare martay tuhunka illaa heerka ay soo faragelisay Israa’iil xubnaha Ilaalada Kacaanka Iran iyo Xisbullah, mid ka mid ah dadka la xiray ee ka tirsan saraakiisha Ilaalada Kacaan Iran ayaa la sheegay inuu ku howlana raadinta xogta Nasrallah ka hor inta aan la dilay oo ay ku jirto goobta uu ku suganyahay iyo illaa muddada uu joogo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa ilo ka tirsan Iran.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay , in hoggaamiyaha sare ee Iran , Cali Khamenei uu isku dayay inuu badbaadiyo Nasrallah, balse waxaa la dilay hoggaamiyaha Xisbullah iyo wakiilkii Iran ee loo diray si uu uga dhaadhiciyo inuu u gaaro Iran , sidoo kale warbixinta ayaa sheegtay in hadda boqollaal ruux oo ka tirsan Xisbullah la xiray kuwaasoo ay ku jiraan xubnihii soo iibiyay nidaamkii isgaarsiinta Xisbullah ee la qarxiyay, sidoo kale gudaha Iran waxaa qof kasta oo laga shakisanyahay laga qariyay goobta uu ku suganyahay hoggaamiyaha sare ee Iran, Cali Khamenei oo hadda lagu hayo meel gaar ah , si looga hortago iskuday kasta oo ay Israa’iil ku dili karto, sida ay sheegtay Reuters.