JINNI ARAG MEDIA

JINNI ARAG MEDIA kolayba waa danbaabiye istiqfaarta badi
(1)

25/01/2026

đź”´
Iska hor imaad xoogan ayaa ka dhacaya moniapolies
Waad yaabi doontaaye warbixinta dhagayso
JINNI ARAG MEDIA

22/01/2026

Fariinta lagu gudbiyay shirkii Davos 2026

Shirka Davos 2026 wuxuu muujiyay in dunidu gashay marxalad kala guur ah: nidaamkii ku dhisnaa xeerarka iyo hay’adaha caalamigaa wuu sii burburayaa, halka mid cusubna uusan weli dhalan. Marxaladdan bannaan waa tan ugu khatarta badan, gaar ahaan dalalka daciifka ah.

Hoggaamiyeyaal reer galbeed ah sida Macron iyo Mark Carney waxay qireen in “xeerarkii caalamiga ahaa” aysan mar dambe si siman u shaqaynayn, awoodduna ay mar kale noqotay waxa wax go’aamiya. Hadallada Trump-na waxay sii muujiyeen in dunidu u socoto dan qaran oo ku saleysan xoog iyo tartan khayraad.

Davos wuxuu si cad u muujiyay in quwadaha waaweyn ay hadda ku tartamayaan dhulal istiraatiiji ah iyo kheyraad, halka hay’adihii caalamiga ahaa ee difaaci jiray dalalka yaryar ay sii wiiqmayaan.

Casharka Soomaaliya:
Dal leh xeeb dheer, marin istiraatiiji ah iyo khayraad dabiici ah, isla markaana weli daciif ah dhinaca midnimo iyo difaac, Soomaaliya si toos ah ayay ugu jirtaa khariidadda loollanka cusub.

➡️ Ku tiirsanaanta xeerar burburaya waa khatar
➡️ Dal aan midaysnayn waa bartilmaameed
➡️ Marxaladdan waxay u baahan tahay feejignaan, istiraatiijiyad iyo midnimo qaran

Gunaanad:
Davos 2026 ma ahayn shir rajo dhisaya ee wuxuu ahaa digniin: xeerarkii way daciifeen, awoodduna waa tan hadlaysa. Mustaqbalka waxaa badbaadi doona kuwa feejigan, midaysan, oo si xeel dheer u fikiraya.

sayid ibrahim

Doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday Uganda ayaa muujinaysa 70% inuu ku hoggaaminayo Yoweri Museveni, oo xilkaa haya t...
17/01/2026

Doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday Uganda ayaa muujinaysa 70% inuu ku hoggaaminayo Yoweri Museveni, oo xilkaa haya tan iyo 1986 , halka musharraxa ugu dhow ee Bobi Wine, oo xalay la afduubay meel aan la aqoona lagu xiray uu helay 24% cododkii la dhiibtay.

Dhinaca kale , booliiska Uganda waxay horraantii maanta beeniyeen inay afduubeen Bobi Wine, halka xisbiga uu ka tirsan yahay Bobi Wine ee NUP, ay sheegeen in diyaarad qumaatiga u kacda ay xalay ku degtay afaafka gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Kampala, islamarkaana si qasab ah loogu kaxeeyay meel aan la garanayn.

Intii ay  Dunida Ku Mashquulsaneed Xaalka Wadanka Venezuela ayaa Habeenimadii xalay ahayd  Wadanka Burkino Faso lagu fas...
04/01/2026

Intii ay Dunida Ku Mashquulsaneed Xaalka Wadanka Venezuela ayaa Habeenimadii xalay ahayd Wadanka Burkino Faso lagu fashiliyay afgambi ka dhan ah Madaxweynaha Wadankaas Kabtan Ibrahim Traoré.

Qorshahan fashilinta ah ayaa yimid kadib markii Shacabka Burkina Faso ay maqleen dhiiladaas ayagoo wadoonyin iskugu soo baxay taas oo ay ku taageerayeen Dowladooda, Taageeradaan xooggan ayaa waxay xusuusinaysaa dhacdadii hoogaamiyahoodi ruuxiga ahaa Thomas Sankara, iyagoo caddeynaya in aysan rabin in taariikhdu soo noqoto markale, arintaan ayaa lagu eedeeyay wadanka france-aiiska.

Hadaba:-

• Shacabka Burkina Faso waxay muujinayaan kalgacal iyo daacadnimo weyn oo ay u hayaan madax-bannaanidooda, taas oo dowlada u sahli karta wada shaqeen ee ka helaan dadkooda, inkastoo Faragelinta shisheeye weli waa halis tahay.

20/12/2025

Muuqaalka oo laga dhigay wariye si toos ah usoo tebinaysa afgambiga ka dhacay Faransiiska , waxaa sameeyay wiil dhalinyaro ah oo ku nool Burkina Faso, sida laxaqiijiyay!
Aduunka waxaa lamarayaa heer runtii iyo beentii lakala saari la'yahay

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa diiday hindise xabbad-joojin uu Maraykanku taageerayay, ...
24/11/2025

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa diiday hindise xabbad-joojin uu Maraykanku taageerayay, isagoo ku tilmaamay midka “ugu xun” ee abid la soo jeediyo. Wuxuu sheegay in qorshuhu horseedayo in la burburiyo ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga, isla markaana RSF lagu dhaafo goobaha ay hadda joogaan.

Imaaraadka Carabta, oo hindisaha soo bandhigay, ayaa ku adkaystay in dagaalka la joojiyo, halka ay milatariga Sudan ku eedeeyeen inay taageero ka helayaan koox ay ku sheegeen “Iqwaano Muslimiin” oo Maraykanku h**e ugu daray liiska argagixisada.

Trump ayaa oggolaaday in Sacuudiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35 , heshiis uu Mareykanka ku helayo boqollaal ...
19/11/2025

Trump ayaa oggolaaday in Sacuudiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35 , heshiis uu Mareykanka ku helayo boqollaal milyan oo dollar,sida ay werisey Bloomberg.

Fiiro gaar ah;

F-35 , suragal ma aha inaad ku weerarto Israa’iil..! Laakin Israa’iil ayaa kugu soo weerarri karta.

19/11/2025

Xilli Ruushka uu soo bandhigay toddobaadkan robot loo diyaarinayo dagaallada , Shiinaha uu soo saaray mid warshadaha ka shaqeynaya, dhinaca Carabta waxaa laga soo saaray robot la baray dhaqanka Carabta , si aan looga baahan dad badan oo munaasabadaha ku soo bandhigga ciyaar dhaqameedka.

  warka ka soo baxay magaalada Minneapolis ee Mareykanka, kadib markii la xaqiijiyay in Xildhibaan Jamal Osman lagu afdu...
11/11/2025

warka ka soo baxay magaalada Minneapolis ee Mareykanka, kadib markii la xaqiijiyay in Xildhibaan Jamal Osman lagu afduubtay isagoo ku sugnaa gaarigiisa.

Booliska Minneapolis ayaa sheegay inay baaritaan degdeg ah wadaan, waxaana la soo sheegayaa in kooxihii falka geystay ay u adeegsadeen hab qorsheysan oo si dhakhso ah u dhacay.

Shacabka Somalida iyo maamulka magaalada ayaa muujiyay walaac xooggan, iyagoo ku baaqaya in Jamal Osman si nabad ah loo soo helo.
Afduubkan ayaa loomalay nayaa inay sabab u ahayd waraysi uu uga hadlayo mayirka magaalada minneapolis

11/11/2025

Halkaasi waa gudaha dugsiga UNRWA ee Gaza, waa goob waxbarasho, burbur baaxad leh baa kamuuqda hada wuxuu isu badalay meel ay ku hoydaan qoysas barakacayaal ah, oo duqeeyeen Israa'iil intii lagu jiray xasuuqii ka dhacay Marinka Qaza.

Sida ay sheegtay warbaahinta Masar ee Mazidnews, dalalka Turkiga iyo Masar ayaa bilaabay iskaashi milatari oo ka socda g...
09/11/2025

Sida ay sheegtay warbaahinta Masar ee Mazidnews, dalalka Turkiga iyo Masar ayaa bilaabay iskaashi milatari oo ka socda gudaha Suudaan, iyagoo ujeeddadoodu tahay inay taageeraan ciidamada dowladda Suudaan iyo inay xakameeyaan guulaha milatari ee ay RSF ka gaareen waqooyiga gobolka Darfur.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in ciidanka Suudaan, oo ay garab siinayaan Turkiga iyo Masar, ay haatan diyaarinayaan weerar ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu qabsado magaalada Al-Fashir iyo deegaannada ku hareeraysan.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when JINNI ARAG MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share